Luuqadaha:

Luuqadaha:

HomeXeerka Anshaxa

Xeerka Anshaxa

XEERKA HAB-DHAQANKA SUXUFIYIINTA

Xeerkan waxaa loogu yeeraa Xeerka Hab-dhaqanka Xirfadeed ee Suxufiyiinta ku hawlan ururinta, fidinta, qaybinta iyo faallaynta wararka iyo macluumaadka laga warramayo. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xeerkan la wadaagaa xubnihiisa iyo warfidiyeenka Soomaaliyeed guud ahaan:

  1. Xushmaynta runta iyo xaqa dadweynuhu u leeyihiin ogaanshaha runta waa waajibka koowaad ee weriyaha marxalad kasta iyo meel kasta.
  2. Iyada oo la oofinayo waajibkaas, weriyuhu wuxuu mar walba difaacayaa mabaadii’da xorriyadda, wuxuuna ku difaacayaa xog-ururin daacad ah iyo daabacaadda wararka iyo oggolaanshaha xuquuqda aragti dhiibasho xaq ah.
  3. Weriyuhu waa in uu tebiyaa warka oo keliya sida ay xaqiiqdu tahayna u tabiyo isaga/iyada oo soo bandhigaya xaqiiqada (facts) uu ogyahay/ogtahay asalkeeda. Weriyuhu waa in aanu marna meesha ka saarin war ama macluumaad muhiim ah oo jira, ama aanu dhalan-rogin (beddelin), ama been-abuurin qoraal iyo document si uu u marin habaabiyo dadweynaha.
  4. Suxufi ama xarun warbaahineed; waa in si cad loo raaciyo magaca cidda ra’yiga la soo bandhigay iska leh. Sidaas oo kale, weriyuhu waa in uu kala soocaa wararka iyo arrimaha xayeysiiska ganacsiga.
  5. Weriyuhu wuxuu keliya adeegsanayaa hannaan xaq ah si uu e helo war, sawirro iyo qoraallo. Suxufigu ma aha in uu ku raadiyo wararka isaga oo adeegsanaya handadaad, dabagal gaar ah ama ceebayn iyo hab ku salaysan rabshad (cadaawad).
  6. Weriyuhu waa in uusan maqaamkiisa weriyanimo u adeegsan in uu kaga faii’deysto dano shaqsi ah.
  7. Weriyuhu waa in uu isu sheegaa cidda uu warka ka doonayo – oo aanu si sir ah (qarsoodi) wax u duubin haddii aysan jirin sababo qasbaysa oo danta dadweynuhu ku jirto.
  8. Weriyuhu waa in uu intii karaankiisa ah ku dadaalaa in uu saxo khaladaadkiisa/keeda kana dabatago war kasta oo la baahiyay lana ogaaday in khalad wax dhimaya ku jiro isla marka xaqiiqada la ogaadaba.
  9. Weriye kasta waxaa saaran waajib damiiri ah (moral obligation) in uu dhowro/dhowrto ilaha qarsoon ee uu xogta ka heley/heshey –taa waxaa ka mid ah xushmaynta damaanadda rikoorka baqtiisan (off-the-record); iyo sirnimada mihnadeed ee la xiriirta ilaha qarsoon ee warka.
  10. Weriyaha waa in uu ka fogaado/fogaato dhiirrigelinta ama gacansiinta faquuqa ama takoor, waana in uu ka digtoon yahay khatarta ay yeelan karto faquuqid ama hayb-sooc lagu fidiyo ama loo adeegsado warbaahinta, waana in uu intii karaankiisa/karaankeeda ah ka reebtoonaado/to fududaynta in uu dhaco faquuq ku salaysan isir, jinsi, af, diin, siyaasad, aragtiyo kale ama cid loo faquuqo deegaanka ama bulshada uu kasoo jeedo darteed.
  11. Xatooyada qoraallada, sheekooyinka iyo sawirrada dadka kale waa xadgudub xirfadeed oo aad u weyn, sidaa darteed weriyuhu waa inuu xusaa ilaha kale marka uu xigto/xigato xog, muuqaal iyo sawir ay leeyihiin ilahaasi. Waa mamnuuc ka tuugaysiga xogta ilaha kale iyadoon la siin xuquuqda ay mudan yihiin.
  12. Waxaa sidoo kale reebban si xun wax-u-sheeg cadaawad hurin leh, sharafdil/sumcad-dil, ihaanayn, aflagaaddo ama shakhsi weerar, eedayn aan sal lahayn iyo aqbalaadda ama qaadashada laaluush nooc kasta oo uu yahay marka looga dan leeyahay in wax loo daabaco ama meesha looga saaro oo aan la faafin war aanay jeclayn cidda laaluusha bixisay.
  13. Qof kasta waa in loo dhawraa sharafka noloshiisa khaaska ah, tan qoyskiisa iwm. Sidaa daraadeed, weriyuhu waa in uu xushmeeyo/xushmeysaa arrimaha u gaarka ah dadka (privacy) haddii ayan jirin sababo lagu qanci karo oo u daneynaya dadweynaha.
  14. Weriyuhu ma shaacinayo aqoonsiga carruurta iyo dadka u nugul takoorka –sida dhibbanayaasha kufsiga, rabshadaha jinsiga ku saleysan, dadka qaba xannuunka HIV-AIDS haddii ayan iyagu raalli ka ahayn – waana in raalli ahaanshuhu yahay mid ku yimid xog-ogaalnimo buuxda oo la wareystaha u leeyahay wax aka dhalan kara haddii lafaafiyo xog horseedi karta in la garto aqoonsigiisa gaarka ah.
  15. Warfidiyeennada ma aha in ay sawirro ka qaadaan ama ay arrimo ka waraystaan ilmo yar, haddaan oggolaansho laga helin waalidka ama cid kale oo mas’uul ka ah. Marka ay jiraan xaalado gaar ah oo aan saamaxeyn in la helo cid mas’uul ka ah ilmahaasi, sida ilmaha la afduubay, kuwa dayacan oo cid mas’uul ka ah aan si fudud loo heli karin. Xaaladdaas oo kale weriyuhu waa in uu si taxadar leh ula macaamilo ilmahaasi marka maslaxadda kama dambaysta ah ee ilmuhu ay khasbayso in sidaa la yeelo, iyada laga dheeraanayo in dhibaato ka badantii uu ilmuhu horey ugu jiray loo geysto.
  16. Weriyuhu waa inuu si taxaddar leh oo aan dhinacna u xaglinayn u eegaa/eegtaa wax-ka-qoridda dacwadaha (kiisaska) ka socda maxkamadaha ee aan weli go’aan laga soo saarin. Sidaa oo kale waa in uu suxufigu dareen feejigan kula dhaqmaa/dhaqantaa marka uu soo bandhigayo/bandhugayso muuqaalka iyo haybta la tuhmaha, eedaysanaha ama xukumanaha. Waa in laga digtoonaado in loogu yeero dambiilayaal dadka la tuhunsan yahay (eedaysanayaasha) kahor xukun maxkamadeed.
  17. Weriyuhu marka uu gudanayo/gudaneyso waajibaadkiisa/keeda mihnadeed waa in uu xor ka yahay/tahay oo aanu oggolaan saameynta caddaadisyada gudaha ama dibedda uga imaanaya, kuwaas oo ay ka mid ahaan karaan: naftiisa ama dadka ku dhowdhow, madaxda shaqada, milkiilaha xarunta warbaahinta, hanjabaad ama cadaadis kale oo kaa soo gaara dowladda, siyaasiyiin, qabiilo, cadaadis ganacsi oo kaaga yimaada sharikado ganacsi oo wax loo xayeysiiyo; waxyaabaha lagu siiyo laaluush ama hadiyad si aanay wax ugu dhimin runta, xaqnimada iyo madaxbannaanida warka.
  18. Laguma qasbi karo weriyaha in uu qabto shaqo ama uu sheego/sheegto war ama faallo ka hor imanaysa waxa uu aamminsan yahay/tahay ama ka horjeedda damiirkiisa/damiirkeeda qofnimo. Sidoo kale waxaa reebban in suxufiyiinta lagu riixo tebinta warar iyo dhacdooyin halis gelin kara naftiisa/nafteeda.
  19. Weriyuhu waa in uu ka reebtoonaadaa danaha iska hor-imaanaya (is-hardiga danaha) oo ay ku jiraan arrimaha khuseeya saaxiibbada, xubin qoys iyo aqbalaadda hadiyad, ama daneysi gaar ah oo lagu bedelanayo war-tebin dhinac u xaglineysa ama lagu daboolaayo xaqiiqada.
  20. Weriye kasta waxaa waajib ku ah oggolaanshaha xaqa jawaab-bixinta – oo la siinayo kuwa laga sheegay dhaliil ama loo jeediyay eedeymo noocay doonaan ha ahaadeene si ay uga jawaab celiyaan eedaha loo jeediyay ama ay isu difacaan. Suxufigu waa inuu daacad ka ahaado marka dadka uu siinayo xaqa ka-jawaabista.

    Xilliyada doorashooyinka:

  21. Xilliyada doorashooyinka, weriyuhu waa inuu ku adkeystaa/adkeysataa dhex-dhexaadnimo, waana in wartebinta loo simaa dhammaan musharixiinta iyo xisbiyada ka qeyb-galaya tartanka doorashooyinka. Waqtiyada doodaha warbaahinta waa in waqti isla’eg la siiyaa dhammaan dhinacyada doodda.
  22. Weriyaha waa inuusan/inaysan u sameyn ballanqaad la xiriira tebin gaar ah oo loo sameynayo koox, musharrax ama xisbi gaar ah.
  23. Marka wararka iyo faallooyinka ay ku jiraan ra’yi ururin iyo saadaal laga soo xigtay hay’adaha cilmi-baarista iyo kuwa wax faaqida (wax taxliiliya), waxaa habboon in la caddeeyo in ra’yi ururintu tahay mid ka timid dhinac saddexaad oo ka madax-bannaan weriyaha.
  24. Weriye kasta oo soo tebinaya dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa la xiriira ol’olayaasha doorashooyinka, waxa habboon inay caddahay madax-bannaanidiisa/deeda, sidaa awgeedna waa inuusan/inaysan ku milmin taageerayaal xisbi (waxaa reebban in suxifiga xirto koofiyadaha, funaanadaha iyo agabka muujinaya astaanta xisbi ama musharrax gaar ah). Ma bannaana in suxufi uu halis geliyo dhex-dhexaadnimada mihnadiisa/deeda.
  25. Xaqiijinta iyo hubinta wararka deg-degga ah iyo warbixinnada kale ee sida dhakhsiyaha ah lagu helo oo ay kujiraan kuwa la xiriira natiijooyinka doorashada waa inay ka horeyso tebintooda.

    Arrimo Guud:

  26. Si guud, warfidiyeenku waa inay ixtiraamaan karaamada mihnadda weriyanimo, sarreynta sharciga iyo xuquuqda aadanaha iyadoo markasta la xaqiijinayo xor ahaanshaha iyo ka fogaanshaha nooc kasta oo farogelin ah.
  27. Weriyaasha waa inay isu muujiyaan garab-istaag marka lagu xadgudbo qeyb iyaga ka mid ah ama laga hor-istaago shaqadooda saxaafadeed.
  28. Haddii si uun suxufiga galo/gasho khalad, waxaa waajib ku ah inuu sameeyo/sameyso sixitaan marka ugu horreysa ee la ogaado khaladkaasi oo ay la jirto raali-gelin dhinaca la ogaaday in laga galay khaladkaasi.

Xeerkan waxaa lagu meelmariyey Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ee 21-22 Juun, 2019, oo ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya.

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada