MUQDISHO, Soomaaliya 23 Luulyo, 2024 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu bogaadinayaa doorka aan caadiga ahayn ee suxufiyiinta, oo ay ku jiraan haweenku, ay ka qaateen doorashadii Dowladaha Hoose ee Puntland ee Talaadadii 23-July-2024 ka dhacday saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan.
MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023 – Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.
MUQDISHO, 10 DISEMBAR 2022 - Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate - SJS waxa uu maanta ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwa ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda.