Rabshad, Handadaad iyo Caqabadaha Ku Saleysan Jinsiga: Xaaladda Warfidiyeenka iyo Xorriyadda Warbaahinta ee Soomaaliya iyo Somaliland 2025

MUQDISHO, Soomaaliya – 10 Maarso 2026 – Sanadkii 2025 waxaa lagu asteeyay inuu ahaa sannad kale oo ay sii xumaatay...

MUQDISHO, Soomaaliya – 10 Maarso 2026 – Sanadkii 2025 waxaa lagu asteeyay inuu ahaa sannad kale oo ay

previous arrow
next arrow

Xogta SJS

Diiwaanka Xogta Xad-gudubyada ka dhanka ah Xorriyadda Warbaahinta Soomaaliya/Somaliland.

Tan iyo markii la aasaasay 2019, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu dadaal ku bixiyay la  socodka iyo diiwaan gelinta xad-gudubyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya iyo Somaliland. Bilawgii, hawsha la socodka iyo diiwaan gelinta waxay soo martay isbeddello muhiim ah 2023. Anagga oo taageero qiimo leh ka heleyna Hay’adda NED, SJS waxay hirgalisay diiwaankan xog-ururintii oo ah kii ugu horreeyay abid ee loogu talagalay diiwaan gelinta xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda warbaahinta ee gobolka.

Dhacdooyin

Warbixinnada

Facebook-geenna

Ol’olaha

Waxqabadyada

Maalinta Caalamiga ee Xog-helidda ah ayaa Bulbul la geeyay xabsiga

MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.

War Saxaafadeed: Ka Jawaabista Warka Been Abuurka ee Booliska

MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 – Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.