Languages:

Languages:

HomeSomali

Somali

SJS oo taageereysa baaqa qaaraan ururinta caafimaadka wariye Ismaaciil Sheikh Khalifa

MOGADISHU, Soomaaliya, 20 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ku baaqayaa in taageero caafimaad oo deg deg ah loo helo weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye u dooda xuquuqda suxufiyiinta, kaasoo dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax baabuurkiisa loogu xiray uu kazoo daray kaddib muddo 10-bilood ah oo lala tacaalayey.

Somaliland: Weerarada ka dhanka wariyaasha oo kordhay iyo qareenkii Coldoon oo iscasilay

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa gabood-fallada ka dhanka suxufiyiinta, sidoo kalena ugu baaqayaa Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex inay baabi’iso xukunka saddexda sano iyo barka ah ee ka dhanka weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ee kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex 08 Luulyo, 2019.

Puntland iyo Somaliland waa inay ka laabtaan xayiraadda lagu soo rogay labo Mareegood

Muqdisho, Soomaaliya – 04 Sebtembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay xayiraad ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku sameeyeen labo mareegood oo kala ah Hadhwanaag news iyo Puntlandtimes.

Tababarka Dukumintari Sameynta oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 9 Luulyo, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate - SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Luulyo, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Somaliland oo xabsiga u taxaabtay afar weriye oo u shaqeeya Eryal TV

MOGADISHU, Somalia, 30 Luulyo, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay talaabadii booliska Somaliland ay xabsiga ugu taxaabeen afar weriye oo u shaqeynayay Eryal TV.

Maxkamadda Gobolka Nugaal oo xabsiga ka siideysay weriye Maxamed Siciid Yusuf

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Luulyo, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamada Gobolka Nugaal ay xabsiga kaga siideysay weriye Maxamed Siciid Yuusuf oo ciidamada Booliska ee Garowe ay xireen 13 Luulyo, 2019.

Shirweynihii Ururka SJS oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, laguna doortay hoggaanka ururka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 June, 2019 - Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate SJS) ayaa Sabtidii shalay lagu soo gaba-gabeeyay hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho. Waxaana shirweynaha lagu soo bandhigay hoggaanka cusub ee loo doortay in ururka ay hoggaamiyaan.

War-saxaafadeed Wadajir ah: FCAEA and SJS oo si wadajir ah u cambaareeyay xadgudubyada ka ...

(19 JUNE 2019 - NAIROBI, Kenya/MOGADISHU, Somalia) The Foreign Correspondents’ Association of East Africa (FCAEA) iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa ay si wadajir ah u cambaareynayaan gaboodfallada ka dhanka Suxufiyiinta Soomaaliya.

Ciidanka militariga Soomaaliya oo o dil ugu hanjabay, handaday, rasaasna ku riday wariye k...

MUQDISHO, Soomaaliya, 09 June, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate SJS) waxaa uu cambaareynayaa falka rasaasta loo adeegsaday, handadaada iyo hanjabaadda ay ciidanka militariga Soomaaliya u geysteen wariyaha Radio Kulmiye, Xuseen Cabdulle Maxamed (Xuseen Gurmad) ee ka dhacay magaalada Muqdisho Axadda, bisha June 9keeda, 2019.

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports