Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2021.
Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2021. | SAWIRKA/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Jannaayo, 2022 – Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa mar kale la kulmay tacaddiyo iyo weeraro ula kac ah oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Al-Shabaab. Ka soo waramidda amni-darrada, is-mari-waaga joogtada ah ee doorashooyinka federaalka iyo warbixinnada khuseeya eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka, ku takri-falka awoodda dowladda iyo falalka musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda ayaa ah khad cas oo aanay ka hadli karin warfidiyeennada Soomaaliyeed.

Suxufiyiinta doonaya in ay arrimahaas ka hadlaan ayaa inta badan la kulma xarig xaqdarro ah, hanjabaad dil, caga-jugleyn iyo weerar, waxaana in badan lagu qasbaa in ay warbixinnadooda faafreebaan. Maadaama uu dalku wali ku jiro marxalad kala guur ah oo xasaasi ah illaa dhammaadka sannadka 2021, dhibaatooyinka loo geysanayo suxufiyiinta way sii kordheen.

Suxufiyiintu ka hawlgala dalka oo dhan ayaa halis dheeraad ah wajahaya. Noocyo kala duwan oo tacaddiyada ka dhanka ah weriyayaasha ayaa si aad ah u kordhay inta lagu guda jiro 2021: laga bilaabo weerarrada jireed illaa cagajuglaynta iyo hanjabaadaha dhanka internetka ee lala beegsaday, waxaan hadda aragnaa tabo cusub oo loo isticmaalayo in lagu aamusiyo codadka muhiimka ah iyo xorriyadda hadalka. Tiiyoo ay weheliso dhaqanka soo jireenka ah ee la xisaabtan la’aanta denbiilayaasha geysta weerrada ka dhanka ah suxufiyiinta, oo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu daran ee wajahaya xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Nasiib darrose, is-faafreebka ay suxufiyiintu isku sameynayaan ama ka tegista ay ka tagayaan xirfadda oo dhan – sababo amni darteed – ayaa hadda noqotay doorashada kaliya ee ay ku badbaadi karaan suxufiyiinta Soomaaliya.

Web poster SJS Annual Report 2021

Labo weriye ayaa lagu dilay dalka 2021, saddex kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah – oo labo ka mid ah ay ahaayeen rasaas. 65 Suxufi ayaa si sharci darro ah loo xidhay, waxaana la weeraray toddobo xarumo warbaahineed.

Xadgudubyadan badankood waxaa geystay ciidamada ammaanka sida; kuwa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Booliska Haramcad, iyo kuwa dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Weerarada ka dhanka ah saxaafadda xorta ah ayaa ka dhacay Somaliland halkaas oo 12 weriye si sharci darro ah loo xiray intii lagu guda jiray 2021. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka labo suxufi ee lagu dilay Gaalkacyo iyo Muqdisho, halka ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka ay toogteen isla markaana dhaaweceen labo weriye oo shaqo ku jiray.

Hanjabaadaha iyo weerrarada warfidiyeenka uga imaanaya mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda, shakhsiyaad gaar ah iyo Al-Shabaab ayaa ah kuwo maalin walba dhaca. Soomaaliya waxay weli kaalinta sare kaga jirtaa liiska dalalka ugu khatarta badan ee ay suxufiyiintu ka shaqeeyaan caalamka oo dhan. Sannadkii toddobaad oo xiriir ah ayay Soomaaliya sii haysataa inay tahay dalka ugu daran ee ay ka jirto xisaabtan la’aanta denbiyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyadoo kuwa dila suxufiyiinta ay si xor ah u socdaan oo aan lasoo qaban.

Helitaanka macluumaadka ee suxufiyiinta ayaa aad u xaddidan dalka oo dhan. Iyadoo saameynta iyo dhibaatada cudurka Covid-19 ku hayo bulshada Soomaaliyeed ay weli sii socotay intii lagu jiray sannadka 2021 ayaa haddana warbaahinta waxaa ku adkaatay inay helaan xog ku saabsan dedaalka dowladda ee la tacaalidda cudurka iyo gaarsiinta tallaalka ee dadweynaha. Diidmada ay hay’adaha caafimaadka ee federaalka iyo kuwa gobolka ay diideen inay xogta siiyaan warbaahinta, oo xadgudub ku ah Dastuurka Dalka iyo xeerarka caalamiga ah, waxay fashilisay dedaallada dowladda ee lagu badbaadinayo nolosha dadweynaha uu galaaftay Covid-19 iyo in la dhimo faafitaanka wararka been abuurka ah ee carqaladeynaya qaadashada tallaalka cudurka Covid-19.

Tifaftirayaasha warbaahinta maxalliga ah, weriyeyaasha iyo soo-saareyaasha ayaa shaaca ka qaaday sida Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ay qarisay xogta la xiriirta hawlgalka la tacaalidda Covid-19 si loo daboolo dhaleeceynta kaga imaaneysay dadweynaha ee ku saabsanayd heerka liita ee go’aan-qaadashada mas’uuliyiinta caafimaadka iyo in la qariyo eedeymaha musuqmaasuqa ee hareeyay Wasaaadda Caafimaadka xilli musiibada cudurka Covid-19 uu si daran u aafeeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dhammaan dacallada dalka.

Marar badan, waxay mas’uuliyiinta heer federaalka iyo heer dowlad-goboleed-ba si bareer ah u xannibeen, xireen, handadeen suxufiyiinta ka warramaya doorashooyinka – gaar ahaan marka ay jiraan is-fahamwaa iyo cabashooyin la xiriira doorashada Aqalka Sare iyo tan Aqalka Hoose.

Intii lagu guda jiray sannadka 2021, ciidanka booliiska federaalka iyo kuwa nabadsugidda ee Muqdisho ayaa ka hor-istaagay suxufiyiinta tebinta wararka iyo macluumaadka la xiriiray waayitaanka Ikraan Tahliil Faarax, oo ahayd shaqaale sirdoon oo la waayay dabayaaqadii bishii June 2021, iyo macluumaadka ku saabsan dhalinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay in loo qaaday xerooyinka tababarka ciidan ee dalka Eriteriya. Ciidamada ayaa si joogto ah u hor-istaagay mudaaharaadyo ay sameynayeen waalidiinta dhallinyarada maqan, ayna ku dalbanayeen helista xogta halka ay ku dambeeyeen taasoo ahayd xadgudub kale oo ka hor-imaanaya Dastuurka.

Xaaladda ay ku shaqeeyaan oo halis ah, mushahar yaraan, qandaraasyo shaqo iyo caymis caafimaad oo aan jirin, oo ay dheer tahay badbaadada goobaha shaqada oo hooseysa ayaa weli saameynaya shaqaalaha warbaahinta Soomaaliyeed dalkoo dhan. Tan iyo markii uu cudurka Covid-19 uu ka bilaabmay gudaha Dalka, shaqaalaha warbaahinta ayaa si gaar ah u dareemay waxaana qaar suxufiyiinta ka mid ahi ku dhacay cudurka, inkastoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah. Waxaa iyana dhibaatada qeyb ka ah sharci shaqo oo jaangoynaya mushaharka xoogsatada– oo ay ku jiraan xirfadlayaasha warbaahinta– oo aan jirin. Sharciga cusub ee shaqaalaha ee heer federaalka, oo hadda weli qabyo ku jira, ayaa haddii la dhameystiri lahaa qeexi lahaa xuquuqda shaqaalaha iyo shuruudaha shaqada.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya inay ixtiraamaan xuquuqda saxaafadda sida uu tilmaamayo Dastuurka KMG ah. Badbaadinta warfidiyeenka iyo dhowrista xorriyadda saxaafaddu waa tiir muhiim u ah daryeelka danta guud.

Saxaafadda xorta ahi waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa ku wargelinta muwaadiniinta arrimaha bulshada iyo indha-indheynta hawlaha dowladda ee heer kasta ah. Marka suxufiyiinta loo hanjabo, la weeraro, la xiro iyaga iyo xarumahooda warbaahintood waxay ka dhigan tahay in muwaadiniintu aysan xaq u yeelan doonin inay soo bandhigaan arrimaha muhiimka ah ee taabanaya dhismaha dowladnimada iyo sharciga, kuwaas oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

SJS waxay kaloo xasuusineysaa mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedka Soomaaliyeed waajibaadkooda ku aaddan in baaritaan daacad ah oo dhab ah lagu sameeyo dhammaan kiisaska dilalka weriyeyaasha ah, oo uu ku jiro dilkii sawir-qaade Cabdirisaaq Qaasim Iimaan, oo bishii Luulyo 2018, askari boolis ah ku toogtay Muqdisho.

Warbixinta aanu halkan ku soo bandhignay waxay salka ku haysaa wareysiyo lala yeeshay suxufiyiinta gudaha, agaasimayaasha iyo tifaftirayaal warbaahin, qoyska suxufiyiinta ay dhibaatadu saameysey, wakiillada bulshada rayidka ah iyo xubno dawladda ka tirsan. Warbixintan waxay ka hadleysaa xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda oo ay ka mid yihiin hanjabaadaha, caga-jugleynta, xarigga, faafreebka, weerarrada jireed iyo dilalka loo geystay weriyayaasha ee ka dhacay gudaha dalka muddadii u dhexeysay 1-dii Jannaayo illaa 31-kii Disember, 2021.

HALKAN KA DEGSO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN

Cabdalle Axmed Mumin
Xoghayaha Guud, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Jannaayo 10, 2022