Home Blog Page 36

Booliska degmada Baraawe oo demiyay Radio Baraawe, xabsigana dhigay weriye Cismaan Baxar

0
Radio Barawe journalist, Omar Aweys Bahar detained by South West State police in Barawe on Saturday 2 January, 2020.
Radio Barawe journalist, Omar Aweys Bahar detained by South West State police in Barawe on Saturday 2 January, 2020.| PHOTO/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka ciidanka booliska Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ku demiyeen Radio Baraawe isla markaana xabsiga ugu taxaabeen weriye Cismaan Aweys Baxar oo ka tirsanaa idaacaddaasi subaxnimadii Sabtida 2 Jannaayo, 2021. Ururka SJS wuxuu dalbanayaa in weriyaha shuruud la’aan lagu siidaayo, loona oggolaado Radio Baraawe inuu shaqadiisa sii wato.

Sida ay SJS u sheegeen weriyayaasha gudaha, subaxnimadii Sabtida abbaare 10:00am (waqtiga gudaha), illaa 10 askari oo booliska hubeysan ah ayaa galay Radio Baraawe, oo ah idaacad ay leeyihiin dadka deegaanka ee magaalo xeebeedka Baraawe, kuna amray idaacadda la demiyo. Askartaasi hubeysan ayaa sidoo kale xiray weriye Cismaan Aweys Baxar oo ahaa agaasimihii idaacadda. Waxaa illaa hadda lagu hayaa saldhiga booliska degmada Baraawe.

Weriyayaasha Radio Baraawe waxay SJS u sheegeen in xarigga weriyahooda iyo deminta idaacadda ay timid kaddib war ay baahisay Idaacadda Baraawe 30 Disembar, 2020, oo ku saabsanaa cabasho ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka oo ka cabanayey gacan-bidixeyn ay kala kulmeen hey’adaha dowladda iyo mashaariicda horumarinta.

Isniinta, Taliyaha Booliska Baraawe Cabduqaadir Aadan Maxamed wuxuu SJS u sheegay in xarigga weriye Cismaan Baxar ay soo amreen madax sare oo Koonfur Galbeed ka tirsan oo uusan magacaabin, isagoo intaa ku daray inuu kasii hadli karin kiiska weriyaha oo hadda baaritaan ay ku hayaan. Weriyayaasha gudaha iyo dad ka tirsan kuwa u dooda dadka deegaanka Baraawe waxay SJS u sheegeen in Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Faqi, oo magaciisa lagu sheegay warbixinta Idaacadda Baraawe ay siideysay 30kii Disembar, in uu yahay kan amray xarigga weriye Cismaan Baxar iyo deminta Idaacadda Baraawe.

Markii SJS ay la xiriirtay Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Mr. Faqi ma soo jawaabin. Hase yeeshee Guddoomiyaha Degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi ayaa SJS u sheegay in “masuuliyiinta ay wadaan kiis dembi oo lagu soo oogayo weriye Cismaan Baxar sabab la xiriirta “inuu aflagaadeeyay masuuliyiin dowladeed”.

20kii Abriil 2020 ayay ahayd markii Idaacadda Baraawe hawada laga saaray iyadoo laga joojiyay baahinta barnaamijyadeeda ku baxa afka Barawaaniga. Hawl-wadeennada idaacadda waxay SJS u sheegeen in inkastoo loo ogollaaday maalmo kaddib inay barnaamijyadooda sii wataan haddana in lagu hayey cadaadis.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka lagu qaaday Idaacadda Baraawe iyo xarigga weriye Cismaan Aweys Baxar oo loo beegsaday kaliya inuu soo gudbiyay cabashada dadka deegaanka Baraawe. SJS waxay ugu baaqeysaa maamulka Koonfur Galbeed inay xorriyaddiisa siiyaan weriye Cismaan Baxar, ayna u oggolaadaan Radio Baraawe inuu hawshiisa sii wato si handadaad la’aan ah,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin.

Dhinaca kale, SJS waxay ka walaacsan tahay xarigga sharci darrada ee dheeraaday ee maamulka Puntland ku hayaan weriye Kilwe Aadan oo lagu hayo meel aan la garaneyn tan iyo habeennimadii 27 Disembar 2020 markaasoo la xiray, maalin uun kabacdi markuu soo tebiyey mudaaharaad ay dadku kaga cabanayeen sicir bararka oo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah lagu siidaayo weriye Kilwe.

South West State police raid Radio Barawe and detain its journalist

0
Radio Barawe journalist, Omar Aweys Bahar detained by South West State police in Barawe on Saturday 2 January, 2020.
Radio Barawe journalist, Omar Aweys Bahar detained by South West State police in Barawe on Saturday 2 January, 2020.| PHOTO/SJS.

MOGADISHU, Somalia, 05 January, 2021 – Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the raid on Radio Barawe and the arrest of its journalist Osman Aweys Bahar by South West State police in Barawe, Lower Shabelle region on Saturday 2 January, 2021. SJS calls for authorities to immediately release the journalist and allow Radio Barawe back on air.

According to local journalists, on Saturday about 10:00am (local time), about 10 armed police officers raided the premises of Radio Barawe, a local community radio in the coastal town of Barawe and ordered the radio off-air. The armed officers also detained journalist Osman Aweys Bahar. He is currently held at the Barawe police station.

Radio Barawe journalists told SJS the arrest of journalist Bahar and the radio closure followed after a news report broadcasted by Radio Barawe 30 December 2020, which featured complaints of local elders, youth and women about the marginalisation of Barawe residents in both government services and development projects.

On Monday, Barawe police commissioner Abdukadir Adan Mohamed told SJS that he was ordered to arrest the journalist by top South West officials in Baidoa without naming them, and that he was not able “to comment further on Mr. Bahar’s case pending investigations”.  Local journalists and Barawe community advocates told SJS that South West Speaker of Parliament, Ali Said Faqi, who was mentioned in the Radio Barawe’s 30 December report, was the one who ordered the closure of the radio and detention of its journalist.

When SJS contacted the South West Speaker of Parliament, Mr Faqi did not respond. However, Barawe District Commissioner, Omar Sheikh Abdi told SJS that authorities were preparing a criminal case against journalist Bahar for “insulting government officials”.

On 20 April last year, authorities in Barawe banned Radio Barawe’s unique local Baravanese (Chimwiini or Chimbalazi) dialect programming under what seemed to be a politically motivated order from the South West State officials. Despite Radio Barawe resumed its broadcasting days later, journalists and editors reported that authorities continued to monitor them in  an attempt to pressure the radio staff.

“We condemn the raid on Radio Barawe and the arbitrary arrest of journalist Osman Aweys Bahar who was targeted for only reporting the complaints of the people of Barawe. SJS calls for South West State authorities to free journalist Bahar and allow Radio Barawe, a radio owned by the local community, to operate without harassment,” Abdalle Ahmed Mumin, the Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said. 

SJS is extremely concerned by the continued and unexplained detention of free-lance journalist, Kilwe Adan who was detained on 27 December 2020 and held in undisclosed location in Garowe, the capital of Puntland a day after he covered the 26 December anti-inflation rates protest in Garowe.

We call for Puntland authorities to immediately free journalist Kilwe and allow him to carry out his journalistic duties without reprisals.

SJS iyo UNSOM oo weriyayaasha Soomaaliyeed ku tababaray Xorriyatul Qawlka

0
In ka badan 30 weriye oo dhameystay tababarka xorriyatul qawlka oo SJS iyo UNSOM ay ugu qabteen Muqdisho30 Disembar, 2020 - 1 Jannaayo, 2021.
In ka badan 30 weriye oo dhameystay tababarka xorriyatul qawlka oo SJS iyo UNSOM ay ugu qabteen Muqdisho30 Disembar, 2020 - 1 Jannaayo, 2021. | PHOTO/SJS.

MUQDISHO, SOOMAALIYA, 03 Jannaayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo kaashanaya Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa soo gebagebeeyay tababar saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Xorriyadda Hadalka: Waajibaadka iyo Masuuliyadda Weriyayaasha looguna qabtay in ka badan 30 suxufi magaalada Muqdisho.

Tababarka oo ay ka faa’ideysteen in ka badan 30 suxufi oo ka kala yimid warbaahinta gudaha, ayaa waxaa lagu bartay xuquuqaha iyo waajibaadyada suxufiyiinta, kala saaridda xayeysiisyada xisbiyada siyaasadda iyo wararka xilliga doorashooyinka, anshaxa tebinta iyadoo la raacayo xorriyadda hadalka ka hor, inta lagu guda jiro iyo kadib doorashooyinka, sidoo kale badqabka suxufiyiinta, bedqabka iyo xuquuqda gabdhaha suxufiyiinta.  SJS ayaa sidoo kale weriyayaasha tababarka ka qeybgalay la wadaagtay Xeerka Hab-dhaqanka Suxufiyiinta kaasoo markii ugu horreysay la qoray 2019.

Maalintii u dambeysay ee tababarka, Siddeed ruux oo ka kala socday warbaahinta madaxa-bannaan iyo ururada bulshada ayaa ku soo biiray tababarka si ay suxufiyiinta qaadanayay ugala doodaan Xorriyadda Hadalka iyo muhiimaddeeda, xaqa helista xogta iyo xaqa ogaanshaha ee dadweynaha, kaddibna waxaa bilowday su’aalo weydiin iyo jawaabo loogu talo galay ka qeybgalayaasha.

Nasteexo Maxamed Cumar, oo ah saxafiyad madax-bannaan oo ka howlgasha Radio Afgooye iyo Telefsihinka TUSMO oo ka hadashay caqabadaha gaarka ah ee ay gabdhaha suxufiyiintu wajahaan ayaa tiri,  “Gabdhaha suxufiyiinta ah waxa ay wajahaan caqabado taasoo sabab u noqda inay yaraadaan gabdhaha suxufiyiinta ee warbixinnada kasoo diyaariya bannaanka. Waxaan ku faraxsanahay in aan bartay casharo muhiim u ah badqabka gabdhaha suxufiyiinta xilliga doorashada, masuuliyadda suxufiyiinta saaran iyo hababka anshax tebinta. Waxaana uga soo safray tababarkan magaalada Afgooye si aan uga qeybgalo waxaana u mahadcelinayaa SJS iyo UNSOM oo tababarkan muhiimka na siiyey.”

Isagoo ka hadlaya kulan doodeedka, Diini Mohamed Diini, Guddoomiyihii hore ee Dalladda Ururada aan Dowliga ahayn, ahna suxufi hore ayaa tusaaleeyay sida saxaafada u tahay awoodda afaraad ee dowladnimada, ayna tahay inay kaalin weyn ka qaadato si loo difaaco danta guud ee ummadda si ku dheehan geesinimo iyo wartebin xirfadeysan.

Isagoo sii hadaya ayaa yiri, “Haddii aanu weyno warbaahin daacad ah oo awoodda gudashada waajibaadkeeda cabsi iyo eex la’aan, waa marka danaha ummadda ay meesha ka baxayaan.  Waxaan ku baaqayaa in meesha laga saaro saxaafadda midabka jaallaha leh (yellow journalism) oo sharaf dhac ku ah mihnadda saxaafadda, halisna gelin kara mabaadii’da runsheegista ee looga baahan yahay saxaafadda.”

Agaasimayaasha warbaahinta Goobjoog, SBC TV, Tusmo TV iyo Eryal TV ayaa ammaanay dadaalka SJS ay ku difaaceyso xorriyadda saxaafadda, xorriyatul qawlka iyo xuquuqda warfidiyeena. Agaasimayaasha si cad waxa ay u caddeeyeen in dadweynuhu xaq u leeyihiin helista warar sugan oo xaqiiqo ah, halka falalka dowladdu ku kacayso ay waxyeeleynayaan kalsoonida dadweynaha.

Agaasimaha ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ka sheekeeyay tacadiyadii uu la kulmay markiii isaga loo xiray qormo ku saabsan cudurka Korona Feyrus bishii April 2020, isagoo sheegay in xorriyadda hadalku ay tahay xuquuq dastuuri ah oo ku cad dastuurka dalka.

Isagoo sii hadlaya waxa uu sii raaciyay “Waxaa la igu bartilmaameedsaday anigoo waajibaadkeyga shaqo gudanaya si la ii cabsigeliyo. SJS waxay ka mid ahayd ururradii i garab istaagtay.  Waa wax laga xumaado in suxufiyiintu ay maalin walba caqabadaha noocaan oo kale ah ay la kulmaan oo ay ku jiraan hanjabaad iyo cagajugleyn. Waxaan u baahanahay in aan u midowno arintan.”

Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee SOMA, Maxamed Cusmaan Makaraan ayaa u soojeediyay SJS iyo maamulayaasha warbaahinta inay u midoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen xorriyadda hadalka iyo danta guud ee shacabka si loo xaqiijiyo in warbaahintu iyo suxufiyintuba  u ololeeyaan dowlad wanaagga.

“Waa xaqiiqo inaan weli u baahanahay cod mideysan. Dadaaladii dhowaa ee SJS iyo SOMA ay billaabeen oo aan ku abuurnay cod iyo cudud mideysan si aan ugu difaacno xorriyadda hadalka iyo xuquuqda suxufiyiinta dalka, balse waxaan u baahanahay in aan sii xoojino,” ayuu yiri Guddoomiye Makaraan oo safar dhowaan kaga yimid magaalada Beledweyne.

Gebagebadii tababarka, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda xorriyadda hadalka oo ah xuquuq aas-aasi ah. Wuxuuna ugu baaqay suxufiyiinta inaysan ka labo-labeyn difaacidda xuquuqdooda marka lagu xadgudbo. Wuxuu u mahadceliyay Danjire James Swan, ergeyga gaarka ah ahna madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) taageerada uu mar walba la garab joogo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

“Xorriyadda saxaafada waa aas-aaska ummad dimuqraadi ah oo xor ah, xoojinta iyo tayeynta awoodda suxufiyiinta xiliga kala-guurka waxay muhiim u tahay warbaahinta guud ahaan. Marka aan fiirino waay-aragnimadeenna xilliyada kala guurka, amniga suxufiyiinta iyo warbaahintuba wuxuu gali karaa khatar, haddii aan suxufiyiinta si wanaagsan loo tababarin,” ayuu yiri Xoghaye Cabdalle Muumin.

“Waxaan u mahadcelinayaa Hawlgalka UNSOM iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Danjire James Swan taageeradooda ay mar walba la garab taagan yihiin suxufiyiinta Soomaaiyeed. Waxaan rabaa in aan ammaano doorka suxufiyiinta gabdho iyo wiilalba kuwaasoo nafsadooda ku waayay iyagoo runta u adeegaya,” ayuu sii raaciyay Mumin.

“Waxaan hadalkeyga ku soo gebagebeynayaa inaan iraahdo amniga suxufiyiinta iyo dhisidda awoodooda ay wax ku baari karaan, kuna soo gudbin karaan wararka danta guud xilliga doorashooyinka si faafreeb la’aan iyo cabsi la’aan ah waxay muhiim u tahay dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaagga. Suxufiyiinta waa in loo aqoonsadaa difaacayaasha danaha ummadda,” ayuu hadalkiisa ku soo dhameeyay Xoghaye Mumin.

SJS and UNSOM train Somali journalists on Freedom of Expression: Rights and Responsibilities in Mogadishu

0
More than 30 Somali journalists received certificates after training on Freedom of Expression: Rights and Responsibilities in Mogadishu between 30 December, 2020 – 1 January 2021. | PHOTO/SJS.

MOGADISHU, Somalia, 03 January, 2021 – Somali Journalists Syndicate (SJS) in partnership with the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) concluded a three-day training for more than 30 Somali journalists on Freedom of Expression: Rights and Responsibilities in Mogadishu between 30 December, 2020 – 1 January 2021.

The journalists training covered key topics including: rights and responsibilities of journalist; differentiation between political campaign adverts; ethical reporting inline with the right to Freedom of Expression before, during and after Elections as well as rights and safety of women reporters. SJS distributed a translated Journalists Code of Ethics, which was first drafted in 2019.

On the last day of the training, eight panelists from the media houses, community advocates and civil society members joined trainees to discuss on Freedom of Expression, its importance and challenges for journalists and Access to Information for the people’s right to know followed by a question and answer session for the participants.

Nasteho Mohamed Omar, a female freelance reporter with Radio Afgoye and Tusmo TV spoke about the specific challenges her female colleagues faced to carry out their duties.

“Female journalists face special challenges that have led to a decrease in the number of reporters going to field assignment. I am delighted to learn very appropriate topics such as the safety of women reporters during the elections, the responsibility of journalists and the ethical way of reporting. I have traveled from Afgoye district, Lower Shabelle region to attend this training,” she said “I am now ready to undertake reporting assignment and thanks to SJS and UNSOM for the arrangement of this training.”

Diini Mohamed Diini, former chairman of the independent Civil Society Coalition (left) speaks during a panel discussion on Freedom of Expression supported by UNSOM in Mogadishu, Friday 1 January, 2021. | PHOTO/SJS.
Diini Mohamed Diini, former chairman of the independent Civil Society Coalition (left) speaks during a panel discussion on Freedom of Expression supported by UNSOM in Mogadishu, Friday 1 January, 2021. | PHOTO/SJS.

Speaking at the panel discussion Diini Mohamed Diini, the former chairperson of the independent Somali Civil Society Coalition and former senior journalist referred the power of the journalists as the Fourth Estate in order to protect the public interest with bravery and professionalism.

“If we fail to have an honest media that is capable to carry out its duties without fear or favor, that is when our public interest disappears. I strongly call for end of yellow journalism. It is a disgrace to the profession and is a threat to the principles of truthfulness and objectivity required for the journalists,” he added.

Media directors from Goobjoog Media, SBC TV, Tusmo TV and Eryal TV praised SJS efforts to protect Press Freedom, Freedom of Expression and the rights of journalists. Media directors clearly underlined that Somali people cannot effectively diminish their risk of becoming infected when they are denied accurate information, or when the government’s actions undermines trust in the public domain.

Goobjoog Media Deputy Director, Abdiaziz Ahmed Gurbiye (right) speaks during a panel discussion on Freedom of Expression supported by UNSOM in Mogadishu, Friday 1 January, 2021. | PHOTO/SJS.
Goobjoog Media Deputy Director, Abdiaziz Ahmed Gurbiye (right) speaks during a panel discussion on Freedom of Expression supported by UNSOM in Mogadishu, Friday 1 January, 2021. | PHOTO/SJS.

Goobjoog Deputy Director Abdiaziz Ahmed Gurbiye narrated his ordeal when he was arrested for writing an article on Covid-19 pandemic in April 2020, noting Freedom of Expression as a constitutional right enshrined in the Somali Constitution.

“I was targeted and charged for only doing what I am supposed to do as a journalist. SJS was one of the organizations that stood with me. It is very concerning that fellow journalists are being subjected to constant threats and intimidation. We need to be united and strong,” Mr. Gurbiye said.

Chairman of Somali Media Association (SOMA), Mohamed Osman Makaran speaks during a panel discussion on Freedom of Expression supported by UNSOM in Mogadishu, Friday 1 January, 2021. | PHOTO/SJS.
Chairman of Somali Media Association (SOMA), Mohamed Osman Makaran speaks during a panel discussion on Freedom of Expression supported by UNSOM in Mogadishu, Friday 1 January, 2021. | PHOTO/SJS.

Mohamed Osman Makaran, the chairman of Somali Media Association (SOMA) proposed SJS journalists’ union, and media managers need to partner in a united voice to safeguard Freedom of Expression for the public interest and to make sure that our media houses continue to advocate towards accountable and transparent governance in Somalia.

“The reality is that we still need to have a unified voice. Recent joint efforts by SJS and SOMA have begun to create a collective and a united movement to defend freedom of expression and the rights of the journalists in Somalia, but we need to strengthen it,” said Mr. Makaran who has travelled from central town of Beledweyne said.

SJS Secretary General, Abdalle Mumin (right centre) hands over a certificate of completion to SOM NEWS TV journalist Salad Mohamed after attending a three-day training on Freedom of Expression supported by UNSOM, Friday 1 January, 2020. | PHOTO/SJS.
SJS Secretary General, Abdalle Mumin (right centre) hands over a certificate of completion to SOM NEWS TV journalist Salad Mohamed after attending a three-day training on Freedom of Expression supported by UNSOM, Friday 1 January, 2021. | PHOTO/SJS.

In his concluding remarks, Abdalle Ahmed Mumin, the Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said Freedom of expression is a fundamental human right and called for journalists not to hesitate to defend it when that right is violated. He thanked ambassador James Swan, the Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) for his commitment to support Somali journalists.

“Freedom of the press is essential to enable democratic, free and participative societies. Strengthening the capacity of our journalists at this critical time ahead of the election is vital for both journalists the entire Somali community. Due to the experiences in the transitions, the media and journalists safety is entirely at risk, if the journalists are not properly trained,” said Mr. Mumin.

“I thank the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the UN Secretary General’s Special Representative, ambassador James Swan for his continued support to the Somali journalists in this critical time.  I want to praise the role of the brave female and male journalists who have paid the price to serve for the truth at all times,” SJS Secretary Mumin concluded.

“Let me conclude by saying that safety of Somali journalists, and their ability to pursue investigations and disseminate information for public interest during and after elections without censorship or threats, is a key element of democracy and good governance. Therefore journalists should be seen as protectors of the public interest,” Mr. Mumin added.

Booliska Puntland oo weriye ku xiray goob aan la ogeyn iyo labo kale oo laga siidaayey xabsiyada Jowhar iyo Garowe

0
SAWIRKA: Kilwe Aadan (bidix); Faarax Maxamed Khaliif (dhexe) iyo Mahad Axmed Calasow.
SAWIRKA: Kilwe Aadan (bidix); Faarax Maxamed Khaliif (dhexe) iyo Mahad Axmed Calasow. | PHOTO/SJS.

MUQDISHO, Somalia, 31 Disembar, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa isaga oo soo dhoweynaya siideynta labo warfidiyeen oo kala ah: Mahad Axmed Calasow iyo Faarax Maxamed Khaliif oo maamuladda Hirshabelle iyo Puntland ku kala xireen dhowaan magaalooyinka Jowhar iyo Garowe, sidoo kale Ururku waxa uu walaac ka muujinayaa xarigga daba dheeraaday ee lagu hayo weriye Kilwe Adan oo ilaa maalinimadii Axaddii la soo dhaafay ee 27ka Disembar ku xiran magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Habeenkii Axadda ee 27 Disember, ayaa booliska Hirshabelle xabsiga u taxaabeen Mahad Axmed Calasow oo ah wakiil wareedka warbaahinta Goobjoog isla markaana la shaqeeya idaacada Jowhar. Xariggiisa weriyaha ayaa lala xiriirnayaa warbixin uu ku daabacay boggiisa Facebook-ga oo saabsaneyd ciidamada booliska oo rasaas dhaawac geystay dad ku mudaaharaadayay magaalada Beledweyne 27 Disember, 2020. Waxaa weriyaha xabsiga laga sii daayay isagoo aanan wax dembi ah lagu oogin 31 Disember 2020.

Isla 27 Disember, booliska Puntland ayaa xabsiga u taxaabay weriye Faarax Maxamed Khaliif oo ka howlgala telefishinka Horn Cable iyo Kilwe Adan oo ah weriye madaxbanaan oo ka howlgala warbaahinta lagu daabaco bogga Facebook ee Kilwe Media, oo tebisay shacab ka dibad-baxayay oo ka baxayay sicir barar saameeyay gobollada Puntland.

Halka weriye Faarax la siidaayay Talaadadii 29 Disemberr 2020 isagoo bilaa eed ah, Kilwe weli waxaa lagu hayaa xabsiga, iyadoo uu ku xiran yahay goob aan la ogeyn.

“Waanu ku faraxsanahay in aan maqalno akhbaarta in saaxiibadeen Mahad Axmed Calasow iyo Faarax Maxamed Khaliif la sii daayay,hase yeeshee waxaan ka walaacsannahay xaaladda weriye Kilwe oo weli goob aan la ogeyn ay booliska Puntland ku hayaan,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri.

“Maamulka Hirshabelle iyo Puntland waa inay joojiyaan hanjabaadaha iyo caga-jugleynta ka dhanka ah warfidiyeennada tebinaya cabashooyinka dadweynaha, waana in aan suxufiyiinta lagu bartilmaameedsan gudashada waajibaadkooda suxufinimo ee ah wargelinta dadweynaha,” Xoghaye Mumin ayaa intaa ku daray.

Puntland police detain freelance journalist in undisclosed location, two others released in Jowhar and Garowe

0
Freelance journalist,Kilwe Adan (left); Horn Cable TV reporter, Farah Mohamed Khalif (cetre) and Goobjoog TV/Radio Jowhar journalist, Mahad Ahmed Alasow.
COMBINED PHOTO: Freelance journalist,Kilwe Adan (left); Horn Cable TV reporter, Farah Mohamed Khalif (centre) and Goobjoog TV/Radio Jowhar journalist, Mahad Ahmed Alasow. | PHOTO/SJS.

MOGADISHU, Somalia, 31 December 2020 – Somali Journalists Syndicate (SJS), while welcomes the release of two broadcast journalists: Mahad Ahmed Alasow in Jowhar and Farah Mohamed Khalif in Garowe, expresses its concern about the continued arbitrary detention of freelance journalist, Kilwe Adan in Garowe since Sunday night 27 December by Puntland authorities.

In the evening of Sunday 27 December, Hirshabelle police detained Mahad Ahmed Alasow, who simultaneously reports for Goobjoog TV and Radio Jowhar in Jowhar over a Facebook post about protestors injured after police used live bullets during the Sunday 27 December violent opposition protests in Beledweyne town.  He was released on Thursday 31 December without charge after four days in police custody.

On 27 December, Puntland police detained Horn Cable TV reporter, Farah Mohamed Khalif and freelancer Kilwe Adan who reports for Kilwe Media Inc, a Facebook-based news page in Garowe, the capital of Puntland over their coverage during 26 December protest against high inflation rates in Puntland.

While Farah was freed on the afternoon of Tuesday 29 December without charges, Kilwe remains detained in unknown location since Sunday night when police took him from Garowe city centre, according to colleagues and family members who spoke to SJS.

“We are relieved to hear the news of the release of journalists, Mahad Ahmed Alasow and Farah Mohamed Khalif.  We are extremely concerned by the continued detention of journalist Kilwe Adan in undisclosed location in Garowe. We call for Puntland authorities to immediately free him,” Abdalle Ahmed Mumin, the Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said.

“Authorities in Puntland and Hirshabelle should stop the threats and intimidations against local journalists who have covered protests critical to the authorities. Journalists should not be targeted for doing their job to inform the public,” Mr. Mumin adds.

SJS and SITCO train journalists on strategic planning, self-motivation and planning for growth

0
Group Photo: Journalists pose for a photo at the end of three-day training on strategic planning in Mogadishu, Saturday 26 Dec, 2020. |PHOTO/SJS.

MOGADISHU, Somalia, 28 December, 2020 –  Somali Journalists Syndicate (SJS) and Smart Institute For Training and Consultancy (SITCO) concluded a three-day training for SJS members, journalists and editors on strategic planning, self-motivation and growth planning in Mogadishu.

The training, which is the first in its kind for the union members and journalists, gave the participants a complete new way of creativity, planning and adjusting their daily life to their personal plan. The strategic planning process was intended to empower journalists in making decisions that matter their important missions.

Ismail Abdukadir (right) who is an aspiring blind journalist with Goobjoog Media receives his certificate at the end of three-day training on strategic planning in Mogadishu, Saturday 26 Dec, 2020. |  PHOTO/SJS.
Ismail Abdukadir (right) who is an aspiring blind journalist with Goobjoog Media receives his certificate at the end of three-day training on strategic planning in Mogadishu, Saturday 26 Dec, 2020. | PHOTO/SJS.

Ismail Abdukadir who is an aspiring blind journalist with Goobjoog Media admitted that the three-day one-on-one training was the first one he received since joining into the profession as broadcast journalist. He further emphasised how he will be able to use new skills he acquired from the training.

“I have learned something that I have not learned before which is putting a plan for my work, my life and all the issues affecting my schedule. Now I am able to pursue my goal as a journalist,” said Ismail, “I thank SJS for allowing me to attend this training –which is my first ever training- even while I am blind.”

Hamdi Mahad Diriye, a female journalist who covers social affairs for Radio Risaala has noted the positive contribution this training has brought to her daily work.

Hamdi Mahad Diriye (centre) journalist who covers social affairs for Radio Risaala receives certificate of completion at the end of three-day training on strategic planning in Mogadishu, Saturday 26 Dec, 2020. | PHOTO/SJS.
Hamdi Mahad Diriye (centre) journalist who covers social affairs for Radio Risaala receives certificate of completion at the end of three-day training on strategic planning in Mogadishu, Saturday 26 Dec, 2020. | PHOTO/SJS.

“I am a very busy journalist. In addition to my work at the radio, I also do a housework and study.  From the onset this training has helped me. I made my plan and have realized how easy things become to do.  I thank SJS Secretary General, Mr. Abdalle Mumin for arranging the training and Mr. Abdirahin Elmi, SITCO CEO for the facilitation,” Hamdi said.

“Such trainings are valuable to the journalists and I remind SJS and SITCO to maintain it,” she suggested as she was giving her testimonies at the last day of the training held in Mogadishu.

Abdirahin Abdi Elmi (left), Chief Executive Officer of Smart Institute For Training and Consultancy (SITCO) and Abdalle Mumin (right), the Secretary General of SJS at the end of three-day training on strategic planning, Saturday 26  Dec, 2020. |PHOTO/SJS.
Abdirahin Abdi Elmi (left), Chief Executive Officer of Smart Institute For Training and Consultancy (SITCO) and Abdalle Mumin (right), the Secretary General of SJS at the end of three-day training on strategic planning, Saturday 26 Dec, 2020. |PHOTO/SJS.

Abdirahin Abdi Elmi, Chief Executive Officer of Smart Institute For Training and Consultancy (SITCO) acknowledged SJS leadership for choosing SITCO to conduct the training for SJS staff, SJS member journalists and other journalists. He pointed out that the training course was designed in a very classic way to guide the personal goals of the professional journalists bearing in mind the various challenges they face and the need for them to know how to overcome those challenges.

“I am extremely delighted to facilitate this course for the journalists working in this country, who I believe are the ones who are leading change in our society. Once the situation of our journalists improve, our entire society will improve,” said Abdirahman Abdi Elmi.

Abdalle Ahmed Mumin, the Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) thanked SITCO Institute for facilitating the training. He promised that SJS would continue to be the voice of the journalists in all fronts including at advocacy level and at trainings.

“SJS stands to represent the true journalism in Somalia. For that purpose we will tirelessly in defending freedom of the journalists while building their capacities. On behalf of SJS, I thank SITCO CEO, Mr. Abdirahin for the wholeheartedly facilitation during the three days of this amazing training,” Mr. Mumin said.

On Saturday SJS announced it was signing partnership agreement with SITCO Institute to train more journalists and to consult SJS managerial team.

Xorriyadda Warbaahinta oo sii xumaaneysa ka hor doorashada Soomaaliya: Weriyayaal lagu xiray gudaha dalka

0
Cabduqaadir Dulyar iyo Maxamed Cismaan Makaraan kahor intaan lagu xirin Beledweyne
Cabduqaadir Dulyar iyo Maxamed Cismaan Makaraan kahor intaan lagu xirin Beledweyne 23 December 2020. | SAWIRKA/FB.

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa tacadiyadda warfidiyeen iyo agaasimayaal loogu kala geystay magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Muqdisho, taasoo caddeyneysa sida xorriyadda saxaafadda u sii xumaaneyso ka hor doorashooyinka guud ee dalka.

Arbacadii 23 Disembar, ciidanka booliska Hirshabelle ee magaalada Beledweyne ayaa weeraray hotel ku yaalla magaaladaas kadibna xiray weriye madaxbanaan, ahna xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Xuquuqul Insaanka, Cabdulqadir Maxamed Faarax (Dulyar). Weerarka iyo xarrigga suxufigan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu wareystay Abuukar Warsame Xuud oo hoggaamiya jabhad fadhigeedu mucaarad ku ah maamulka Hirshabelle, sida uu weriye Dulyar iyo qaar ka mid ah suxufiyiinta oo ay SJS wareysatay sheegeen. Wareysigaas oo sida muuqata ka xanaajiyay maamulka Hirshabelle, ayaa qeyb ahaan laga baahiyay Idaacadda Kulmiye 23 Disembar.

Maalinimadii Khamiista 24 Disembar, booliska Beledweyne waxay xabsiga dhigeen Maxamed Cismaan Makaraan, oo ah Agaasimaha idaacada Hiiraanweyn ee Beledweyne, ahna Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), ka gadaal markii uu booqasho ugu tegay saxafigii xirnaa. Labada saxafi waxaa la sii daayay galabkii 24-ka Disembar iyagoo wax eed ah rasmi ahaan loogu oogin. Xiriir ay la sameysay SJS booliska Hiiraan ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sababta xariggan.

Maalinimadii Jimcaha 25 Disembar, 2020 saraakiil ka socotay booliska iyo Ciidanka Nabadsugidda ee magaalada Muqdisho ayaa weeraray kadibna xiray labo saxafi oo u shaqeyneysay Warbaahinta Goobjoog. Labadan suxufi Cabdikarim Cali Aadan iyo sawirqaade Cabdirisaaq Cabdullaahi Fagaas ayaa mudaaharaad ka dhacayay degmada Hodan soo tebinayay.

Cabdikariim Cali Aadan iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi Fagaas oo ka tirsan Goobjoog oo Jimcihii 25 Dec, 2020 lagu xiray Muqdisho. | SAWIRKA/FB.
Cabdikariim Cali Aadan iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi Fagaas oo ka tirsan Goobjoog oo Jimcihii 25 Dec, 2020 lagu xiray Muqdisho. | SAWIRKA/FB.

Sida ay sheegeen suxufiyiin iyo goobjoogayaal, saraakiil dharcad ah oo gacanta ku heystay bastoolad ayaa labo xabadood ku riday dhanka sawirqaade Fagaas kahor inta aan la xirin. Isla galabkii Jimcaha, boolisku degmada Hodan waxay muddo kooban xorriyadda ka qaadeen agaasimaha Warbaahinta Goobjoog, Xassan Maxamed Maxamuud kaddib markii uu saldhigga ku booqday suxufiyiintii xirnaa. Saddexdooda waxaa la sii daayay iyagoo aan lagu oogin wax eedeyn ah.

Dhanka kale, SJS waxa ay aad uga walaacsan tahay hanjabaadaha iyo caga-jugleynta ka dhanka ah suxufiyiinta ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameedsiga lagu hayo suxufiyiinta loo arko inay dhaliilaan maamulka Madaxweyne Cadicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Weriye Maxamed Cabdiraxiin oo lagu xiray Baydhabo 20 December, 2020. | SAWIRKA/SJS.
Weriye Maxamed Cabdiraxiin oo lagu xiray Baydhabo 20 December, 2020. | SAWIRKA/SJS.

20-kii Disembar, boolis hubeysan ayaa weeraray gurigga uu magaalada Baydhabo ka deggan yahay suxufi ka howlgala warbaahinta RTN TV, Maxamed Cabdiraxiin, kadibna xabsiga u taxaabeen kaddib markii uu qoray faallo uu kaga hadlay labo sano guuradii ka soo wareegtay maamulka madaxweyne Laftagareen ee Koonfur Galbeed, taaso oo loo arkay inay dhaliishay Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Sida uu saxafigu u sheegay SJS, ciidanka booliska waxay siidaayeen isagoo aanan lagu oogin eedeyn rasmi ah, balse waxay uga digeen inuu sii wado dhaliilaha madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Waxaan aad uga walaacsanahay tacadiyada ka dhanka ah suxufuiyiinta iyo warbaahinta ee sii kordhaya ee ka kala dhacaya goobo kala duwan ee dalka sida Muqdisho, Beledweyne iyo Baydhabo, iyadoo tacadiyadan ay sameynayaan saraakiil la yaqaano waxyar uun kahor doorashooyinka guud ee dalka,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri.

“Suxufiyiinta waa in aan loo bartilmaameedsan gudashada waajibaadkooda shaqo oo ah tebinta wararka oo ah xuquuq aas-aasi ah oo dhammaan shuruucda u ogolaanayaan. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda iyo saraakiisheeda ammaanka inay ka digtoonaadan xarigga iyo handadaadaha ka dhanka suxufiyiinta iyo warbaahinta xiligan xasaasiga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xoghaye Mumin.

Press freedom rapidly deteriorating ahead of elections in Somalia: Journalists and media directors arbitrarily arrested

0
Abdukadir Mohamed Farah Dulyar and Mohamed Osman Makaran
Abdukadir Mohamed Farah Dulyar and Mohamed Osman Makaran in the outskirts of Beledweyne on 22 December, 2020. | PHOTO/Courtesy.

MOGADISHU, Somalia, 27 December 2020 – Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the recent arbitrary arrests against journalists and media directors in Mogadishu, Beledweyne and Baidoa amid worsening pressures and threats on press freedom ahead of the country’s general elections.

On Wednesday 23 December, Hirshabelle police raided a hotel in in Beledweyne, Hiiraan region and subsequently detained freelance journalist Abdukadir Mohamed Farah Dulyar who also doubles as the secretary general of the Journalists for Human Rights.  The raid and the arrest followed a day after Dulyar interviewed the commander of an armed rebel militia, Abukar Warsame Hud on the outskirts of Beledweyne town, according to Dulyar himself and colleagues interviewed by SJS. The interview, which angered the Hirshabelle authorities, was partially broadcasted by the Mogadishu-based Radio Kulmiye on 23 December.

On Thursday 24 December, the Beledweyne police also detained Mohamed Osman Makaran, the director of Radio Hiiraan Weyn, who also chairs the Somali Media Association (SOMA) after visiting the police station where journalist was detained.

Both of them were, however, released on the afternoon on 24 December without charges. Hiiraan police chief declined to respond when contacted by SJS.

PHOTO FILE: Goobjoog journalists: reporter Abdikarin Ali Adan and cameraman Abdirizak Abdullahi Fagas. |PHOTO/Courtesy.
PHOTO FILE: Goobjoog journalists: reporter Abdikarin Ali Adan and cameraman Abdirizak Abdullahi Fagas. |PHOTO/Courtesy.

On Friday 25 December, Somali police and officers from the National Intelligence and Security Agency (NISA) in Mogadishu violently attacked and arrested two Goobjoog Media journalists: reporter Abdikarin Ali Adan and cameraman Abdirizak Abdullahi Fagas who were covering an opposition demonstration in Hodan district.  

According to the journalists and eyewitnesses, a plain-clothed NISA officer shot two times from his pistol towards cameraman Fagas before detaining the two Goobjoog journalists and holding them at Hodan police station. Local media also reported the same officer pointing his pistol at protestors and shooting into the air during the demonstrations. In the afternoon, police detained Goobjoog Media director, Hassan Mohamed Mohamud after visiting the arrested journalists.  They were all freed late in the afternoon without charges.

Separately, SJS is also concerned by the increasing threats and intimidation against journalists in South West State of Somalia, particularly those deemed critical to president Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen’s) administration. 

RTN TV reporter Mohamed Abdirahin detained in Baidoa on 20 December 2020. | PHOTO/SJS/Courtesy.
RTN TV reporter Mohamed Abdirahin detained in Baidoa on 20 December 2020. | PHOTO/SJS/Courtesy.

On 20 December, armed police officers in Baidoa raided the home of RTN TV reporter Mohamed Abdirahin and detained him over an online article that has critically analyzed the second anniversary of president Laftagareen’s administration. According to the journalist, police freed him without charge after holding for six hours in the police cell and warned him against future articles that could be critical to the president.

“We are alarmed by the increased arbitrary arrests and attacks against journalists and the media workers in Mogadishu, Hirshabelle and Southwest states of Somalia. It is extremely concerning that these violations are committed by known officials just in the lead up to the country’s general elections,” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS) said.

“Journalists should not be targeted for their reporting, while exercising their fundamental freedoms provided by the law.  We call for authorities and their security officials to refrain from arresting and threatening journalists and media workers in this critical time,” Mr. Mumin added.

Warfidiyeenno kasoo waramayey mudaaharaadka oo la garaacay, lana xiray; Wasiirka Warfaafinta oo ku goodiyay adeegsiga ‘Xeerka Warbaahinta’

0
Warfidiyeenno ka soo waramayey mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar 2020.
Warfidiyeenno ka soo waramayey mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar 2020. | PHOTO/Courtesy/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 17 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac weyn ka muujinayaa falalka xarigga sharci darrada, xayiraadda iyo hanjabaadaha kale ee ay ciidamada ammaanku ku beegsanayaan weriyayaasha madaxa-bannaan iyo warbaahinta ee kasoo waramayey mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar, 2020.

Saraakiil dharcad oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) oo ay wehliyaan askar boolis oo hubeysan ayaa xiray afar weriye: labo ka tirsan Radio Kulmiye (Cali Cilmi Salaad iyo Sakariye Maxamed Salaad) iyo labo ka tirsan Dalsan TV (Abuukar Axmed Xasan (Dayax) iyo Cabdirisaaq Cali) xilli ay kusii jeedeen goob uu ka dhacayey mudaaharaad ooku taalla degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho. Saraakiisha NISA ayaa joojiyay suxufiyiinta oo waddada socday kaddibna ku billaabay garaacitaan iyagoo su’aalo ka weydiiyay shaqada ay u socdeen, sida ay SJS u sheegeen weriyayaasha.

Weriyayaasha ayaa lagu xiray Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis, waxaana la siidaayey saddex saacadood kaddib iyagoon wax eedeyn lagu oogin. Qalabkoodii shaqada (telefoonnada iyo kaamirooyinka) oo laga qaatay markii hore ayaana dib loogu soo celiyay.

Duhurkii Talaadada, boolis hubeysan ayaa waddada ku joojiyey, waqti koobanna hayey labo suxufi oo ka tirsan Universal Somali TV oo kala ah: wartebiye Maxamed Ibraahim Bulbul (oo ka tirsan SJS) iyo muuqaal duube Cabaas Cabdi Xaashi xilli ay marayeen isgoyska Sanca, degmada Kaaraan. Su’aalo weydiin kaddibna waa la siidaayey.

Dhammaan weriyayaasha kasoo waramayey mudaaharaadyada Talaadadii waxay SJS u sheegeen in booliska iyo NISA ay ka xirteen waddooyinka, una diideen inay maraan waddooyinka taga goobaha dibad-baxayaashu joogeen. Hawlwadeennada telefishannada waxay SJS u sheegeen inay ku qasbanaadeen inay qalabkooda qarsadaan si ay uga badbaadaan xarig intiiay socdeen mudaaharaadyada.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo ka hadlay Telefishanka afka Dowladda ku hadla Talaadadii, ayaa ku hanjabay tallaabo sharci isagoo sheegay inay tahay xadgudub ka dhan ah Xeerka Warbaahinta soo tebinta wararka mudaaharaadyada, isagoo ku sifeeyay “barobangando iyo been abuur, ku tiri-ku-teen, balaayo abuur iyo kicinta dadweynaha.”

“Xeerka saxaafadda waxaa ka xaaraan ah oo ka reeban barobangandada iyo been abuurka, ku tiri-ku-teenta iyo balaayo abuurka iyo kicinta dadweynaha. Waxaasoo dhan waa sharci darro,” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo intaa ku daray “Suxufiga ka shaqeeya fitnada, balaayo abuurka, rabshadda, isku dirka iyo waxaan jirin sameynta dabcan sharciga ayuu ka hor yimid. Mana rabno in la arko qof sharciga gacmihiisa ku sita oo wuxuu raba sameynaya.”

SJS waxay ugu baaqeysaa masuuliyiinta Dowladda iyo ciidamada ammaankainay joojiyaan beegsiga weriyayaasha lala beegsanayo xarigga iyo hanjabaadaha kale ee muuqda ooay ku jirtoku goodinta adeegsiga sharciga iyadoo ujeeddadu tahayin la aamusiyo warbaahinta xorta ah.

“Waxaan cambaareynaynaa xarigga sharci darrada ah ee loo geystay afarta weriye maalintii Talaadada, kuwaasoo loo beegsaday kaliya inay warar ka soo qaadayeen dad ku dibad-baxayey caasimadda. Weriyayaasha Soomaaliyeed waxay u bareeraan khatar noocyo badan leh kaliya si ay waxa dhacaya u arkaan uguna soo gudbiyaan dadweynaha, mana ahan in loogu hanjabo ama lagu xiro shaqadooda,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri.

“Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha amniga inay ka laabtaan amarrada lagu doonayo in lagu aamusiyo, laguna faafreebo warbaahinta xorta ah. Waana in la joojiyo hanjabaadaha lagu hayo weriyayaasha soo tebinaya wararka la xiriira mudaaharaadyada ku saabsan arrimaha doorashada,” ayuu siiraaciyey Xoghaye Mumin.