MUQDISHO, Soomaaliya 05 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka noqdaan go’aankooda ay kaga horjoogsadaan warbaahinta madaxa-bannaan iyo suxufiyiinta kalfadhiga 7aad ee wadajirka ay u yeelanayaan Labada Aqal oo loo qorsheeyay in uu qabsoomo Sabtida 6da Juun, 2020.
MUQDISHO, Soomaaliya 21 May, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka gacan-qaadka iyo xorriyad ka qaadista weriyaha SBC TV, Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon xilli uu ku guda jiray soo tebinta wacyigelinta cudurka Korona oo ka socday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho Khamiista 21 May, 2020.