Jubbaland oo muddo kooban xirtay Weriye Aadan Kismaayo
MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Abriil 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa waxa uu cambaareynayaa xarigga weriyaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) loogu geystay magaalada Kismaayo 13 Abriil, 2020.
Maalinta Caalamiga ee Helista Xogta: SJS & SOMA waxay ku baaqayaan in warbaahinta iyo...
MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtember 2021 - Iyadoo maanta loo dabbaaldegayo Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Xogta (IDUAI), ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ku baaqayaan in suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta loo oggolaado xaqa helitaanka xogta iyo inay ogaadaan, ayna soo tebiyaan macluumaadka muhiimka ah si madax-bannaan oo aan xaddidaad lahayn.
Kulan sanadeedka 2aad ee Guddiga Fulinta SJS oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay
MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Disembar 2020 - Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa kulan sanadeedkoodii labaad kusoo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho maalinnimadii Axaddii 6 Disembar 2020.
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya waa inay ka fogaadaan ka xayiridda warbaahinta wararka doorashada 2020/2021
MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) inay ka fogaadaan inay warbaahinta iyo suxufiyiinta ku soo rogaan awaamiir xadideysa shaqadooda tebinta wararka doorashayooyinka 2020/2021, waana inay u ogolaadaan suxufiyiinta jawi u saamaxaya inay si xor ah u tebiyaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.
Wariye madax-bannaan oo lagu toogtay Afgooye
MUQDISHO, Soomaaliya, 16 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu sida ugu adag u cambaareynayaa dilka wariye Cabdiwali Cali Xasan (Abdiwali Online) oo lagu toogtay degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose maalinimadii Axaddii 16 Febraayo, 2020.
NISA oo wareysi dartiis u xirtay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Radio...
MUQDISHO, Soomaaliya 18 Oktoobar, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa si adag u cambaareeyay weerarka iyo xarigga magaalada Muqdisho loogu geystay weriyaha caanka ah ee Radio Kulmiye, Cabdullaahi Kulmiye Caddow habeennimadii Sabtida 17 Oktoobar 2020.
Maxkamadda Hargeisa oo hal sano oo xarig ah ku xukuntay tifaftirihii Horn Cable TV
MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Jannaayo, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ka xumaaday xukunta caddaaladda ka fog ee siyaasadeysan ee xarigga halka sano iyo ganaaxa saddexda milyan ee shilinka Somaliland ee ay Maxkamadda Maroodi Jeex ee Hargeysa ku riday tifaftiraha Horn Cable TV, Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Coday) Sabtida maanta ee 11 Jannaayo, 2020.
SJS oo ugu baaqday Puntland inay joojiso eedeymaha loo heysto agaasimihii hore Daljir
MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu joojiyo eedeymaha ka dhanka ah agaasimihii hore Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tall man) kaasoo kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniinta 21 Oktoobar, 2019.
Danjiraha Mareykanka oo SJS kala qeybgalay shahaado guddoonsiinta 26 saxafi oo lagu tabaray xurfadeynta...
MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022 – Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry André ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 – 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho.
Booliska Hirshabeelle ayaa weeraray kaddibna demiyay Radio Hiiraan iyagoona xiray toddobo weriye oo ka...
MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Janaayo, 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo bahwadaagteeda Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan weerarka booliska Hirshabeelle ku qaadeen xarunta idaacadda madaxa bannaan ee Radio Hiiraan Weyn ee magaalada Beledweyne, deminta idaacadda iyo xarigga toddobo suxufi oo ka howlgala idaacadda. Falkaasi ayaa dhacay Jimcihii 21-ka Janaayo kaddib wareysiyo lala yeeshay dad deegaanka ah oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.