MUQDISHO, Soomaaliya, 16ka Sebtember 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), iyo Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Robert F. Kennedy ayaa soo dhoweeyay go'aanka Guddiga Qaramada Midoobay ee Xarigga Sharci Darrada (UNWGAD) uu ku dhawaaqday ee lagu caddeeyay in xariggii iyo tacadiyadii loo geystay weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (“Abuuja”), uu ahaa mid aan loo meel-dayin oo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.
MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Luulyo 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xayiraadda ka dhanka ah helitaanka xogta ay u baahan yihiin suxufiyiinta gudaha ee ku wajahan dedaalka heer federaal iyo heer gobol ee ku aaddan cudurka Covid19 iyo tallaalka, taasoo ku xadgudbeysa waajibaadyada ay soo rogayaan dastuurka dalka iyo shuruucda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ee ku aaddan helitaanka macluumaadka iyo caafimaadka bulshada ee lagu doonayo in kor loogu qaado wacyigelinta bulshada si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha.
MUQDISHO, Soomaaliya, 03 May 2021 - Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu mar kale ku baaqayaa in la dhowro xorriyadda saxaafadda, loona oggolaado warfidiyeenka helitaanka macluumaad lagu kalsoonaan karo xilli ay badan yihiin wararka been abuurka ah iyo hanjabaadaha iyadoo aan sidoo kale dalbaneyno in lala xisaabtamo kuwa geysta dambiyada ka dhanka ah warbaahinta Soomaaliya.