Languages:

Languages:

HomeSomali

Somali

Maalinta Shaqaalaha Awgeed, SJS oo ku baaqday in badbaado iyo mushahar xaq ah la siiyo war...

MUQDISHO, Soomaaliya 01 May, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Shaqaalaha Adduunka ee 1da bisha May darteed, hambalyo u diray dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

SJS oo soo dhoweysay siideynta weriyaha VOA iyo Radio Baraawe oo dib u bilaabay barnaamijk...

MUQDISHO, Soomaaliya, 23 Abriil, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa xabsi-ka-sii-deynta wakiil wareedka Idaacadda Voice of America (VOA) Mukhtaar Maxamed Catoosh, maalintii Arbacada 22 Abriil 2020, waxayna amaaneysaa go’aanka loogu ogolaaday Idaacadda Radio Baraawe in dib u bilowdo barnaamijyadii ku bixi jiray Afka Barawaaniga.

Si loo caburiyo saxaafadda madaxa-bannaan, Dowladda Soomaaliya oo eedeyn ‘argagixisa...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Abriil, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag uga soo horjeestay eedeymaha bilaa-caddeynta ah ee la dhoodhoobay ee ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya u soo jeedisay weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo xabsi go’doomin ah lagu hayay tan iyo markii la xiray 7-dii Maarso.

Idaacadda Baraawe oo laga mamnuucay inay ku hadasho lahjadda Barawaaniga

MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Abiril 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa ammarka mamnuucista baahinta lahjadda Barawaaniga ee lagu soo rogay idaacadda Radio Baraawe ee degmada Baraawe, Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay soo rogeen maamulka Koonfur Galbeed maalinimadii Isniinta 20 Abriil 2020.

Weriyaha VOA oo Baydhabo loogu xiray warbixin ku saabsan gabar kufsi dartiis u geeriyootay...

MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Abriil 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga maamulka Koonfur Galbeed u geysteen weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ah wakiil wareedka Laanta Af-Soomaaliga ee Voice of America (VOA) maalinimadii Talaadada abaaro 5:30 galabnimo.

Agaasime ku Xigeenka Goobjoog oo damaanad lagu siidaayey halka Tifaftiraha Radio Hiigsi la...

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 Abriil 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa damaanad ku siideynta agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, Maalinimmadii Sabtida 18 Abriil, 2020, halka SJS ay ka dalbaneyso dowladda Soomaaliya inay siideyso Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabdulwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsiga bilaa maxkamad ah tan iyo 7-dii Maarso.

SJS oo ka walaacsan xarigga Agaasime ku Xigeenka Goobjoog Media

MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Abriil 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xarigga maanta 14 Abriil, 2020 loogu geystay magaalada Muqdisho Agaasime ku Xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, wuxuuna dalbanayaa in si deg deg ah loo sii daayo.

Jubbaland oo muddo kooban xirtay Weriye Aadan Kismaayo

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Abriil 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa waxa uu cambaareynayaa xarigga weriyaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) loogu geystay magaalada Kismaayo 13 Abriil, 2020.

SJS oo cambaareysay go’aanka garoomada ciyaaraha looga mamnuucay Goobjoog

MUQDISHO, Soomaaliya, 12 Abriil 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay go'aanka ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada uga mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha, ayna dhaqangeliyeen Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed 9 Abriil 2020. Ammarka ayaa ka mamnuucaya warbaahinta Goobjoog iyo shaqaalaheeda tegista garoomada lagu ciyaaro.

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports