Booliska Somaliland ayaa Sabtidii 27 Juun, 2020 xiray xarunta Universal TV.
Booliska Somaliland ayaa Sabtidii 27 Juun, 2020 xiray xarunta Universal TV. | Sawirka: Gaar ah.

MUQDISHO, Soomaaliya 27 Juun, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka iyo xarigga booliska Somaliland ay u geysteen xarunta Telefishanka Universal ee magaalada Hargeysa Sabtida 27 Juun, 2020 taasoo ah tallaabadii labaad ee la xiro muddo saddex maalmood gudahood ah.

Abbaare 1:45 waqtiga gudaha ayaa ciidan boolis oo hubeysan waxay u dheceen xarunta Universal TV iyagoo ku amray in la hakiyo barnaamij wareed toos uga socday telefishanka. Booliska ayaa telefoonnada ka qaatay weriyaasha iyo shaqaalaha kahor intaysan ku amrin inay isaga tagaan xarunta, sida ay SJS u sheegeen labo suxufi oo xilligaa shaqada ku jiray, iyo agaasimaha telefishanka, Maxamed Caabi Digaale.

“Boolisku waxay noo sheegeen in ammarka laga soo siiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo in rukhsaddii nalagala noqday,” ayuu yiri Digaale.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleban Yuusuf Cali (Koore) ayaa xaqiijiyay in ammarka lagu xiray TV-ga uu isagu bixiyay isagoo ku eedeeyay Universal TV inuu diiday baahinta khudbadda Madaxweynaha Somaliland ee munaasabadda Maalinta Xorriyadda ee 26ka Juun. Hase yeeshee agaasimaha Universal TV ayaa sheegay in tv-gu baahiyay labada khudbadood ee madaxweynaha Somaliland iyo tii madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

SJS waxay si xooggan u cambaareyneysaa isticmaalka awoodda booliska si loo aamusiyo, loona cabsi geluyo saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland.  Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta Somaliland inay deg deg booliska uga qaadaan xarumaha Universal TV iyo Star TV, waana in labaduba loo oggolaado inay shaqadooda dib u bilaabaan shuruud la’aan.

“Weerarka iyo xarigga loo geystay Universal TV iyo Star TV waa dharbaaxo ka dhan ah hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo Dastuurkeeda. Warbaahinta madaxa-bannaan waxay xaq u leeyihiin inay kala xushaan wararka ay baahinayaan siday u doonaan,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin oo ku baaqay in Somaliland ay deg deg booliska uga qaaddo Universal TV iyo Star TV, una oggolaato inay shaqadooda dib u bilaabaan.

Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa masuuliyiinta Somaliland inay xorriyaddiisa siiyaan weriyaha Horyaal TV, Jaabir Siciid Ducaale (Bulshaawi) oo hadda ku xiran xabsiga magaalada Ceerigaabo kaddib markii lagu eedeeyay inuu duubay muuqaal dad dibad-bax cabasho ka sameeyay Ceerigaabo bartamihii bishan.