MUQDISHO, Soomaaliya, 28 Luulyo 2023Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ku dhawaaqay ku biiridda rasmiga ah ee Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo ururada saxafiyiinta caanka ah.

Tallaabadan muhiimka ah waxay sii xoojineysaa ka go’naanta SJS ee ku aaddan difaaca xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta iyo ilaalinta xorriyadda hadalka, gudaha Soomaaliya iyo masraxa caalamiga ahba.

Iskaashigan istiraatijiyadeed ayaa sii xoojinaya kaalinta SJS ee ku wajahan u doodista sida adag ee xorriyadda saxaafadda, iyada oo xoojinaysa xubnaheeda marka ay wajahayaan caqabadaha adag ee ka hor imanaya xirfadlayaasha warbaahinta ee Soomaaliya. Ku biiridda Golaha Saxaafadda Caalamiga ah waxa ay astaan u tahay guul muhiim ah oo SJS ay ka gaartay dagaalka aan ugu jirno madax banaanida saxaafadda iyo badbaadada saxafiyiinta.

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta u dabaaldegno guul kale oo muhiim noo ah anagoo si rasmi ah ugu biirnay Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI). Ku biiritaankan waxa uu kor u qaadayaa awoodda SJS ee ah in ay si wax ku ool ah ugu doodo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya iyo in lagu xoojiyo xubnaheenna waxyaabaha lagama maarmaanka ah si ay ugu gudbaan xaaladaha adag ee ay wajahayaan saxafiyiinta Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS.

SJS oo ah urur saxafiyiin heer qaran ah iyo u doode adag oo xorriyadda saxafadda, ayaa sii wadi doona in si hagar la’aan ah oo geesinimo leh u difaacno xuquuqda saxafiyiinta iyada oo la siinayo gargaar sharci oo muhiim ah warfidyeenka wajahaya kiisaska maxkamadaha ee ka dhashay shaqadooda saxafinnimo. Hadafkayagu waa in aan hubinno in saxafiyiintu ay gudan karaan waajibaadkooda iyaga oo aan ka cabsanayn aargoosi, iskaashigeenna IPI taasi ayuu xoojinaya.

Iyadoo muuqaalka warbaahintu uu is bedelayo, SJS waxa ay weli u heellan tahay horumarinta saxafiyiinta mas’uulka ah iyo difaacidda xuquuqda kuwa sida geesinimada leh u soo tebiya runta. Wada shaqeynteenna IPI waxay xoojineysaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ilaalinta mabaadi’da aas-aasiga ah ee warbaahinta xorta ah iyo madax-bannaanida.

“Waqtiyadan adag, SJS waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay aqoonsadaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda xorta ah ee ilaalinta dimoqraadiyadda, kobcinta daahfurnaanta, iyo gaarsiinta dadweynaha xog sax ah,” ayuu sii raaciyay mudane Mumin. “Si wadajir ah, waxaan u dhisi karnaa bulsho qiimeeysa xorriyadda saxaafadda oo qadarisa dadaalka aan daalka lahayn ee saxafiyiinta u halgamaya runta iyo isla xisaabtanka.”

SJS waxa ay aad ugu mahadcelinaysaa Golaha IPI sida uu noogu soo dhaweeyay shabakadiisa qiimaha badan, waxaana aanu balan qaadaynaa in aanu sii wadi doono u ol’olaynta xoriyadda saxaafadda Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan intuba.