Qaar ka mid ah suxufiyiinta oo kasoo laabanaya tebinta wararka qarax baabuur oo ka dhacay Waddada Afgooye 28kii Abriil 2021.
Qaar ka mid ah suxufiyiinta oo kasoo laabanaya tebinta wararka qarax baabuur oo ka dhacay Waddada Afgooye 28kii Abriil 2021.| Sawirka/Siciid Yuusuf/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 May 2021 – Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu mar kale ku baaqayaa in la dhowro xorriyadda saxaafadda, loona oggolaado warfidiyeenka helitaanka macluumaad lagu kalsoonaan karo xilli ay badan yihiin wararka been abuurka ah iyo hanjabaadaha iyadoo aan sidoo kale dalbaneyno in lala xisaabtamo kuwa geysta dambiyada ka dhanka ah warbaahinta Soomaaliya.

Maaddaama adduunku u xusayo Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3da May iyadoo halku dhigguna yahay “Macluumaadka oo loo adeegsado Danta Dadweynaha”, SJS waxay dib u eegis ku sameysay diiwaanka xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya afartii bilood ee la soo dhaafay ee 2021.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa markale la kulmayaan rabshado iyo weeraro ula kac ah oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo kooxaha hubeysan. Ka warramidda amni darrada, ismari waaga ka jira doorashooyinka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, warbixinnada eedeymaha musuqmaasuqa iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ayaa khad cas u ah xirfadleyda warbaahinta. Warfidiyeenka doonaya inay soo tebiyaan arimahan inta badan waxay la kulmaan dhibaateyn iyo cabsi galin, qaar badanna waxaa lagu qasbay inay is-faafreebaan. Maadaama waddanku hadda ku jiro xilli kala guur ah oo aad u xasaasi ah, dhibaatooyinku way sii kordheen.

Laga soo bilaabo Jannaayo illaa Abriil 2021 oo keliya, waxaa la xiray 30 weriye, iyadoo laba ka mid ah la maxkamadeeyay halka saddex xarun warbaahineedna la weeraray. Dhammaan xadgudubyadan waxaa geystey ciidamada amniga sida Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA), Booliska Haramcad, ciidamada amaanka ee dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle. Somaliland waxay xirtay lix wariye afartii bilood ee la soo dhaafay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhimashada wariye Jamaal Faarax Aadan, halka ciidamada ammaanka dowladda ay toogteen oo dhaawaceen labo wariye oo waajibaad shaqo ku jiray.

Hanjabaadaha iyo weerarada ka imaanaya saraakiisha dowladda, shaqsiyaadka gaarka ah iyo al-Shabaab waa kuwo kudhowaad maalinle ah. Soomaaliya waxay wali heysataa derejadeedii foosha xumeyd oo ah inay ka mid tahay waddamada ugu halista badan ee suxufinimo looga shaqeeyo.

Helitaanka macluumaadka ayaa aad u xaddidan waddanka oo dhan. Xirfadleyda warbaahinta waxaa lagu dhibaateynayaa, lagana hor istaagay inay galaan dhismayaasha dowladda oo ay ka mid yihiin Aqalka Hoose ee Baarlamaanada Federaalka iyo xarumaha kale ee dowladda. Mas’uuliyiinta – ha ahaadeen heer federaal ama heer gobol – illaa hadda ma furin baaritaanno la xiriira dilalka iyo weerarro ka dhan ah suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada Soomaaliya inay ixtiraamaan xuquuqda xorriyadda saxaafadda sida ku xusan Dastuurka ku-meelgaarka ah ee federaalka. Dhowridda suxufiyiinta iyo xorriyadda warbaahinta waa tiir muhiim u ah u adeegsiga macluumaadka sida danta guud ku jirto.

“Saxaafadda xorta ahi waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ku wargelinta muwaadiniinta arrimaha danta dadweynaha iyo la socodka tallaabooyinka dowladda heerarkeeda kala duwan ay qaadeyso. Markii warfidiyeenka loo hanjabo, la weeraro, la xiro oo xarumaha warbaahineed la weeraro waxaa taasi macnaheedu yahay in muwaadiniintu aysan xaq u yeelan doonin inay soo bandhigaan arrimo muhiim ah oo saamaynaya dhismaha dowladnimada iyo ku dhaqanka sharciga oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri ”Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

“Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, maanta waxaan mar kale ku celinaynaa baaqeena ah in la ilaaliyo saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya.”

SJS waxay sii xasuusineysaa mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee Soomaaliyeed waajibaadka ka saran sidii loo hubin lahaa in baaritaan dhab ah oo buuxa lagu sameeyo dhammaan kiisaska dilka weriyeyaasha, oo ay ku jirto dilkii sawir qaade Cabdirisaaq Qaasim Iimaan oo sarkaal boolis ah uu ku toogtay bishii Luulyo 2018 magaalada Muqdisho.

“Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, waxaan ugu yeeraynaa labadaba federaalka iyo dowlad-goboleedyada inay ka joojiyaan ciidamadooda amniga weerarada, xiritaanka, dhibaateynta iyo carqaladeynta suxufiyiinta ay ku hayaan. Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waa inay u adeegsadaan xafiisyadooda wanaagsan cadaadis-na ku saaraan dhammaan madaxda heerarka kala duwan dowladda si loo hubiyo in dhammaan kuwa mas’uulka ka ah weerarrada, dhibaataynta, iyo hanjabaadaha ka dhanka ah warfidiyeenka lala xisaabtamo,” ayuu raaciyay Xoghaye Mumin.

HALKAN KALA DEG WARBIXINTA AFARTA BILOOD OO DHAN