Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo ka dal...

SJS oo ka dalbatay Xafiiska RW inuu suxufiyiinta u oggolaado tebinta shirka doorashooyinka ee ka socda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya 24 May, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu u oggolaado warfidiyeenka inay kasoo warrami karaan shirka doorashooyinka, iyadoo suxufiyiintu ka cawdeen sida bareerka ah ee looga horjoogsaday inay helaan xogta ku saabsan shirka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka Hoggaamiyeyaasha Qaranka ee Doorashooyinka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho Sabtidii, 22 May, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay aad u daneynayaan. Nasiib darrose, dadka Soomaaliyeed ma oga waxa ka socda miiska wadahadalka ee gudaha Teendhada Afisyoone ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, maxaa yeelay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hor istaagay tebinta suxufiyiinta ee shirka.

Warfidiyeennada ka socda dhowr warbaahinta maxalli ah iyo kuwo caalami ah ayaa u sheegay SJS in kaddib markii ay magacyadooda ka diiwaangeliyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha toddobaad ka hor ayna codsadeen in loo oggolaado soo tebinta wararka doodaha madaxda ee arrimaha doorashooyinka, saraakiisha warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha ay ku soo wargeliyeen in aan suxufiyiinta loo oggolaan ka soo imaanshaha goobta shirka iyadoo aan wax sharaxaad ah laga bixin.

SJS waxay ugu yeereysaa kuwa ku lugta leh xayiraadahaas, oo ay ka mid yihiin waaxda warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, inay u oggolaadaan weriyeyaasha inay ka soo waramaan shirka doorashada.

“Waxaan la hadalnay suxufiyiinta ka socda warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, kuwaasoo sheegay siday isugu dayeen inay tagaan oo kasoo warramaan shirka hase yeeshee waxaa xannibaad saaray shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waan cambaareyneynaa xannibaadahaas,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

“Waxaan ugu baaqeynaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inuu si deg deg ah uga qaado xayiraadaha saaran warfidiyeennada, lana hubiyo in dhammaan suxufiyiinta ay tabiyaan wadahadalada socda ee doorashada iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin. Saraakiisha waa inay ogaadaan in hannaanka loo dhan yahay ee doorashada uusan aheyn kaliya codeynta, laakiin sidoo kale ay ku jirto ka qeyb-qaadashada iyo inay dadweynuhu helaan macluumaad ku filan oo ku saabsan geedi socodka doorashada lafteeda si ay dadku u qaataan xulashooyin ku dhisan xog ogaalnimo.”

Qodobka 32 ee Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah wuxuu si cad u ilaalinayaa xuquuqda helitaanka macluumaadka, oo ay ku jiraan macluumaadka ay heyso dowladdu. Ka hor istaagidda suxufiyiinta inay ka soo warramaan shirka doorashada waxay xadgudub cad ku tahay Dastuurka Dalka, sidoo kalena waa faragelin qaawan oo lagu hayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.

SJS waxay xasuusineysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hogaamiyaasha dowladaha xubnaha ka ah ee kaqeyb galaya shirka doorashada in warbaahinta ay tahay tan ilaalineysa doorashooyinka dimoqraadiga ah iyo inay warbaahinta xaqiijiso hufnaanta geeddi socodka doorashooyinka. Doorasho daah furan oo aan lahayn xorriyadda warbaahinta ama la cabburiyo xorriyadda saxaafadda waxay horseedi kartaa muran ka dhasha natiijada doorashada.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada