Languages:

Languages:

HomeSomali

Somali

Warfidiyeennada Muqdisho iyo Hargeysa ee soo tebinaya caabuqa Covid-19 oo wajahaya faaf-re...

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Abriil, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa handadaadda iyo cagajugleynta faafreebka ku saleysan ee warfidiyeenno kala duwan dhowaan loogu geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Afar wariye oo iyagoo shaqo ku jira lagu xiray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga gabbood-falka ah ee lagula kacay afar saxafi oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog iyo darawalkooda subaxnimaddii Axadda 29 Maarso 2020.

SJS oo cambaareysay hanjabaadaha, xarigga sharci darrada iyo garaacis loo geystay saddex s...

MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Maarso, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareynaya hanjabaadaha, xadgudubyada, xarigga aan loo meel dayin iyo garaacis loo geystay saddex suxufi oo ka howlgala Puntland saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.

SJS oo wadatashi ku saabsan doorashooyinka, dimuqraadiyadda iyo warbaahinta ku qabatay Muq...

MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsan Dimuqraadiyadda, saxaafada iyo tebinta doorashooyinka xilliyada ay jiraan wararka marin habaabinta ah si kor loogu qaado wacyiga suxufiyiinta iyo caqabadaha ku hor gudban saxaafadda Soomaaliya.

Sirdoonka Soomaaliya oo siidaayay tifaftiraha Radio Hiigsi oo si sharci darro ah ugu xirna...

MUQDISHO, Soomaaliya, 02 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa sii deynta tifaftiraha Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo sifo sharci darro ah ugu xirnaa Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) tan iyo maalinnimadii Sabtida 29 Febraayo, 2020 sababo la xiriira qormo uu ka sii daayay Idaacada Hiigsi oo ku saabsaneyd ciidamada ammaanka.

Nabadsugidda Soomaaliya oo xirtay wariye idaacad ku taalla Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Maarso, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga tifaftiraha idaacadda madaxa-bannaan ee Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (oo ku magac dheer Abuuja) kaasoo Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ku xireen Muqdisho abbaare 11.30 a.m Sabtidii 29 Febraayo, 2020.

SJS oo cambaareysay xarigga wariyaal loogu geystay Puntland iyo Hirshabelle

MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Febraayo, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay xarigga sharci darrada ah ee afar wariye loogu geystay magaalooyinka Buulo Burde iyo Gaalkacyo maalinimadii Arbacada 19 Febraayo iyo Khamiista 20 Febraayo.

Wariye madax-bannaan oo lagu toogtay Afgooye

MUQDISHO, Soomaaliya, 16 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu sida ugu adag u cambaareynayaa dilka wariye Cabdiwali Cali Xasan (Abdiwali Online) oo lagu toogtay degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose maalinimadii Axaddii 16 Febraayo, 2020.

SJS oo soo dhoweysay Warbixinta Amnesty International, uguna baaqday Dowladda Somalia inay...

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Febraayo 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa warbixinta ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amneysty International ee cinwaankeedu yahay, “Waxaanu ku nool nahay cabsi joogto: Tacadiyada iyo Xadgudubyada ka dhanka Xorriyatul Qawlka Soomaaliya” taasoo lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah xorriyada hadalka iyo midda saxaafadda ee Soomaaliya.

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports