Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinXorriyadda Wa...

Xorriyadda Warbaahinta oo sii xumaaneysa ka hor doorashada Soomaaliya: Weriyayaal lagu xiray gudaha dalka

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa tacadiyadda warfidiyeen iyo agaasimayaal loogu kala geystay magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Muqdisho, taasoo caddeyneysa sida xorriyadda saxaafadda u sii xumaaneyso ka hor doorashooyinka guud ee dalka.

Arbacadii 23 Disembar, ciidanka booliska Hirshabelle ee magaalada Beledweyne ayaa weeraray hotel ku yaalla magaaladaas kadibna xiray weriye madaxbanaan, ahna xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Xuquuqul Insaanka, Cabdulqadir Maxamed Faarax (Dulyar). Weerarka iyo xarrigga suxufigan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu wareystay Abuukar Warsame Xuud oo hoggaamiya jabhad fadhigeedu mucaarad ku ah maamulka Hirshabelle, sida uu weriye Dulyar iyo qaar ka mid ah suxufiyiinta oo ay SJS wareysatay sheegeen. Wareysigaas oo sida muuqata ka xanaajiyay maamulka Hirshabelle, ayaa qeyb ahaan laga baahiyay Idaacadda Kulmiye 23 Disembar.

Maalinimadii Khamiista 24 Disembar, booliska Beledweyne waxay xabsiga dhigeen Maxamed Cismaan Makaraan, oo ah Agaasimaha idaacada Hiiraanweyn ee Beledweyne, ahna Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), ka gadaal markii uu booqasho ugu tegay saxafigii xirnaa. Labada saxafi waxaa la sii daayay galabkii 24-ka Disembar iyagoo wax eed ah rasmi ahaan loogu oogin. Xiriir ay la sameysay SJS booliska Hiiraan ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sababta xariggan.

Maalinimadii Jimcaha 25 Disembar, 2020 saraakiil ka socotay booliska iyo Ciidanka Nabadsugidda ee magaalada Muqdisho ayaa weeraray kadibna xiray labo saxafi oo u shaqeyneysay Warbaahinta Goobjoog. Labadan suxufi Cabdikarim Cali Aadan iyo sawirqaade Cabdirisaaq Cabdullaahi Fagaas ayaa mudaaharaad ka dhacayay degmada Hodan soo tebinayay.

Cabdikariim Cali Aadan iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi Fagaas oo ka tirsan Goobjoog oo Jimcihii 25 Dec, 2020 lagu xiray Muqdisho. | SAWIRKA/FB.
Cabdikariim Cali Aadan iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi Fagaas oo ka tirsan Goobjoog oo Jimcihii 25 Dec, 2020 lagu xiray Muqdisho. | SAWIRKA/FB.

Sida ay sheegeen suxufiyiin iyo goobjoogayaal, saraakiil dharcad ah oo gacanta ku heystay bastoolad ayaa labo xabadood ku riday dhanka sawirqaade Fagaas kahor inta aan la xirin. Isla galabkii Jimcaha, boolisku degmada Hodan waxay muddo kooban xorriyadda ka qaadeen agaasimaha Warbaahinta Goobjoog, Xassan Maxamed Maxamuud kaddib markii uu saldhigga ku booqday suxufiyiintii xirnaa. Saddexdooda waxaa la sii daayay iyagoo aan lagu oogin wax eedeyn ah.

Dhanka kale, SJS waxa ay aad uga walaacsan tahay hanjabaadaha iyo caga-jugleynta ka dhanka ah suxufiyiinta ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameedsiga lagu hayo suxufiyiinta loo arko inay dhaliilaan maamulka Madaxweyne Cadicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Weriye Maxamed Cabdiraxiin oo lagu xiray Baydhabo 20 December, 2020. | SAWIRKA/SJS.
Weriye Maxamed Cabdiraxiin oo lagu xiray Baydhabo 20 December, 2020. | SAWIRKA/SJS.

20-kii Disembar, boolis hubeysan ayaa weeraray gurigga uu magaalada Baydhabo ka deggan yahay suxufi ka howlgala warbaahinta RTN TV, Maxamed Cabdiraxiin, kadibna xabsiga u taxaabeen kaddib markii uu qoray faallo uu kaga hadlay labo sano guuradii ka soo wareegtay maamulka madaxweyne Laftagareen ee Koonfur Galbeed, taaso oo loo arkay inay dhaliishay Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Sida uu saxafigu u sheegay SJS, ciidanka booliska waxay siidaayeen isagoo aanan lagu oogin eedeyn rasmi ah, balse waxay uga digeen inuu sii wado dhaliilaha madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Waxaan aad uga walaacsanahay tacadiyada ka dhanka ah suxufuiyiinta iyo warbaahinta ee sii kordhaya ee ka kala dhacaya goobo kala duwan ee dalka sida Muqdisho, Beledweyne iyo Baydhabo, iyadoo tacadiyadan ay sameynayaan saraakiil la yaqaano waxyar uun kahor doorashooyinka guud ee dalka,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri.

“Suxufiyiinta waa in aan loo bartilmaameedsan gudashada waajibaadkooda shaqo oo ah tebinta wararka oo ah xuquuq aas-aasi ah oo dhammaan shuruucda u ogolaanayaan. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda iyo saraakiisheeda ammaanka inay ka digtoonaadan xarigga iyo handadaadaha ka dhanka suxufiyiinta iyo warbaahinta xiligan xasaasiga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xoghaye Mumin.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada