Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo Amaanay Maxkamaddii Burisay Eedeymihii loo heystay Wariye Cali Aadan...
MUQDISHO, Soomaaliya, 29 May, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ammaanay go'aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku tirtirtay dhammaan eedeymihii loo heystay wariyaha Goobjoog Cali Aadan Muumin.
Afar wariye oo iyagoo shaqo ku jira lagu xiray Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga gabbood-falka ah ee lagula kacay afar saxafi oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog iyo darawalkooda subaxnimaddii Axadda 29 Maarso 2020.
Nabadsugidda Soomaaliya oo xirtay wariye idaacad ku taalla Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Maarso, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga tifaftiraha idaacadda madaxa-bannaan ee Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (oo ku magac dheer Abuuja) kaasoo Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ku xireen Muqdisho abbaare 11.30 a.m Sabtidii 29 Febraayo, 2020.
SJS iyo Facebook oo suxufiyiinta Soomaaliyeed u qabtay tababarkii ugu horreeyay ee badqabka
MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Agoosto, 2020 – Shirkadda Facebook oo kaashaneysa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate - SJS) ayaa qabtay tababar badqabka la xiriira oo ay ka faa'ideysteen in ka badan 40 weriye oo ku kala sugan guud ahaan Soomaaliya kaasoo lagu qabtay barta maqalka iyo muuqaalka ee Zoom maalintii Arbacada ee 2da Sebtembar, 2020.
Booliska Soomaaliya oo weerar, garaacis iyo qalab ka qaadis ugu geystay suxufiyiin magaalada Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Nofember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si xooggan u cambaareynayaa falka handadaada, garaacidda, rasaasta lagu riday iyo la wareegista qalabka ee lagula kacay suxufiyiin u kala shaqeeya Telefishinka Al-Jazeera iyo Wakaaladda wararka Reuters waxyar uun kaddib markii ay ka soo laabteen hawl maalmeedkooda maalinimadii Isniinta 4 Nofember 2019.
SJS oo ka dalbatay Madaxweynaha Soomaaliya inuusan saxiixin Xeerka Saxaafadda oo ay ku jiraan...
Muqdisho, Soomaaliya, 22 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac ka muujiyay Xeerka Saxaafadda ee wax laga beddelay kaasoo caburin iyo xayiraad ku soo rogaya saxaafadda oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 14 Jannaayo 2020. Ururka SJS wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo adeegsanaya awooddiisa Dastuuriga ah in uusan saxiixin Sharcigaas oo xafiiska madaxweynaha loo gudbiyay 16 Jannaayo, 2020.
SJS oo talo jeedin sharciyeed ka sameysay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya, 24 Nofember, 2019 - Kaddib wada-tashiyo ballaaran oo ay xubnaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo suxufiyiin kale ka qeybgaleen, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu talo sharciyeed oo ku saabsan Xeerka Saxaafadda Soomaaliya u gudbiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya- halkaas oo uu hadda horyaallo sharciga saxaafadda.
Galmudug: NISA oo wariyaal ka qaadatay telefoonnadooda, amarna ku bixisay in wararka doorashada lagu...
MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Nofembar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac xoogggan ka muujinayaa awaamiirta cusub oo lagu xayirayo xorriyadda saxaafadda madaxa-bannaan iyo falka sida sharci darrada ah taleefoonadooda looga qaatay muddo kooban saddex suxufi oo ka hawlgaleysay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug Talaadadii 13 Nofembar, 2019.
Puntland iyo Somaliland waa inay ka laabtaan xayiraadda lagu soo rogay labo Mareegood
Muqdisho, Soomaaliya – 04 Sebtembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay xayiraad ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku sameeyeen labo mareegood oo kala ah Hadhwanaag news iyo Puntlandtimes.
Booliska Puntland oo weeraray xafiiska RTN TV Garowe, una hanjabay weriyaasha telefishanka
MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa waxa ay ugu baaqeysaa maamulka Puntland nay joojiyaan hanjabadaadda iyo cagajugleynta ka dhanka saxafiyiinta ka shaqeeya xarunta TV RTN Garowe, isla markaana baaris ku sameeyaan saraakiisha booliska ee weerarka ku qaaday xarunta TV.