SAWIRKA DABOOLKA: Warbixin sannadeedka SJS ee 2020.
SAWIRKA DABOOLKA: Warbixin sannadeedka SJS ee 2020.

MUQDISHO, Soomaaliya, 3 Febraayo, 2021 –  Intii lagu guda jiray sannadkii 2020, xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta ka shaqeeya Soomaaliya waxay wajahayeen hanjabaado. Soomaaliya weli waxay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan ee warbaahintu ka shaqeyso, waxaana wax iska caadi ah noqday hanjabaadaha iyo weerarada ka imaanaya saraakiisha dowladda iyo shakhsiyaad gaar ah iyo kooxda mintidiinta ee al-Shabaab.

Sannadkii shanaad oo xiriir ah ayaa Guddiga Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ waxay Soomaaliya ku dareen waddamada denbiyada loo geysto warfidiyeenka aan la isu ciqaabin iyadoo kuwa geysta dhibaatada ay caddaalada ka baxsadaan. Masuuliyiinta Dowladda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa gebi ahaanba ku guul darreystay baaritaanka dilalka iyo weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta, xarumaha warbaahinta iyo kuwa dhaliila dowladda.

Weriyayaasha soo tebinaya arrimaha amniga, khaladaadka masuuliyiinta dowladda iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah ula kulma hanjabaado iyo cabsi gelin, qaarkoodna waxaaba lagu qasbaa inay si iskood ah isugu sameeyaan faafreeb. Hadda oo waddanku uu galayo xilli kala guur ah loona diyaargaroobayo doorashooyinka guud, dhibaatada ayaa sii korodhay.

Marka laga soo tago tacaddiyada loo geysto suxufiyiinta, dowladda Soomaaliya waxay meel-marisay xeer saxaafadeed xaddidaya xorriyadda hadalka iyo midda saxaafadda, faafreebaya suxufiyiinta, kuna soo rogaya ciqaabo adag weriyayaasha loo arko inay tebinayaan warar aanu dowladdu ku qanacsaneyn sida ka hadalka amniga qaranka iyo daba-galka lagu sameeyo saraakiisha dowladda.

Sannadkii dhammaaday ee 2020 wuxuu suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed u ahaa mid qalafsan. Waxaa la dilay labo weriye, afar kalena waa la dhaawacay, iyadoo kala bar weeraradan ka dhanka ah suxufiyiinta ay sameynayaan dad ka tirsan laamaha amniga ee Dowladda. Hay’adaha nabadsugidda ee NISA, booliska iyo saraakiisha kale ee amniga ee Dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada oo ay ku jirto Somaliland waxay xireen 56 suxufi intii lagu gudajiray 2020. Sidoo kale, Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada waxa ay weerareen shan xarun warbaahineed. Dhacdo kasta, dowladdu waa ay ku guuldareysatay inay baaritaan rasmi ah ku furto shakhsiyaadka geysanaya denbiyada ka dhanka ah suxufiyiinta, caddaaladana hor keento.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku kala sugan Muqdisho, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Somaliland waxay si gaar ah u bar-tilmaameedsadeen suxufiyiinta tebineysay arrimo kala duwan oo ay ku jiraan sida cudurka COVID19, tebinta wararka la xiriira weerarada al-Shabaab, amni xumada iyo cabashooyinka la xiriira doorashooyinka, musuqmaasuqa iyo maamul xumida.

Tebinta mudaaraharaadyada, gaar ahaan kuwa loogaga soo horjeedo dowladda, waxay sidoo kale dhaliyaan in boolisku ay si awood ah u beegsadaan suxufiyiinta. Tacadiyada ka dhanka ah warfidiyeenka waxay 90% dheceen iyadoo ay weriyayaasha shaqo ku jiraan ama marka ay marayaan goobaha ay ciidamada dadku ku baaraan.

Inkastoo ay jiraan ballanqaadyo afka uun ku koobnaa oo uu sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahayd in saxaafaddu aanay denbi ahayn, dib u habeyna lagu sameynayo sharciga duugoobay ee Xeerka Ciqaabta ee soo baxay 1964tii kaasoo loo adeegsado in lagu ciqaabo suxufiyiinta, ayaa haddana weerarada iyo xarigga loo geysanayo suxufiyiinta ay sii socdeen.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa isna ku guul darreystay in uu hirgeliyo ballanqaadyo ku aadanaa in uu magacaabo xeer ilaaliye u gaar ah suxufiyiinta, isla markaana baara denbiyada ka dhanka ah suxufiyiinta, gaar ahaan dilalkii xaq darrada ahaa ee loo geystay suxufiyiinta. Haddii ballanqaadkan la fulin lahaa, waxay hoos u dhigi kartay weerarada lagu hayo warfidiyeenka waxayna dhameyn lahayd ugu yaraan hab-dhaqanka isu ciqaabis la’aanta tacadiyada suxufiyiinta laga gelayo.

Warbixin sannadeedkan waxay soo koobeysaa tacadiyada iyo gaboodfallada ka dhanka ah suxufiyiinta, xarumaha warbaahinta iyo xorriyadda saxaafadda ee dhacay intii lagu guda jiray sannadkii 2020. Tacadiyadaas oo ay ku jiraan hanjabaad, gaboodfallo, xarig, faafreeb ku sameyn, dilal loo geystay suxufiyiin iyo weeraro ka dhanka suxufiyiinta ee nool guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Warbixintan waxay ku saleysan tahay wareysiyo lala yeeshay warfidiyeennada iyo madaxda warbaahinta, qoysaskii ay ka dhinteen suxufiyinta la dilay, xubnaha bulshada iyo saraakiil dowladeed. Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo ah urur madax-bannaan oo u qareema warfidiyeennada Soomaaliyeed ayaa soo ururiyay isla markaana hubiyay dhammaan dhacdooyinka iyo tacadiyada ku xusan warbixintan oo la ururiyay intii u dhexeysay 1da Jannaayo illaa 31kii Disember 2020.

HALKAN KALA DEG WARBIXINTA OO DHAN

Cabdalle Axmed Mumin,
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.
30 Jannaayo 2021