Luuqadaha:

Luuqadaha:

HomeWaxqabadka

Waxqabadka

Booliska Puntland oo weeraray xafiiska RTN TV Garowe, una hanjabay weriyaasha telefishanka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa waxa ay ugu baaqeysaa maamulka Puntland nay joojiyaan hanjabadaadda iyo cagajugleynta ka dhanka saxafiyiinta ka shaqeeya xarunta TV RTN Garowe, isla markaana baaris ku sameeyaan saraakiisha booliska ee weerarka ku qaaday xarunta TV.

Booliska Hirshabelle oo sharci darro ku xiray weriye soo tabiyey mudaaharaad, amarna ku b...

MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee weriye Cabdicasiis Xasan Macalin (Foolyarey) oo maanta lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle xilli uu soo tabiyey mudaaharaad rabshad watay oo ka dhacay magaalada.

SJS oo xusuusineysa wariyaasha inay muujiyaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga door...

MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xusuusinayaa wariyaasha Soomaaliyeed inay ku dedaalaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona, ayna ka baaqsadaan hawlaha waxyeeli kara bed-qabka wariyaasha.

Somaliland oo farriin cabsi leh u dirtay saxaafadda: Maxkamadda Racfaanka oo ayidday xarig...

MOGADISHU, Somalia, 29 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay xukunka caddaalad darrada ah ee maanta oo 29 Sebtember ah Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex ku ayidday xukunkii xarigga saddexda sano iyo barka ee Maxkamadda Darajada Koowaad ay horey ugu ridday weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon isagoo qareen la’aan ah.

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo u yeertay Agaasimaha Radio Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga aragagaxo ku tilmaamay amarka u yeerista Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay ugu yeertay agaasimaha Radio Daljir, Axmed Sheekh Mohamed (Tallman) ee soo baxay 24 Sebtember, 2019.

Puntland: Wasiirka Warfaafinta oo soo rogay ammaro xayiraad ah, una hanjabay wariyaasha

MOGADISU, Somalia, 25 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa tallaabada wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey) uu warbaahinta iyo suxufiyiinta Puntland ugu soo rogey xayiraadaha cusub ee looga dan leeyahay in lagu caburiyo xorriyadda saxaafadda iyo falalka hanjaabadaha ee ka dhanka warbaahinta iyo suxufyiinta ka howlgala Puntland.

SJS oo taageereysa baaqa qaaraan ururinta caafimaadka wariye Ismaaciil Sheikh Khalifa

MOGADISHU, Soomaaliya, 20 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ku baaqayaa in taageero caafimaad oo deg deg ah loo helo weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye u dooda xuquuqda suxufiyiinta, kaasoo dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax baabuurkiisa loogu xiray uu kazoo daray kaddib muddo 10-bilood ah oo lala tacaalayey.

Somaliland: Weerarada ka dhanka wariyaasha oo kordhay iyo qareenkii Coldoon oo iscasilay

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa gabood-fallada ka dhanka suxufiyiinta, sidoo kalena ugu baaqayaa Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex inay baabi’iso xukunka saddexda sano iyo barka ah ee ka dhanka weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ee kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex 08 Luulyo, 2019.

Puntland iyo Somaliland waa inay ka laabtaan xayiraadda lagu soo rogay labo Mareegood

Muqdisho, Soomaaliya – 04 Sebtembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay xayiraad ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku sameeyeen labo mareegood oo kala ah Hadhwanaag news iyo Puntlandtimes.

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada