Weriye Kilwe Aadan Faarax waxaa la xiray 27 Disembar kaddib markuu tebiyay mudaaharaad ka dhacay Garowe. | Photo/Courtesy/SJS.
Weriye Kilwe Aadan Faarax waxaa la xiray 27 Disembar kaddib markuu tebiyay mudaaharaad ka dhacay Garowe. | PHOTO / Courtesy/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Agoosto 2022 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo qareenkooda xuquuqul insaanka, Michael Polak ee Justice Abroad ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xarigga Sharci Darrada (UNWGAD) kuwaasi oo u aqoonsaday xarigga Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay kula keceen weriye Kilwe Aadan Faarax bishii Disembar 2020 inuu ah xarig sharci-darro ah oo liddi ku ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa sida uu dhigayo Qodobka 13aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Qodobka 12aad ee Axdiga Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda.

Ciidanka booliska hubeysan ee Puntland ayaa beegsaday oo xabsiga dhigay weriye Kilwe kaddib markii uu soo tebiyay mudaaharaadyadii ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland 27-kii Disembar 2020, waxaana markii ugu horeysay lagu soo oogay dacwad dil ah inkastoo maamulka uu awoodi waayay inuu caddeyn u keeno sheegashadooda, kaddibna garsoorayaal ka tirsan maxkamada ciidamada Puntland ayaa qol yar oo ku yaalla xabsiga dhexe ee Garoowe kula riday xukun saddex sano oo xarig ah 17-kii Maarso 2021 iyagoo cuskanaya “Dembiyada la xiriira warbaahinta”. Kilwe ma heysan qareen, lamana siin fursad uu ku arko qoyskiisa waqtiga lagu qaadayey dacwaddan been abuurka ah ee ay qaaday maxkamadda. Ka weriye ahaan ma jirin sabab keeni kartay in Mr Kilwe, oo shacab ah, lagu xukumo maxkamad ciidan.

Weriye Kilwe oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa xabsiga laga sii daayey 84 maalmood kaddib 22 Maarso 2021, iyadoo wareegto cafis fidin ah uu sameeyay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kadibna loo gudbiyey guddiga shaqada ee Qaramada Midoobay. Dacwad la xiriirta xarigga aan sharciga ahayn ee weriye Kilwe ayaa waxaa Guddiga Qaramada Midoobay u gudbiyay qareen Michael Polak oo ka wakiil ah SJS.

SJS iyo qareenka xuquuqul insaanka, Michael Polak waxay soo dhawaynayaan go’aankan taariikhiga ah ee ay soo saartay kooxda Qaramada Midoobay ee Xarigga Sharci Darrada ah kaasoo ku saabsan ku xad-gudubka xuquuqul insaanka ee maamulka Puntland u gaystay weriye Kilwe Aadan Faarax.

Iyagoo caddeeyay in xarigga Kilwe ay sabab u tahay shaqadiisa saxafinimo darteed, Kooxda Qaramada Midoobay waxay ogaatay in xarigga weriye Kilwe uu ka dhigan yahay xorriyad ka qaadis, iyo in meel aan rasmi ahayn lagu hayey in ka badan laba toddobaad. Kooxda Qaramada Midoobay waxay diiwaangelisay dareenkeeda gaarka ah ee dhacdooyinka noocan oo kale. Kooxda Qaramada Midoobay waxay kaloo ogaatay in xuquuqda weriye Kilwe ay ka mid tahay qodobbada Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Axdiga Xuquuqda Madaniga ah iyo Siyaasadda oo ay ku jiraan xaqa uu u leeyahay xorriyaddiisa, xaqa xor ka ahaanshaha xarigga sharci-darrada ah, xaqa uu u leeyahay in si wanaagaan loola dhaqmo, xaqa uu u leeyahay caddaalad iyo inuu helo dhageysi dadweyne.

Kooxda Qaramada Midoobay ayaa u gudbiyay eedeymaha la xiriira xarigga weriye Kilwe Dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen jawaab faahfaahsan inay Dowladdu kasoo bixiso 1-da Febraayo 2022. Waxaa kaloo Dowladda Soomaaliya laga dalbaday inay inay caddeyso qodobbada sharciga ah ee lagu sababeynayo xariggiisa iyo sidoo kale in ay waafaqsan tahay waajibaadka Soomaaliya ka saaran sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka gaar ahaan marka la eego heshiisyada ay Dawladdu ansixisay.

25kii Jannaayo 2021 ayey Dowladda Soomaaliya soo jawaabtay, waxayna codsatay muddo kordhin taas oo laga ogolaaday isla maalintaas, waxaana la siiyay waqti illaa 3 Maarso 2022 kama danbeys. Illaa haatan oo la daabacay go’aanka Guddiga Qaramada Midoobay oo ku beegan 31 May 2022 wax jawaab ah lagama helin dowladda Soomaaliya.

Kooxda Qaramada Midoobay waxay ka dalbadeen Dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah inay wax ka qabato xaaladda weriye Kilwe oo aanu dib u dhac ku iman, lana waafajiyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya, oo ay ku jiraan kuwa ku xusan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Axdiga Caalamiga ah iyo kan Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda. Kooxda QM waxay soo jeedinaysaa, iyadoo la tixgalinayo dhammaan duruufaha kiiskan, in xalka ku habboon uu noqdo in la siiyo weriye Kilwe xuquuq la fulin karo oo magdhow ah iyo caawimaadyo kale, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

“SJS, iyada oo adeegsanaysa qareenkeeda caalamiga ah, waxay kiiskan u gudbisay Kooxda Qaramada Midoobay ee Ka Shaqeeya Xarigga xaq darrada ah. Waxaan soo dhoweynaynaa go’aankan taariikhiga ah oo si cad u qeexaya xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee lagula kacay saaxiibkeen Kilwe Aadan Faarax oo loo beegsaday shaqadiisa saxaafadeed darteed. Waxaan hadda ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland inay qaadaan tallaab kasta oo lagama maarmaan u ah si ay xal ugu helaan dhibaatada loo geystay weriye Kilwe Aadan Faarax oo ay ka mid tahay in la siiyo xuquuq la fulin karo oo magdhow iyo taageero u dhiganta dhibkii gaaray, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS). “Waxaan sidoo kale ku boorineynaa Dowladda Soomaaliya iyo Puntland inay xaqiijiyaan baaritaan buuxa oo madax-bannaan oo lagu sameeyo duruufaha ku xeeran sababata markii horeba xorriyadda looga qaaday saaxiibkeen Kilwe Aadan Faarax.”

Qareenka Michael Polak ayaa sheegay in waayadii hore maamulada sida kuwa Puntland ay dareemi jireen inay la baxsan karaan oo ay dhibaateyn karaan cid kasta oo ka damqata ama ka hadasha warar aysan raali ka aheyn Dowladdu. Hadda, iyada oo hay’adaha caalamiga ah ay diyaar u yihiin inay baaraan sida loola dhaqmo saxafiyiinta iyo dadka kale ee lagu beegsado dacwadaha ‘maxkamadaha’ ee lasoo dhoodhoobay. Hadda arrintaasi way dhammaatay.

“Warfidiyeenku waxa ay weli ka mid yihiin kooxaha ugu muhiimsan marka la eego doorka ay ku leeyihiin in ay bulshada u sheegaan waxyaabaha ka qaldan Dowladda si isbeddel uu u dhaco. Maamullada intii ay weerari lahaayeen saxafiyiinta ah waa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka la tilmaamay, si ay wax ugu wanaajiyaan xaaladda dadka ku nool meelaha ay maamulaan,” ayuu hadalkiisa ku daray qareen Michael Polak.