Qaar ka mid ah suxufiyiinta oo kasoo laabanaya tebinta wararka qarax baabuur oo ka dhacay Waddada Afgooye 28kii Abriil 2021.

WPFD 2021: Xorriyadda saxaafadda Soomaaliya oo weerar lagu hayo xilli ay badan yihiin macluumaadka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 May 2021 - Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu mar kale ku baaqayaa in la dhowro xorriyadda saxaafadda, loona oggolaado warfidiyeenka helitaanka macluumaad lagu kalsoonaan karo xilli ay badan yihiin wararka been abuurka ah iyo hanjabaadaha iyadoo aan sidoo kale dalbaneyno in lala xisaabtamo kuwa geysta dambiyada ka dhanka ah warbaahinta Soomaaliya.
(Ka bilow bidix) weriye Xamdi Mahad, weriye Haboon Cali iyo weriye Hani Xuseen.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 2021, SJS waxay ku baaqeysaa in haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed...

MUQDISHO, Soomaaliya, 8 Maarso, 2021 – Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 2021, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyed (SJS) wuxuu ku baaqayaa u sinnaanta fursadaha iyo xuquuqaha ee dhanka haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Weriye Kilwe Aadan Faarax iyo qareenkiisa Mustafe Maxamed Jaamac 27kii Febraayo 2021.

SJS waxay cambaareyneysaa xukunka lasoo dhoodhoobay ee Maxkamadda Ciidamada Puntland ku riday weriye Kilwe

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Maarso 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xukunka saddexda bilood ee xarigga ah ee Maxkamadda Ciidamada Puntland ku ridey weriye madax-bannaan Kilwe Adan Faarax intii ay lagu guda jiray waxa SJS iyo qareennadu ku tilmaameen "maxkamad been abuur ah" oo ka dhacdey magaalada Garowe Arbacadii 03 March 2021.
Weriye Kilwe Aadan Faarax. | Sawir Hore.

60 Maalmood oo xabsi ku heyn ah kaddib, Puntland oo eedeyn cusub ku oogtay...

MOGADISHU, Somalia, 25 Febraayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inay kala noqdaan eedaha la siyaasadeeyay ee looga gol leeyahay in lagu handado, laguna aamusiyo weriye Kilwe Aadan Faarax oo xabsi ku jira illaa iyo 27 Disember 2020 isagoo warar ka soo tebiyay dibad-bax looga cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garowe.
Qaar ka mid ah suxufiyiinta Jowhar oo ka dibad-baxay tacadiyada lagu hayo 8 Febraayo 2021.

SJS waxay cambaareyneysaa beegsiga iyo xarigga rabshadda wata ee suxufiyiinta Galmudug, Puntland, Hirshabeelle iyo...

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Febraayo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada, handadaadaha, faaf-reebka ku saleysan cabdi gelin, tacadiyada gacan-qaadka ee loo geystay warfidiyeennada, ayna geysteen ciidamada amniga iyo saraakiil ka tirsan Galmudug, Puntland, Hirshabelle iyo Muqdisho.
SAWIRKA DABOOLKA: Warbixin sannadeedka SJS ee 2020.

Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2020: Hanjabaadaha iyo tacadiyada lagula kaco warfidiyeenka oo kordhay iyadoo...

MUQDISHO, Soomaaliya, 3 Febraayo, 2021 – Intii lagu guda jiray sannadkii 2020, xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta ka shaqeeya Soomaaliya waxay wajahayeen hanjabaado.
Weriyayaal ka baxsanaya booliska Muqdisho xilli ay boolisku weerareen dad dibaxbayayey 17kii Disembar 2020.

SJS waxay cambaareyneysaa xarigga wariyayaasha ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Somaliland; gelitaanka Radio Hiiraanweyn iyo...

MUQDISHO, Soomaaliya, 24 Janaayo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xadgudubyada saxaafadeed ee ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan Galmudug, Hirshabelle Puntland iyo Somaliland, xadgudubyadaas oo isugu jiray xarig sharci darro ah, handadaado, xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ka dhanka ah saxaafadda.
Weriye Kilwe Aadan Faarax waxaa la xiray 27 Disembar kaddib markuu tebiyay mudaaharaad ka dhacay Garowe. | Photo/Courtesy/SJS.

Kaddib labo toddobaad oo lagu hayey xabsi qarsoodi ah ayey Puntland ku eedeysay weriye...

MUQDISHO, Soomaaliya 15 Jannaayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si weyn uga walaacsan yahay eedeynta siyaasadeysan ee ah 'isku day dil' ee Maxkamadda militariga Puntland ku soo oogay weriye madax-bannaan Kilwe Aadan Faarax oo lagu hayey xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Garowe, tan iyo 27kii Disembar 2020.
Radio Barawe journalist, Omar Aweys Bahar detained by South West State police in Barawe on Saturday 2 January, 2020.

Booliska degmada Baraawe oo demiyay Radio Baraawe, xabsigana dhigay weriye Cismaan Baxar

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka ciidanka booliska Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ku demiyeen Radio Baraawe isla markaana xabsiga ugu taxaabeen weriye Cismaan Aweys Baxar oo ka tirsanaa idaacaddaasi subaxnimadii Sabtida 2 Jannaayo, 2021. Ururka SJS wuxuu dalbanayaa in weriyaha shuruud la'aan lagu siidaayo, loona oggolaado Radio Baraawe inuu shaqadiisa sii wato.
In ka badan 30 weriye oo dhameystay tababarka xorriyatul qawlka oo SJS iyo UNSOM ay ugu qabteen Muqdisho30 Disembar, 2020 - 1 Jannaayo, 2021.

SJS iyo UNSOM oo weriyayaasha Soomaaliyeed ku tababaray Xorriyatul Qawlka

MUQDISHO, SOOMAALIYA, 03 Jannaayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo kaashanaya Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa soo gebagebeeyay tababar saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Xorriyadda Hadalka: Waajibaadka iyo Masuuliyadda Weriyayaasha looguna qabtay in ka badan 30 suxufi magaalada Muqdisho.

Keep in touch

4,315FansLike
7,281FollowersFollow
10SubscribersSubscribe

Reports

Alerts

Campaings