Speaking at the launch of the report in Nairobi, the Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS), Abdalle Ahmed Mumin commended Amnesty International for the report which was “timely”. Photo credit/SJS.
Speaking at the launch of the report in Nairobi, the Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS), Abdalle Ahmed Mumin commended Amnesty International for the report which was “timely”. Photo credit/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Febraayo 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa warbixinta ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amneysty International ee cinwaankeedu yahay, “Waxaanu ku nool nahay cabsi joogto: Tacadiyada iyo Xadgudubyada ka dhanka Xorriyatul Qawlka Soomaaliya” taasoo lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah xorriyada hadalka iyo midda saxaafadda ee Soomaaliya. Warbixintani ayaa ah middii ugu horeeysay ee ay hay’ad caalami ah ka soo saarto xaaladda Saxaafadda Soomaaliya shantii sano ee ugu dambeysay, kana dhigeysa warbixintii ugu horeysay ee la soo saaro tan iyo intii Madaxweyne Farmaajo uu xafiiska yimid horraantii 2017.

Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xushmeyso xorriyada hadalka iyo midda saxaafadda, xorriyaadkaas oo lagu damaanad qaaday Dastuurka Federalka KMG ah Qodobaddiisa 18 iyo 32, sidoo kale Qodobada 9 iyo 19 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha. Waxaan sidoo ku baaqeynaa in hay’adaha amniga ee dalka la baro xuquuqda aadanaha iyo tan xorriyadda Saxaafadda ee Dastuurku dalku uu dammaanad qaaday.

Isagoo ka hadlaya xafladdii lagu soo bandhigayay warbixinta Amnesty International ee Nairobi, Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Mumin ayaa ku amaanay hay’adda Amnesty International warbixintan gooreysan.

“Warbixintu waxay faahfaahineysa gabood fallada qatarta iyo xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo talooyin ku socda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha iyo dowladaha taageera Soomaaliya,” Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay in ay dowladda Soomaaliyeed ay ilaaliso, difaacdana suxufiyiinta, iyadoo ixtiraameysa waajibaadyada qaran iyo kuwa caalamiga ah.

“Cabaqabadaha ugu weyn ee ay saxafiyiinta hadda wajahaan waxaa ugu horreeya sharciga saxaafadda oo ay labada aqal meel mariyeen. Sharcigaas keliya kuma keenayo warbaahinta iyo suxufiyiinta caqabado dhinaca ah balse waxa uu meesha ka saarayaa xorriyadda saxaafadda iyadoo waddankeenu uusan lahayn taariikh dhinaca xorriyadda saxaafadda ah,” Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa intaa ku daray.

Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa hoosta ka xariiqay sheegashada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee ku aaddan sharciyadda ururka SJS. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waa urur qaanuuni ah oo sifo sharciyeed ku diiwaan gashan, isla markaana xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho, iyadoo xubnaha SJS ay kala joogaan dalka oo dhan. Waxaa intaa dheer in Xorriyadda isu Imaatinka, Xorriyadda Sameysashada Ururrada iyo Xaqa Xiriirka Shaqaalaha waxaa damaanad qaadaya Qodobada 16, 20 iyo 24 ee Dastuurka KMG ee Dalka.

Hadalka Wasaaradda ee ku saabsan in hoggaamiyaal ka tirsan SJS iyo 70 qof dad ka badan ee lagu wareystay warbixinta Amnesty International waa mid khilaafsan ujeeddada, balse ujeeddadu waxay tahay inay Dowladda Soomaaliya wax ka qabato tacadiyada iyo gabood-fallada lagu soo bandhigay warbixinta Amnesty International sida dembiyada aan la isu ciqaabin, faafreebta internetka, dhibaatooyinka boolisku ku hayaan saxaafadda iyo ka hor istaagga xaqa helista xogta iyo sharciga saxaafadda ee xadgudubka ah.