Languages:

Languages:

HomeSomali

Somali

Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay amarka dowladda Soomaaliya ee xaddida...

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Oktoobar 2022 – Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu “fidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada”.

QM ayaa u aqoonsatay in xariggii Puntland u geysatay weriye Kilwe Aadan Faarax inuu ahaa x...

MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Agoosto 2022 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo qareenkooda xuquuqul insaanka, Michael Polak ee Justice Abroad ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go'aanka kasoo baxay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xarigga Sharci Darrada (UNWGAD) kuwaasi oo u aqoonsaday xarigga Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay kula keceen weriye Kilwe Aadan Faarax bishii Disembar 2020 inuu ah xarig sharci-darro ah oo liddi ku ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa sida uu dhigayo Qodobka 13aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Qodobka 12aad ee Axdiga Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda.

Danjiraha Mareykanka oo SJS kala qeybgalay shahaado guddoonsiinta 26 saxafi oo lagu tabara...

MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022 – Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry André ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 – 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho.

SJS oo tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadahan u qabatay warfidiyeenka magaalada ...

MUQDISHO, Soomaaliya 13 June 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ku soo gabagabeeyay tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadanaha oo ay ka faa'ideysteen 25 saxafi oo ka kala socda warbaahinta madaxa-bannaan. Tababarka wuxuu socday muddadii u dhexeysay 9 - 11 June, 2022.

WAR MURTIYEED WADAJIR AH OO AY SOO SAAREEN URURRADA SAXAFIYIINTA IYO WARBAAHINTA SOOMAALIY...

MUQDISHO, Soomaaliya 4 Juun 2022 – Maanta oo ay taariikhdu tahay 4 Juun 2022, Ururrada Saxafiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa-bannaan ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho iyagoo diiradda ku saaray isbeddellada cusub ee ka dhacay dalka kaddib doorashadii madaxtinnimada ee dhacday 15kii May 2022 iyo xaaladda xorriyadda warbaahinta ee dalka, oo heerkii ugu liitay gaartay shanti sano ee lasoo dhaafay.

SJS oo ka mid noqotay Isbahaysiga Bulshada Rayidka ee Axdiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee...

MUQDISHO, Soomaaliya 20 Febraayo, 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa si rasmi ah ugu biiray Isbaheysiga Bulshada Rayidka ee Axdiga Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa, taasoo qeyb ka ah dadaallada SJS ee lagu difaacayo xuquuqda suxufiyiinta iyo horumarinta isla xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda oo ay ku jiraan weerarrada ka dhanka ah warfidiyeenka soo tebiya wararka arrimaha musuqmaasuqa.

Booliska Hirshabeelle ayaa weeraray kaddibna demiyay Radio Hiiraan iyagoona xiray toddobo ...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Janaayo, 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo bahwadaagteeda Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan weerarka booliska Hirshabeelle ku qaadeen xarunta idaacadda madaxa bannaan ee Radio Hiiraan Weyn ee magaalada Beledweyne, deminta idaacadda iyo xarigga toddobo suxufi oo ka howlgala idaacadda. Falkaasi ayaa dhacay Jimcihii 21-ka Janaayo kaddib wareysiyo lala yeeshay dad deegaanka ah oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2021: Ku Aamusinta Suxufiyiinta Weeraro lala Bee...

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Jannaayo, 2022 – Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa mar kale la kulmay tacaddiyo iyo weeraro ula kac ah oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Al-Shabaab. Ka soo waramidda amni-darrada, is-mari-waaga joogtada ah ee doorashooyinka federaalka iyo warbixinnada khuseeya eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka, ku takri-falka awoodda dowladda iyo falalka musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda ayaa ah khad cas oo aanay ka hadli karin warfidiyeennada

Maalinta Caalamiga ee Helista Xogta: SJS & SOMA waxay ku baaqayaan in warbaahinta iyo...

MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtember 2021 - Iyadoo maanta loo dabbaaldegayo Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Xogta (IDUAI), ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ku baaqayaan in suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta loo oggolaado xaqa helitaanka xogta iyo inay ogaadaan, ayna soo tebiyaan macluumaadka muhiimka ah si madax-bannaan oo aan xaddidaad lahayn.

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports