Wariyaal ka qeybgalay kulan lagu dalbanayey siideynta Cabdicasiis Gurbiye, Jimce 17ka Abriil, 2020.
Wariyaal ka qeybgalay kulan lagu dalbanayey siideynta Cabdicasiis Gurbiye, Jimce 17ka Abriil, 2020. | Photo/SJS.

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 Abriil 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa damaanad ku siideynta agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, Maalinimmadii Sabtida 18 Abriil, 2020, halka SJS ay ka dalbaneyso dowladda Soomaaliya inay siideyso Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabdulwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsiga bilaa maxkamad ah tan iyo 7-dii Maarso.

Sida uu SJS u sheegay Agaasimaha Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud, maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Sabtidii u oggolaatay in damaanad lagu siidaayo weriye Gurbiye sababo caafimaad darteed. Qoyska weriyaha iyo Warbaahinta Goobjoog ayaa maxkamadda ka codsaday damaanadda maalintii Khamiista 16 Abriil 2020.

Cabdiraxmaan Maxamed oo ah Gurbiye ina adeerkiis ayaa SJS u sheegay in uu damaanadda siideynta uu isagu saxiixay, xaqiijiyeyna, in marka loo baahdo, weriyaha uu maxkamadda keeni doono. Ma jirto maalin loo qabtay dhegeysiga dacwadda.

Cabdicasiis Gurbiye ayaa xabsiga loo taxaabay 14-kii Abriil, maalin kaddib markii uu bartiisa Facebook-ga ku qoray warbixin uu ku sheegay in “Madaxweynaha Soomaaliya uu qaatay qalabka dadka neefta siiya” oo isbitaalka karantiilka bukaanada Korona feyrus loogu deeqay. Waxaa loo gudbiyey xabsiga dhexe maalintii Arbacada 15-kii Abriil. Wax eed ahna rasmi ahaan looguma soo oogin.

“Anagoo soo dhoweyneyna damaanad ku siideynta agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, waxaan ka dalbaneynaa dowladda in ay joojiso eedeymaha ka dhanka ah weriyaha ee loo isticmaalayo Xeerka Ciqaabta. Sidoo kalena waa inay joojisaa u isticmaalidda suxufiyiinta xeerka Ciqaabta kaasoo cabsi gelinaya suxufiyiinta baaritaanada ku sameeya saraakiisha Dowladda,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri.

SJS waxay ka walaacsan tahay xabsi ku heynta sii socota ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi oo la xiray 7-dii Maarso, kadib markii uu qormo ku dhaliilay hannaan anshaxeedka ciidamada ammaanka. Weriye Maxamed wuxuu xabsiga ku jiraa maalintii 42-aad isagoo loo oggolaan in uu helo qareen ama ehelkiisu soo booqdaan. Qaar ka mid ah ehelka weriyaha ayaa SJS u sheegay in aanay ogeyn halka lagu haayo hadda.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa xarigga sharci darrada ah ee sii socda ee lagu hayo tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur oo lagu hayo xabsi go’doomin ah tan iyo 7-dii bishii Maarso, sababtuna ay tahay kaliya inuu qoray qormo ka hadleysa hab-dhaqanka ciidamada amaanka,” Xoghaya Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa sii raaciyay isagoo ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sida ugu dhakhsiyaha badan xorriyadiisa dib ugu soo celiso si shuruud la’aan ah.