MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Jannaayo, 2022 – Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa mar kale la kulmay tacaddiyo iyo weeraro ula kac ah oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Al-Shabaab. Ka soo waramidda amni-darrada, is-mari-waaga joogtada ah ee doorashooyinka federaalka iyo warbixinnada khuseeya eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka, ku takri-falka awoodda dowladda iyo falalka musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda ayaa ah khad cas oo aanay ka hadli karin warfidiyeennada