Late Abdiwali, 25, becomes the first journalist murdered in Somalia. | Photo/Courtesy/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 16 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu sida ugu adag u cambaareynayaa dilka wariye Cabdiwali Cali Xasan (Abdiwali Online) oo lagu toogtay degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose maalinimadii Axaddii 16 Febraayo, 2020.

Dad aan la aqoonsan ayaa wariyaha madaxa iyo feeraha kaga dhuftay dhowr xabbadood taasoo sababtay inuu dhaawac daran soo gaaro xilli uu u socday hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Xaawo Taako ee degmada Afgooye, sida ay SJS u sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa iyo wariyaal ay wada shaqeeyeen. Wariye Cabdiwali ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray intii loo sii waday isbitaalka. Kuwii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyagoon la qaban.

“Cabdiwali waxaa ku dhacay in ka badan shan xabadood kaddib markii ay soo weerareen rag ku hubeysan bastoolado xilli uu u socday gurigiisa. Wuxuu ku dhintay intii loo sii waday isbitaalka,” sidaasi waxaa SJS u sheegay wariye Maxamed Siciid Xalane oo ay saaxiib ahaayeen wariyaha dhintay.

Tifaftiraha Radio Kulmiye, Cabdiqani Cabdullaahi ayaa SJS u sheegay in warkii u dambeeyay ee uu soo diray wariye Cabdiwali uu ahaa dhaqdhaqaaq Ciidanka Xoogga Dalka (XDS) ay ka wadaan degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose maalintii Sabtida 15 Febraayo. Sidoo kale tifaftiraha Universal TV, Cabdullahi Axmed Nuur ayaa SJS u sheegay in warkii ugu dambeeyay ee uu u soo diray TV-ga uu ahaa furitaanka dugsi cusub iyo dib-u-dhiska xarunta maamulka Degmada Shalanbood maalintii Sabtida.

Saaxiibada wariyaha ayaa SJS u sheegay in Cabdiwali uu u sheegay in hanjabaad dil uu heley sanadkii hore.

“Waxaan cambaareyneynaa sida ugu adag dilka saaxiibkeen Cabdiwali Cali Xasan, oo lagu dilay Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye. Allah Ha u Naxariistee, Cabdiwali waxaa toogtay rag hubeysan oo aan la aqoonsan xilli uu u socday hoygiisa. Wuxuu ahaa wariye dhalinyar oo u soo waramayey Radio Kulmiye iyo Radio Kulmiye, isagoo ka soo warami jiray wararka amniga iyo bani’aadanimada ee Gobolka Shabeelaha Hoose,” sidaasi waxaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

“Waa maalin kale oo murugo u ah bahda saxaafadda Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose inay baaritaan deg deh ah billaabaan, ayna soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha oo ay horkeenaan sharciga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo ku hadlaya magaca xubnaha Ururka iyo guud ahaan kan suxufiyiinta Soomaaliyeed, wuxuu uga tacsiyeynayaa qoyska iyo saaxiibada wariye Cabdiwali geeridiisa. Waxaana u rajeyneynaa wariye Cabdiwali inuu Illaahay ka waraabiyo Jannada.

Dilka Cabdiwali Cali Xasan waa kii ugu horreeyay ee sannadkan 2020 wariye loogu geysto gudaha Soomaaliya. Allaah Ha u Naxariistee wuxuu wariye Cabdiwali oo ahaa 25 jir, dunida kaga tagay xaas iyo labo carruur ah.