MUQDISHO, 10 DISEMBAR 2022 – Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate – SJS waxa uu maanta ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwa ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda.

Sannad kasta 10ka Diseembar, adduunka waxaa laga xusaa maalinta xuquuqul insaanka, isla maalintii 1948-kii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR). Mawduuca Maalinta Xuquuqul Insaanka ee sanadkan waa “Sharaf, Xorriyad, iyo Caddaalad Dhammaan”.

Waxaase murugo leh, hoos u dhaca xorriyadda saxaafadda iyo kororka khataraha lagu hayo badbaadada saxafiyiinta ayaa Soomaaliya ka noqday xaalad welwel leh. Laba wariye oo caan ah ayaa la dilay iyagoo sheeko eryanayay ilaa 30kii Sebtembar 2022, sida ku cad dukumentiyada SJS. 28 kale oo saxafiyiin iyo xirfadlayaal warbaahineed ah ayaa si aan sharciga waafaqsanayn loogu xidhay guud ahaan Soomaaliya (ay ku jirto Somaliland) tan iyo 1dii Juun 2022; halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ama qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Hirshabeelle. Ilaa hadda ma jirto cid lagula xisaabtamay weeraradan.

Intaa waxaa dheer, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaan weli wax dib u eegis ku samaynayn amarkeeda 8-da Oktoobar 2022 ee si aan habboonayn u xaddidaya xuquuqda xorriyadda hadalka iyo helidda macluumaadka saxafiyiinta ka warramaya hawlgallada amni ee ka dhanka ah al-Shabaab ee socda. Sharciga warbaahinta ee dhibaatada leh iyo adeegsiga xeerka ciqaabta ee waqtigiisu dhamaaday ee lagu xirayo laguna dacweynayo saxafiyiinta ayaa wali sii socda.

Hanjabaadda iyo caga-juglaynta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Muumin oo ay ka mid yihiin xannibaadaha ka dhanka ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa iyo xaqa xorriyadda hadalka ee mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta ayaa ah tusaale kale oo muujinaya xadgudubyada badheedhka ah ee ay ku kacayaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

SJS waxay ugu baaqaysaa dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah inay ixtiraamaan dastuurkooda iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo labaduba dammaanad qaadaya xaqa xorriyadda hadalka oo ah xuquuqaha muhiimka ah ee xuquuqda aadanaha. Maamulka waa in la xasuusiyaa in aamusinta suxufiyiinta oo la dilo, ama la dhibaateeyo oo la xiro ay tahay faafreebka ugu xun. Sida kaliya ee lagu soo afjari karo xadgudubyadan waa in la ogolaado in lala xisaabtamo dembiilayaasha.

Sida ku cad Bayaanka Vienna iyo Barnaamijka Waxqabadka, SJS waxay xasuusinaysaa beesha caalamka inay doorkeeda ka qaadato cadaadiska iyo dhiirigelinta isla xisaabtanka kuwa geysta xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo in la xaqiijiyo in si buuxda loo dhowro dhammaan xuquuqda aadanaha iyo in laga hortago sii socoshada xadgudubyada xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

“Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, SJS waxay ku boorinaysaa maamulada Soomaalida heer federaal iyo heer gobol inay u ogolaadaan jawi ammaan ah suxufiyiinta iyo dhammaan bahda saxaafadda. Warbaahin aan cabsi lahayn, madax bannaan oo kala duwani waa tan buuxin karta xaqa ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay inay wax ogaato, waana in la ilaaliyo,” ayuu yiri Madaxweynaha SJS Maxamed Ibraahim. “Dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ma dhammaan doonaan haddii aan lala xisaabtamin dambiilayaasha – oo ay ku jiraan saraakiisha sare ee dowladda ee weerarada u geysta saxafiyiinta. Ka cabsan mayno inaan dalbanno isla xisaabtanka.”