MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Maarso, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareynaya hanjabaadaha, xadgudubyada, xarigga aan loo meel dayin iyo garaacis loo geystay saddex suxufi oo ka howlgala Puntland saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.
MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Febraayo 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa warbixinta ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amneysty International ee cinwaankeedu yahay, “Waxaanu ku nool nahay cabsi joogto: Tacadiyada iyo Xadgudubyada ka dhanka Xorriyatul Qawlka Soomaaliya” taasoo lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah xorriyada hadalka iyo midda saxaafadda ee Soomaaliya.