Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinXeer Ilaaliya...

Xeer Ilaaliyaha Guud oo maxkamad ugu goodiyay warbaahinta, iyadoo xayiraadda lagu hayo warfidiyeenka ay kordheyso kahor doorashada Soomaaliya

MUQDIUSHO, Soomaaliya, 12 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa hanjabadaha cusub ee ka dhanka warbaahinta xorta ah iyo warfidiyeenka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto digniinta adeegsiga maxkamadaha ee kasoo yeertay Xeer Ilaaliyaha Guud kahor xilliga doorashooyinka guud.

10kii Disembar 2020, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho kasoo saaray digniin ku socota warbaahinta isagoo ku eedeeyay “faafinta wararka ku tiri-ku-teenka, wareysiyo iyo cinwaano dadka jihada ka luminaya kuwaasoo baalmarsan Xeerka Saxaafadda iyo Anshaxa Guud ee Saxaafadda”. Xeer Ilaaliyuhu wuxuu ku dhawaaqay in xafiiskiisu baaritaan ku wado warbaahin uusan sheegin, dhowaanna maxkamad la horgeyn doono. Illaa hadda lama oga warbaahinta ama weriyayaasha uu ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud.

6dii Disembar, Ciidanka amniga Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo muddo kooban xiray weriyaha Eryal TV, ahna xubin ka tirsan SJS, Cabdullaahi Xuseen Kilas. Xariggiisa ayaa ka dambeeyay kaddib markii weriyuhu qoray war ku saabsan cabasho ay sameeyeen haweenka barakacayaasha qaarkood, kuwaa oo ku dooday “in laga musuqmaasuqay kaarar lacag loogu shubi lahaa”. Weriye Kilas ayaa la siidaayey kaddib markii lagu qasby inuu tirtiro qormada warka, lamana xukumin.

1dii Disembar, Ciidanka amniga Jubbaland ayaa u diiday illaa 11 suxufi oo ka socotay warbaahinta gudaha inay soo tebiyaan kulan madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) uu la yeelanayey masuuliyiin iyo taageerayaal maamulkiisa oo lagu qabtay Kismaayo.  Warfidiyeenkan qaarkood oo la hadlay SJS ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan illaallada Madaxtooyada Jubbaland uu ku goodiyay inuu rasaas u adeegsan doono haddii ay suxufiyiintu yimaadaan goobta ay ka dhacaysay munaasaadda, taasoo sababtay in suxufiyiintu iska kala tagaan.

27kii Nofembar, Ciidanka amniga Jubbaland ayaa ka hor-istaagay warfidiyeenno ka socday warbaahinta gudaha oo doonayey inay galaan Gegida Diyaaradaha Kismaayo, si ay u soo tebiyaan imaanshaha Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dalka dibaddiisa kasoo laabanayey. Suxufiyiinta ayaa iska kala tagay iyagoonsoo duubin dhacdadii ay u socdeen, hase yeeshee waxaa mar dambe lagu soo wargeliyey inay baahiyaan muuqaal lasoo jar-jaray oo ah shir jaraa’id oo uu qabtay madaxweynaha Jubbaland.

27kii Nofembar, Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa hor-istaag ku sameeyay koox weriyayaal ah oo ka kala socday warbaahinta gudaha iyo kuwa dibedda, kuwaasoo doonayey inay soo tebiyaan qarax dhimasho sababay oo lala beegsaday maqaayadda jallaatada ee Devino ee ku taalla Waddada Gegida Diyaaradaha Muqdisho. Warfidiyeenka qaarkood waxay u sheegeen SJS in askar hubeysan oo goobta joogtay ay u diideen inay sawirro ka qaataan goobta dhacdada, qaar suxufiyiinta ka mid ah oo isku dayey inay galaan goobtana waa laga soo saaray. 

21kii Nofembar, Ciidanka booliska Somaliland ee Laascaanood ayaa xiray weriyaha Universal TV, Khadar Rigaax, iyagoo ku hayey xabsiga muddo toddobaad ah kaddib markuu Facebook ku qoray war tilmaamayey xaaladda amni darrida ee Laascaanood. Weriyaha ayaa lasii daayey 28kii Nofembar kaddib markay Maxkamadda Gobolka Sool amartay siideyntiisa.

“Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada waa inay ixtiraamaan xorriyadda warbaahinta xilliga doorashooyinka lagu jiro. Waana inaan la dhiirigelin nooc kasta oo faafreeb ah iyo caga-jugleyn oo ay ku jirto hanjabaadda cusub ee kasoo yeertay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,” Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa sidaas yiri isagoo ku daray “In warbaahinta iyo weriyayaasha loo hanjabo iyadoo la adeegsanayo awoodda sharciga dalka xilligan oo lagu jiro doorashooyinka guud, ma ahan wax la aqbali karo.”

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada