FILE PHOTO: Hargeisa-based Marodi Jeh Regional Court headquarters. | Photo/Courtesy/Private.FILE PHOTO: Hargeisa-based Marodi Jeh Regional Court headquarters. | Photo/Courtesy/Private.
FILE PHOTO: Hargeisa-based Marodi Jeh Regional Court headquarters. | Photo/Courtesy/Private.

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa gabood-fallada ka dhanka suxufiyiinta, sidoo kalena ugu baaqayaa Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex inay baabi’iso xukunka saddexda sano iyo barka ah ee ka dhanka weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ee kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex 08 Luulyo, 2019.

Maalinimada Arbacada 18 Sebtembar, ayaa garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo u doodayay weriye Coldoon wuxuu joojiyey difaacidda weriyaha xilli la keenay Maxkamadda Racfaanka. Qareenadu waxa ay ku sheegeen sababta ay uga baxeen kiiska weriye Coldoon inay tahay in uusan weligiis caddaalad heli doonin iyo is hortaag lagu sameeyay howlahoodii shaqo. Maxkamada Racfaanka ma aysan gaarin wax go’aan dhegeysigii dacwada.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu sidoo kale soo dhoweynayaa xabsi-ka-sii deynta milkiilaha Horyaal24 TV, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo damaanad lagu siidaayay maalinimaddii Isniinta oo ku taariikheysan 16 Sebtembar, 2019. Sayid waxaa xabsiga loo taxaabay 07 Sebteembar, 2019, maalin kadib markii TV-ga Horyaal24 albaabada loo laabay.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) sidoo kale waxa uu ku baaqayaa in si shuruud la’aan ah loo sii daayo labo suxufi oo u shaqeynayay mareegta Hadhwanaag News oo kala ah tifafitraha mareegta Cabdiqani Cabdillaahi Axmed (Asbaro) iyo suxufi Cabdirisaq Good Nuur oo xabsiga loo dhaadhiciyay 12 September 2019. Suxufiyiin la hadlay SJS waxa ay u xaqiijiyeen in boolisku isticmaalay xabbado nool nool xiligii la xirayay tifaftiraha. Maxkamadda Gobolka ee Maroodi Jeex ayaa ku gacan seyrtay codsi damaanad ku sii deyn ah xilli Maxkamadda la horkeenay maalinimadii Isniinta.

Dhanka kale, labo weriye oo kala ah Nuux Maxamed Cabdi iyo Shaafici Cabdi Jaamac ayaa muddo gaaban xabsi ku yaala magaalada Burco ee gobolka Togdheer lagu xiray xili ay muuqaalo duubayeen magaalada halkaasoo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqasho ku marayey.

Weerarada lagu hayo wariyaasha ayaa sare u sii kacay gudaha Somaliland, iyadoo tan iyo bishii Jannaayo ee bilawgii sannadkan lagu xiray deegaanada Somaliland illaa 17 wariye.