Ciidan boolis oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa xiray toddoba weriye oo ka tirsan Radio Hiiraan Weyn Jimcihii 21 Jannaayo, 2022.

Booliska Hirshabeelle ayaa weeraray kaddibna demiyay Radio Hiiraan iyagoona xiray toddobo weriye oo ka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Janaayo, 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo bahwadaagteeda Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan weerarka booliska Hirshabeelle ku qaadeen xarunta idaacadda madaxa bannaan ee Radio Hiiraan Weyn ee magaalada Beledweyne, deminta idaacadda iyo xarigga toddobo suxufi oo ka howlgala idaacadda. Falkaasi ayaa dhacay Jimcihii 21-ka Janaayo kaddib wareysiyo lala yeeshay dad deegaanka ah oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.
Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2021.

Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2021: Ku Aamusinta Suxufiyiinta Weeraro lala Beegsado, Xayiraadaha iyo Faafreebka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Jannaayo, 2022 – Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa mar kale la kulmay tacaddiyo iyo weeraro ula kac ah oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Al-Shabaab. Ka soo waramidda amni-darrada, is-mari-waaga joogtada ah ee doorashooyinka federaalka iyo warbixinnada khuseeya eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka, ku takri-falka awoodda dowladda iyo falalka musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda ayaa ah khad cas oo aanay ka hadli karin warfidiyeennada
Maalinta Caalamiga ee Helista Xogta: SJS & SOMA waxay ku baaqayaan in warbaahinta iyo suxufiyiinta loo oggolaado xaqa helitaanka xogta.

Maalinta Caalamiga ee Helista Xogta: SJS & SOMA waxay ku baaqayaan in warbaahinta iyo...

MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtember 2021 - Iyadoo maanta loo dabbaaldegayo Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Xogta (IDUAI), ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ku baaqayaan in suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta loo oggolaado xaqa helitaanka xogta iyo inay ogaadaan, ayna soo tebiyaan macluumaadka muhiimka ah si madax-bannaan oo aan xaddidaad lahayn.
Weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) waxaa muddo shan bilood sannadkii 2020 lagu hayey xabsi sharci darro ah.

QM oo caddeysay in xariggii weriye Abuuja uu ahaa xadgudub ka dhan ah xeerarka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 16ka Sebtember 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), iyo Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Robert F. Kennedy ayaa soo dhoweeyay go'aanka Guddiga Qaramada Midoobay ee Xarigga Sharci Darrada (UNWGAD) uu ku dhawaaqday ee lagu caddeeyay in xariggii iyo tacadiyadii loo geystay weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (“Abuuja”), uu ahaa mid aan loo meel-dayin oo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.
Suxufiyiintii dhameysatay tababarka kobcinta xorriyadda warbaahinta iyo badqabka suxufiyiinta.

SJS, oo taageero ka heleysa Canada, oo tababar badqabka iyo xorriyadda warbaahinta u qabatay...

MUQDISHO, Soomaaliya, 17 Ogoosto, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Isniintii soo gabagabeeyay tababar socday saddex maalmood kaas oo qayb ka ah tababarro cusub oo taxane ah oo ku saabsan kobcinta xorriyadda warbaahinta iyo badqabka suxufiyiinta oo lagu qabtay Muqdisho intii u dhexeysay 14-kii ilaa 16-kii Ogoosto.
Sahra Ismaaciil oo ah weriye Cabdirisaaq Qaasim hooyadiis oo heysa sawirka wiilkeeda xilli ay u warramaysay SJS.

Saddex sano kaddib, askarigii dilay weriye Cabdirisaaq Qaasim Iiman weli caddaaladda lama horkeenin

Muqdisho, Soomaaliya, 26 Luulyo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobolleedka Galmudug inay soo xiraan, caddaaladdana horkeenaan askirigii dilay weriye Cabdirisaaq Qaasim Iimaan oo ahaa sawirqaade u shaqeynayay telefishinka SBS oo lagu toogtay Muqdisho, 26 Luulyo, 2018.
Weriyayaal kasoo waramaya munaasabad ka dhacday Muqdisho bishii Maarso, 2021.

Warfidiyeenka oo heli waayey xogta ku saabsan dedaalka dowladda ee ku wajahan Covid19 iyo...

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Luulyo 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xayiraadda ka dhanka ah helitaanka xogta ay u baahan yihiin suxufiyiinta gudaha ee ku wajahan dedaalka heer federaal iyo heer gobol ee ku aaddan cudurka Covid19 iyo tallaalka, taasoo ku xadgudbeysa waajibaadyada ay soo rogayaan dastuurka dalka iyo shuruucda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ee ku aaddan helitaanka macluumaadka iyo caafimaadka bulshada ee lagu doonayo in kor loogu qaado wacyigelinta bulshada si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha.
Suxufiyiinta oo ka soo waramaya shir jaraa'id kaddib mudaaharaadyo mucaaradku ka dhigeen Muqdisho.

SJS oo ka dalbatay Xafiiska RW inuu suxufiyiinta u oggolaado tebinta shirka doorashooyinka ee...

MUQDISHO, Soomaaliya 24 May, 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa ficillada Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee sida bareerka ah uga horjoogsaday weriyeyaasha inay helaan xogta ku saabsan shirka arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Booliska iyo NISA oo Muqdisho ku weeraray suxufiyiin tebinayey dibaxbax, iyagoo garaacay gabar weriye...

MUQDISHO, Soomaaliya 16 May 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate - SJS wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka, handadaada iyo hor joogsiga ay maanta ciidan isugu jiray booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) u geysteen koox suxufiyiin ah oo kasoo waramayey Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo waalidiin ka cabanayey “carruur ay sheegeen inay ka maqan yihiin” ay ku dhigayeen dibadbax.
COMBINED PHOTOS: Raid on Radio Mustaqbal Mogadishu on 27 April 2021. | Photo/ Private.

SJS iyo SOMA oo taageeray dacwadda Radio Mustaqbal ka gudbiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

MUQDISHO, Soomaaliya, 08 May 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si wadajir ah u shaaciyay inay taageersan yihiin dacwadda ay gudbisay Idaacadda Mustaqbal ee ka dhanka ah Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Villa Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo loo heysto weerarkii 27-kii Abriil lagu qaaday xarunta warbaahinta Mustaqbal.

Keep in touch

4,315FansLike
7,281FollowersFollow
10SubscribersSubscribe

Reports

Alerts

Campaings