Languages:

Languages:

HomeSomali

Somali

SJS oo bogaadisay kaalinta suxufiyiinta ee doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya 23 Luulyo, 2024 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu bogaadinayaa doorka aan caadiga ahayn ee suxufiyiinta, oo ay ku jiraan haweenku, ay ka qaateen doorashadii Dowladaha Hoose ee Puntland ee Talaadadii 23-July-2024 ka dhacday saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan.

Xorriyadda Saxaafadda 2023: Weerarada Internet-ka, Xarigga Sharci Darrada iyo Handadaad u ...

MUQDISHO, Soomaaliya 10 March 2024 - Daah-furnaan la’aanta ku gedaaman dilka Agaasimihii Somali Cable TV Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho 16-kii Oktoobar, 2023 iyo rabitaan la'aanta hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ee ah inaysan rabin inay baaritaan ku sameeyaan weerarkaas, waxay xasuusin weyn u tahay fashilka Dowladda Soomaaliya ee dhowrid la'aanta ballanqaadkeeda ku aaddanaa sugidda amniga iyo badqabka suxufiyiinta.

Xilli tacsi lagu jiro, ayey Xeer Ilaalinta Soomaaliya su’aalo weydiin cabsigelin wad...

MUQDISHO, Soomaaliya 18 Oktoobar, 2023 - Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay walaac ka muujineysaa in iyadoo saxafiyiinta Soomaaliya ay la murugoonayaan dilka agaasimihii Somali Cable TV, saaka oo Arbaco ah Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya uu su'aalo weydiin cabsi gelin wadatay la yeeshay agaasimaha Warbaahinta Arlaadi ee Muqdisho.

Maalinta Caalamiga ee Xog-helidda ah ayaa Bulbul la geeyay xabsiga

MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.

War Saxaafadeed: Ka Jawaabista Warka Been Abuurka ee Booliska

MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 – Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.

SJS oo si rasmi ah ugu biirtay IPI

MUQDISHO, Soomaaliya, 28 Luulyo 2023 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ku dhawaaqay ku biiridda rasmiga ah ee Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo ururada saxafiyiinta caanka ah.

Warbixinta Sannadlaha ah ee SJS: Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 2022

MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023 – Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.

Maalinta Xuquuqda Aadanaha, SJS waxay ku baaqeysaa la xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka a...

MUQDISHO, 10 DISEMBAR 2022 - Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate - SJS waxa uu maanta ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwa ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda.

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports