Languages:

Languages:

SomaliSJS oo ugu ba...

SJS oo ugu baaqday Dowladda Soomaaliya inay baarto dilalka ka dhanka ah suxufiyiinta

MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Nofembar, 2019 – Iyadoo adduunka laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Tacadiyada Aan La isu Ciqaabin ee ka Dhanka ah Suxufiyiinta, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federalka Soomaaliya inay baarto tacadiyada la xiriira dilalka suxufiyiinta, isla markaana ay sharciga horkeento shakhsiyaadkii ka dambeeyaya gabood-falladaasi.

In ka badan 60 suxufi ayaa lagu dilay dalka laga soo bilaabo sanadkii 1992, kuwaasoo 45 ka mid ah lagu khaarijiyay dilal toos ah oo loola bareeray.   Sannadkii la soo dhaafay oo kaliya afar (4) suxufi ayaa lagu dilay dalka, sannadkan 2019 labo suxufi oo kala ah; Maxamed Cumar Sahal iyo Hodan Naaleeye oo lagu dilay weerar lagu qaaday  hotel ku yaalla magaalada Kismayo 12 Luulyo ee sannadkan.

Waxaa jira ifafaalo wanaagsan, balse waxaa weli jira caqabado la xiriira awood la’aanta Dowladda ee baaritaanadii looga fadhiyay inay ku sameyso kiisaska dilalka iyo rabshadaha ee loo geystay suxufiyiinta Soomaaliya.  Tirada guud ee kiisaska la xiiriira dilalka weriyayaasha ee la horgeeyay maxkamadaha waxay ka yar yihiin 1% (boqolkiiba hal) taasoo ka dhigeysa dalka Soomaaliya meesha ugu khatarsan caalamka ee suxufiyiinta ka hawlgalaan.

Al-Shabaab ayaa ah kuwa ugu badan ee suxufiyiinta bartilmaameedsada iyadoo kuwa dilka geysta aysan la kulmin wax ciqaab ah, halka maamul goboleedyada aanayba isku deyin inay baaraan kiisaska dilalka ee loo geystay suxufiyiinta Soomaaliya.

Dhaqanka isla xisaabtan la’aanta ayaa ah sababta kaliya ee dhiirigelineysa rabshadaha sii kordhaya ee ka dhanka ah xirfadleyda warbaahinta iyadoo kooxaha dembiilayaasha ay la baxsanayaan dembiyadooda xisaabin la’aan.

 “Soomaaliya hadda waxa ay geleysaa marxalad kala guur ah oo muhiim ah, taasoo masuuliyad dheeri ah siineysa laamaha amniga. Masuuliyaddani waa inay ka qeyb ka noqotaa soo afjaridda dembiyada aan la isu ciqaabin ee loo geysto suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta guud ahaan. Waa in suxufiyiinta la siiyo goobo ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan, lana xaqiijiyo amnigooda,” Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle Axmed Mumin ayaa yiri, isagoo ugu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo in la helo isla xisaabtan lagu dhameynayo weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta, dibna looga noqonayo xaaladda murugada leh ee la xiriirta isla xisaabtan la’aanta.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Machadka Caalamiga ah Saxaafadda (IPI) waxay wadajir ugu baaqayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay sameeyaan hab gaar ah oo fursad siinaya in baaritaan quman oo daacadnimo leh lagu sameeyo dhammaan dilalkii iyo weeraradii kale ee loo geystay suxufiyiinta Soomaaliya, isla markaana caddaaladda la horgeeyo cid kasta oo lagu helo dembiyadaasi.

“Suxufiyiinta Soomaaliya waxa ay khatar u gelinayaan nafsadooda sidii ay xaaladda dalka ugu wargelin lahaayeen caalamka.  Weerar kasta oo iyaga loo geystana waa in la cambaareeyo, wuxuuna caqabad ku noqonayaa xorriyada saxaafadda,” Agaasimaha Guud ee Dhinaca u Qareemidda, ee Machadka IPI, Ravi R. Prasad ayaa yiri isagoo jooga magaalada Vienna ee xarunta IPI, wuxuuna intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay sameyso intii karaankeeda ah si ay u difaacdo suxufiyiinta si loo xoojiyo dimuqraadiyada gudaha dalka.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports