MUQDISHO, Soomaaliya 10 March 2024 – Daah-furnaan la’aanta ku gedaaman dilka Agaasimihii Somali Cable TV Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho 16-kii Oktoobar, 2023 iyo rabitaan la’aanta hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ee ah inaysan rabin inay baaritaan ku sameeyaan weerarkaas, waxay xasuusin weyn u tahay fashilka Dowladda Soomaaliya ee dhowrid la’aanta ballanqaadkeeda ku aaddanaa sugidda amniga iyo badqabka suxufiyiinta. Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqaysa sida joogtada ah ee Soomaaliya ay u tahay meel dambiilayaasha ku kaca weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta ay xor yihiin oo aan lala xisaabtamin, sida ku xusan diiwaanka Guddiga Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ.
Intii lagu guda jiray sanadka 2023, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu sameeyay dadaallo badan oo lagu diiwaangaliyay tacaddiyada ka dhanka ah saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta dalka oo dhan, taasoo daaha ka qaadaysa tiro badan oo dhacdooyin handadaad ah, weeraro, iyo cadaadis lala beegsaday hawlwadeennada warbaahinta. Mid ka mid ah dhacdooyinka ayaa ahaa weerar hubeysan oo lagu qaaday Idaacadda Baraawe, oo ah tan kaliya ee bulshada deegaanka ee laga tirada badan yahay ay leeyihiin, taasoo keentay in la xiro idaacaddan madaxa-bannaan iyo in saxafiyiintii ka shaqeyneysay ay cabsi darteed uga carareen magaalada Baraawe.
Intaa waxaa dheer, SJS waxay diiwaangelisay xarigga aan sharciga ahayn ee 25 wariye, kuwaas oo intooda badan ay la kulmeen cadaadis, iyo cabsigelin loo adeegsaday garsoorka si looga horistaago saxafiyiinta gudashada waajibaadkooda shaqo ama u doodista xorriyadda warbaahinta. Waxaa xusid mudan, toddobo ka mid ah saxafiyiinta la beegsaday 2023 inay ka dheceen gudaha Somaliland, iyadoo mid ka mid ah saxafiyiinta gabar wariye ah oo lagu magacaabo Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baanday) oo ay xireen booliska Somaliland muddo ka badan labo bilood.
Illaa 18 kiis oo ah xarigga sharci darrada ee saxafiyiinta waxaa geystay qeybaha kala duwan ee booliska Soomaaliya, hay’adda sirdoonka ee NISA, iyo ciidamada ammaanka ee maamul goboleedyada sida kuwa Galmudug iyo Jubbaland. Ugu yaraan mid ka mid ah shaqaalaha warbaahinta ayaa ku dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxaa sii xumeynaya caqabadaha haysta suxufiyiinta Soomaaliya, waxaa la faray laba shabakadood oo telefishanno maxalliga oo ka ka hawlgala Muqdisho iyo Hargeysa inay joojiyaan baahintooda ama meesha ka saaraan waxyaabaha loo arko in ay naqdi, halka saxafiyiinta caanka ah ee wax ku qora baraha bulshada ay sheegeen in si qasab ah looga saaray waxyaabaha ay faafiyeen oo ay dhibsadeen saraakiil dowladeed. Mid ka mid ah dhacdooyinka ayaa ahayd warbixin soo bandhigtay dhacdo jirdil ah oo Ciidamada Booliska Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ugu geysteen fal ka dhan ah qof naafada ah.
Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ku faantay inay iskaashi la leedahay Facebook-ga si ay faafreeb ugu sameyso wararka naqdiga ee lagu faafiyo baraha bulshada ee ku saabsan fashilka ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, halka Al-Shabaab laftirkeeda ay u hanjabtay saxafiyiinta la shaqeeya dowladda. Sannadka 2023, SJS waxay diiwaangelisay kiisas kale oo ku lug leh hanjabaado dhanka interner-ka iyo kuwo jireed oo ka dhan ah saxafiyiinta.
Hay’adaha warbaahinta Soomaalida, oo ay ku jirto Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), ayaa la kulmay weerar xooggan oo dhanka internetka ah, kaasoo muujinaya kor u kac ku yimid isku dayga lagu burburinayo shaqada muhiimka ah ee ay hayaan hay’adaha warbaahinta. Iyadoo la adeegsanaayo tabaha adeegga diidmada qaybsan (DDoS), weerarka internet-ka ayaa lagu qaaday mareegta SJS ee www.sjsyndicate.org, ka dib markii lagu harqiyay qulqulka weerar danabeysan oo ka dhigtay mareegta SJS mid aan la heli karin. Isla markaa, ugu yaraan saddex hay’adood oo kale oo warbaahineed oo kala ah; Kaab TV, Horn Observer iyo Horn Examiner, ayaa sidoo kale isoo wariyay weerarro isku mid ah, iyagoo hoosta ka xarriiqay dabeecadda baahsan ee khatarta ah ee ay wajahayaan aaladaha saxafiyiinta ee dhanka internet-ka.
Walaaca gaarka ah ayaa ah isticmaalka sii kordhaya ee hannaanka Facebook Community Standards oo sabab u noqotay in sii xad dhaaf ah oo khaldan loo adeegsado habka warbixin ka gudbinta baraha bulshada ee saxafiyiinta iyadoo ujeedku yahay in lagu faafreebyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dhaleeceeya dowladda, taasoo keentay in waxyaabaha ay baahiyaan saxafiyiinta la xaddido, ama laga tirtiro internet-ka iyo in xaddidaad lagu soo rogo cinwaannada qaar ee saxafiyiinta taasoo wiiqeysa xorriyadda hadalka. Saxafiyiinta iyo warbaahinta dhaliila dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) ayaa kala kulmay barta Facebook-ga xayiraad baahsan, boggaga oo la xayiro, la joojiyo, ama laga saaro warbixinnada ay ku jiraan dhaliisha iyadoo loo adeegsaday cudurdaarka ah ka hortagga “ururada iyo shakhsiyaadka khatarta ah” ama “ku xad-gudbidda xeerarka Facebook ee Community Standards.”
Intii lagu jiray sanadka 2023, saxafiyiinta Soomaaliya iyo Somaliland waxa ay la kulmeen caqabado waaweyn oo ku saabsan tebinta eedeymaha musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay gaysanayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, iyo amni darro iyo weeraro ay geystaan Al-Shabaab. Inkasta oo ay jiraan ballanqaadyo dastuuri ah oo lagu ilaalinayo xorriyadda saxaafadda, isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ayaa weli ah walaac xooggan, iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin baaritaanka iyo la xisaabtanka dambiilayaasha.
Iyadoo la ambaqaadayo caqabadahan taagan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya waa inuu mudnaanta koowaad siiyaa badqabka iyo amniga suxufiyiinta, isla markaana uu wax ka qabto la xisaabtan la’aanta, lana baaro dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, oo ay ku jiraan kiisaska ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin sare leh oo dowladda ah. Intaa waxaa dheer, isticmaalka joogtada ah ee xeerka ciqaabta ee Soomaaliya iyo Somaliland labaduba waxay khatar ku yihiin xorriyadda hadalka, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee dib-u-habeynta sharciga.
Si looga jawaabo caqabadahaas, SJS iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah waxay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah 2023, iyagoo laba dacwoodood oo waaweyn u gudbiyay Kooxda Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Xabsiyada Sharci-darrada ah (UNWGAD) iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha. Cabashooyinkan waxay si gooni ah u caddeynayaan xariggii sharci darrada ahaa, beegsiga iyo ciqaabta ka baxsan bani’aadannimada ee ka dhanka ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqul Insaanka ee SJS Maxamed Bulbul iyo Tacdiggii iyo beegsigii lagula kacay Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Mumin. SJS waxa ay wali ka go’an tahay in ay raadiso caddaaladda iyo la xisaabtanka xadgudubyadan xorriyada saxaafadda.
Anagoo ka faa’iidaysaneyna xiriirkeenna caalamiga ah, SJS waxay sii waday dadaalkeeda u doodista iyadoo la kaashanaysa noocyo kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah si ay loo difaaco xoriyada warbaahinta, ilaalinta xuquuqda aadanaha, sugida badqabka iyo helitaanka xogta ee internetka, iyo tallaabooyinka badbaadada ee difaacayaasha xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan saxafiyiinta, oo aan kaliya ku koobneyn Afrika laakiin sidoo kale goobaha kale ee caalamka.
Bishii Luulyo 2023, SJS waxay gaartay guul muhiim ah markay ku biirtay Machadka Saxaafadda Caalamiga ah ee (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo saxafiyiinta caanka ah. Xubinnimadani waxay sii xoojinaysaa ka go’naanshaha SJS ee ku aaddan difaaca xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta, iyo ilaalinta xorriyadda hadalka, gudaha Soomaaliya iyo masraxa caalamiga ahba.
Sannadka oo dhan, SJS waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay taageeridda saxafiyiinta ay heystaan caqabado sharci, iyada oo bixisa habab dhinacyo badan leh oo wax looga qabanayo caqabadaha dacwadaha sharciga ah iyo khataraha ku ah xoriyatul qawlka. Tan waxaa ka mid ahaa in la siiyo taageero difaac sharci, latalin, iyo talo 47 saxafi ah oo ay ku jiraan saxafiyiinta haweenka.SJS waxay sidoo kale barnaamijyo tababar ah u qabatay 84 saxafi, iyadoo diiradda la saarayo awood siinta suxufiyiinta haweenka oo qiyaastii 40% ka mid ah ka faa’ideystayaasha barnaamijyada ay haweenka ahaayeen, iyo wax ka qabashada xuquuqda aadanaha iyo arrimaha xuquuqda haweenka ee Soomaaliya.
SJS waxay u mahadcelinaysaa taageerayaasheeda iyo la hawlgalayaasheeda caalamiga ah sida National Endowment for Democracy (NED), Sanduuqa Kanada ee CFLI, iyo Medico International. SJS waxa ay qorshaynaysaa in ay sii wado qorshayaasha tababar ee la midka ah sanadka 2024 si kor loogu qaado awoodda saxafiyiinta maxaliga ah ee kasoo warbixinaya arrimaha muhiimka u ah bulshada.
HALKAN KA DEGSO WARBIXIN SANNADEEDKA SJS OO DHAMEYSTIRAN PDF
Maxamed Ibraahim Isaaq
Guddoomiyaha SJS