MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Febraayo 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa warbixinta ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amneysty International ee cinwaankeedu yahay, “Waxaanu ku nool nahay cabsi joogto: Tacadiyada iyo Xadgudubyada ka dhanka Xorriyatul Qawlka Soomaaliya” taasoo lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah xorriyada hadalka iyo midda saxaafadda ee Soomaaliya.