Weriye Cabdifataax Cabduqaadir Shariif oo lagu dhaawacay Muqdisho habeenkii Khamiista 25 Juun, 2020. | SAWIRKA: SJS.
Weriye Cabdifataax Cabduqaadir Shariif oo lagu dhaawacay Muqdisho habeenkii Khamiista 25 Juun, 2020. | SAWIRKA: SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya 26 Juun, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka hubeysan ah ee uu askari ka tirsan booliska Soomaaliya ku dhaawacay weriye Cabdifataax Cabduqaadir Shariif oo ka howlgala idaacadda madaxa-bannaan ee Danan ee magaalada Muqdisho maalinimadii Khamiista 25 Juun, iyo Tallaabada maamulka Somaliland uu kula wareegay xarunta telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV ee magaalada Hargeysa 25 Juun, 2020.

Abbaare 7:45 fiidnimo habeenkii Khamiista ayaa weriye Cabdifataax Cabduqaadir Shariif oo u socda gurigiisa, saarana Mooto Bajaaj ayaa xabbad uu soo riday askari boolis ah dhaawac kaga geysatay jeegada (madaxa qeybtiisa dambe) sida uu u xaqiijiyay SJS Agaasimaha Radio Danan, Maxamed Barre Fiyoore. Suxufiyiin ay wada shaqeeyaan weriyaha iyo qoyskiisa ayaa SJS u sheegay in loola cararay Isbitaalka, halkaas oo qaliin fudud lagula sameeyay. Weriye Cabdifataax oo la hadlay SJS ayaa sheegay inuu sugayo qalliin kale ka hor inta aan isbitaalka laga saarin.

Ma jirto wax ku sababi karay askariga in uu toogto weriyaha, mana jirto tallaabo laga qaaday askariga dhibkaas geystay. Saraakiisha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ay SJS la xiriirtay iyo hay’adda Dembi baarista ee CID waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano la xiriira sidii loo soo qaban lahaa askarigaas.

SJS waxay ka dalbaneysaa Dowladda Soomaaliya inay baaritaan deg deg ah ku sameyso falkaas toogashada ah, caddaalada horkeento askarigii ka dambeeyay falkaas.

Dhanka kale, Booliska magaalada Hargeisa ayaa si xoog ah ku galay, lana wareegay xarunta Telefishinkja Star TV uu ku leeyahay Hargeysa, iyagoona ku amray warfidiyeennadii iyo shaqaalihii ka shaqeynayay inay ka baxaan xarunta. Boolisku wax sharraxaad ah lama wadaagin maamulka TV-ga, mana wadan warqad maxkamadeed oo falkaas amreysa sida uu sheegay mid ka mid ah maamulka Star TV Maxamuud Xuseen Jaamac.

Sidoo kale, Maxkamadda gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa amartay in weriye Jaabir Saciid Ducaale (Bulshaawi) oo ka howlgala Horyaal TV in lagu haayo xabsiga muddo toddoba cisho ah, isagoona lagu eedeeyay in uu duubay muuqaal dhalinyaro ka cabaneysay wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka dhacay waddanka Jabuuti. Weriye Bulshaawi waxaa markii markii hore la xiray 16 Juun, balse waa la sii daayay maalintii xigtay isagoo wax eedeyn ah lagu oogin. Waxaa dib loo xiray 22 Juun, waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu duubayay dibadbax sharci darro ah.

Sida ay qaar ka mid ah suxufiyiinta gobolka u sheegeen SJS, weriye Bulshaawi wuu iska diiday in uu duubay dibad-baxaas, kaasoo ka dhacay magaalada Ceerigaabo 15 Juun, balse Garsooraha Maxkamadda Gobolka Sanaag, Sharma’arke Faarax Ismaaciil ayaa amray in suxufiga lagu haayo xabsiga muddo toddoba cisho ah si loo maxkamadeeyo.

“Waanu cambaareyneynaa falka uu askariga booliska ah ku dhaawacay magaalada Muqdisho weriye Cabdifataax Cabduqaadir Shariif maalinimadii Khamiista iyo tallaabada booliska Somaliland kula wareegay xarunta TV-ga Star,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoona ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah baaritaan ugu sameyso falka lagu dhaawacay weriye Cabdifataax. Sidoo kalena ugu baaqay maamulka Somaliland inay dib uga laabtaan ammarka lagu xiray xarunta TV-ga Star ee magaalada Hargeysa, dacwaddana kala noqdaan, xorriyadiisa dib u siiyaan weriye Jaabir Saciid Ducaale (Bulshaawi).