MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Abriil, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag uga soo horjeestay eedeymaha bilaa-caddeynta ah ee la dhoodhoobay ee ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya u soo jeedisay weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo xabsi go’doomin ah lagu hayay tan iyo markii la xiray 7-dii Maarso.