MUQDISHO, Somalia, 31 Disembar, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa isaga oo soo dhoweynaya siideynta labo warfidiyeen oo kala ah: Mahad Axmed Calasow iyo Faarax Maxamed Khaliif oo maamuladda Hirshabelle iyo Puntland ku kala xireen dhowaan magaalooyinka Jowhar iyo Garowe, sidoo kale Ururku waxa uu walaac ka muujinayaa xarigga daba dheeraaday ee lagu hayo weriye Kilwe Adan oo ilaa maalinimadii Axaddii la soo dhaafay ee 27ka Disembar ku xiran magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.