Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinXannibaadda w...

Xannibaadda warbaahinta ee Golaha Shacabka Soomaaliya waa mid aan la aqbali karin, waana in deg deg looga laabto

MUQDISHO, Soomaaliya 15 Sebtembar 2024 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaaraynayaa xannibaadda lagu soo rogay warbaahinta kasoo warrameysa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Tani waa tallaabo cusub oo lagu xakameynayo saxaafadda Soomaaliya, taas oo lagu doonayo in lagu aamusiyo codadka dhaliisha ee ka hadlaya walaacyada socda ee ku saabsan xiisadda u dhexeysa Masar iyo Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

6 Sebtembar, agaasinka warbaahinta ee Baarlamaanka ayaa ogeysiis u diray suxufiyiinta, isagoo ka mamnuucay inay la yeeshaan wareysiyo Xildhibaanada ama inay duubaan warbixinno caadi ahaan ay ku siiyaan sharci-dejiyeyaasha warbaahinta bannaanka ka dib kulamada Baarlamaanka. Fariintaas,uu soo saaray agaasimaha warbaahinta ee Xafiiska Guddoomiyaha, looguna diray WhatsApp-ka suxufiyiinta ka soo warrama Baarlamaanka ayaa ahayd: “Dhammaan warbaahinta ka howlgasha Golaha Shacabka, waxaa lagu wargalinayaa in la mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabanayo gudaha xarunta Golaha Shacabka, oo uu ku jiro bannaanka Hall-ka Golaha. Sidoo kalena la mamnuucay in halkaasi wareysiyo lagu qaado.”

Nuqulka farriinta loogu diray warbaahinta barta WhatsApp-ka.
Nuqulka farriinta loogu diray warbaahinta barta WhatsApp-ka.

Isniinta, 9 Sebtembar, dhowr xildhibaan oo mucaarad ah ayaa ka soo horjeestay xannibaadda, iyagoo ku sifeeyay inay tahay iskuday lagu aamusiinaayo codadka xildhibaanada mucaaradka. Ugu yaraan saddex xildhibaan oo ka hadlay shir saxaafadeed maalintaas gudaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay xannibaadda inay tahay hanjabaad toos ah oo lagu caburinayo xildhibaanada muujinaya aragtiyo ka soo horjeeda kuwa dowladda.

Kadib shirkaasi saxaafadda, agaasimaha warbaahinta ee Baarlamaanka ayaa ku wargaliyay warbaahinta inay baahinin faalloyinka xildhibaanada mucaaradka ee lagu soo duubay gudaha Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Radio Risaala ayaa u sheegay SJS inay go’aansadeen inay sii daayaan hadallada xildhibaanada inkasta oo ay jirto xannibaad.

Arbacada, 11 Sebtembar, labo suxufi oo ka tirsan Radio Risaala— Cabduqaadir Maxamed (wariye) iyo Mohamed Said (sawirqaade)—ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Baarlamaanka. Markii ay raadiyeen sharraxaad, agaasimaha warbaahinta ee Baarlamaanka ayaa u sheegay maamulka Radio Risaala in xannibaaddu ay la xiriirto go’aanka Warbaahinta Risaala ee ah inay baahiyaan faalloyinka xildhibaanada.

10 Sebtembar, Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa kula kulmay xafiiskiisa dhowr agaasimayaal warbaahinta ee Muqdisho. Laba ka mid ah ka qaybgalayaasha kulanka ayaa SJS u sheegay in intii lagu guda jiray doodda, Guddoomiyaha uu sharraxay in xannibaadda warbaahinta ee Baarlamaanka ay “khusayso xildhibaanada mucaaradka ee ka faalloonaya arrinta Itoobiya iyo Masar.” Wuxuu intaa ku daray in “xannibaaddu ay socon doonto dhowr toddobaad.”

Sidoo kale, Khamiista, 12 Sebtembar, Madaxweynaha Xasan Sheekh Mohamud ayaa casuumay kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah agaasimayaasha warbaahinta ee maxalliga ah, kuwaas oo lagu doortay hab qabiil. Sida qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha ay u sheegeen SJS, Madaxweynaha ayaa u sheegay agaasimayaasha warbaahinta inay la shaqeeyaan dowladda si ay uga hortagaan wax uu ku sheegay “dadka cadawga ku ah maamulkiisa.” Sida ay sheegeen ka qaybgalayaasha, oo codsaday inaan magacyadooda loo adeegsan warbixinta, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay warbaahinta inay taageeraan dowladiisa oo uu sheegay inay wajahayso “dagaal ku aaddan Itoobiya iyo kuwa taageeraya.”

Kulankani wuxuu dhacay laba maalmood ka dib markii Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu khudbad u jeediyay kulan ka dhacay magaalada Baydhabo, isaga oo uu muujiyay taageero dadka gobolka Bakool. Bishii hore, dadka deggan Xuddur iyo Waajid, oo ah laba magaalo oo ka tirsan Bakool ee maamulka Koonfur-galbeed, ayaa muujiyay diidmo ka dhan ah keenitaanka la sheegay in la keenaayo ciidamo Masaari ah iyo saarista ciidanka nabad ilaalinta Itoobiya ee ku sugan gobolka.

“Beegsiga joogtada ah ee lagu hayo suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Muqdisho iyo isku dayga lagu doonayo in lagu xakameeyo hannaanka wartebinta warbaahinta waa xad-gudub weyn oo ka hor imaanaya mabaadii’da xorriyadda saxaafadda ee xorta ah. Suxufiyiintu waxay xaq u leeyihiin inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo aan loo cadaadin inay leexiyaan warbixintooda xirfadeed iyo madax bannaanidooda,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Mumin.

“Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in si degdeg ah loo qaado xannibaadda lagu soo rogay suxufiyiinta ka warbixinaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku boorrineynaa dowladda inay ixtiraamto xuquuqda suxufiyiinta ee ku saabsan inay si xor ah uga warbixiyaan kulamada Baarlamaanka si bulshada ay u ogaato waxa ka dhacaya Baarlamaanka,” ayuu ku daray Mr. Mumin.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada