Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul. | PHOTO/ SJS.

Maalinta Caalamiga ee Xog-helidda ah ayaa Bulbul la geeyay xabsiga

MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.
Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul. | PHOTO/ SJS.

War Saxaafadeed: Ka Jawaabista Warka Been Abuurka ee Booliska

MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 – Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.

SJS oo si rasmi ah ugu biirtay IPI

MUQDISHO, Soomaaliya, 28 Luulyo 2023 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ku dhawaaqay ku biiridda rasmiga ah ee Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo ururada saxafiyiinta caanka ah.

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay War-saxaafadeedka lagu marin habaabinaayo kiiska Xoghayaha SJS Abdalle Muumin...

MUQDISHO,Soomaaliya,1-da Maarso 2023- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareeynayaan War-Saxaafadeedka ku saabsan...
Warbixinta Sannadlaha ah ee SJS: Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 2022.

Warbixinta Sannadlaha ah ee SJS: Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 2022

MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023 – Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.

Maalinta Xuquuqda Aadanaha, SJS waxay ku baaqeysaa la xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda...

MUQDISHO, 10 DISEMBAR 2022 - Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate - SJS waxa uu maanta ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwa ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda.

Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay amarka dowladda Soomaaliya ee xaddidaya xorriyadda hadalka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Oktoobar 2022 – Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu “fidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada”.
Weriye Kilwe Aadan Faarax waxaa la xiray 27 Disembar kaddib markuu tebiyay mudaaharaad ka dhacay Garowe. | Photo/Courtesy/SJS.

QM ayaa u aqoonsatay in xariggii Puntland u geysatay weriye Kilwe Aadan Faarax inuu...

MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Agoosto 2022 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo qareenkooda xuquuqul insaanka, Michael Polak ee Justice Abroad ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go'aanka kasoo baxay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xarigga Sharci Darrada (UNWGAD) kuwaasi oo u aqoonsaday xarigga Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay kula keceen weriye Kilwe Aadan Faarax bishii Disembar 2020 inuu ah xarig sharci-darro ah oo liddi ku ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa sida uu dhigayo Qodobka 13aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Qodobka 12aad ee Axdiga Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda.
Ka qeybgalayaasha tababarka oo uu wehliyo Xoghayaha SJS, Abdalle Mumin iyo Danjiraha Mareykanka Larry Andrea, oo wada galay sawir kooxeed.

Danjiraha Mareykanka oo SJS kala qeybgalay shahaado guddoonsiinta 26 saxafi oo lagu tabaray xurfadeynta...

MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022 – Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry André ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 – 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho.
Wariyayaasha dhameystay tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadanaha.

SJS oo tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadahan u qabatay warfidiyeenka magaalada Cadaado ee...

MUQDISHO, Soomaaliya 13 June 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ku soo gabagabeeyay tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadanaha oo ay ka faa'ideysteen 25 saxafi oo ka kala socda warbaahinta madaxa-bannaan. Tababarka wuxuu socday muddadii u dhexeysay 9 - 11 June, 2022.

Keep in touch

4,315FansLike
7,300FollowersFollow
10SubscribersSubscribe

Reports