Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinWarfidiyeenka...

Warfidiyeenka oo heli waayey xogta ku saabsan dedaalka dowladda ee ku wajahan Covid19 iyo tallaalka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Luulyo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xayiraadda ka dhanka ah helitaanka xogta ay u baahan yihiin suxufiyiinta ee ku wajahan dedaalka heer federaal iyo heer gobol ee ku aaddan cudurka Covid19 iyo tallaalka, taasoo ku xadgudbeysa waajibaadyada ay soo rogayaan dastuurka dalka iyo shuruucda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ee ku aaddan helitaanka macluumaadka iyo caafimaadka bulshada ee lagu doonayo in kor loogu qaado wacyigelinta bulshada si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha.

SJS waxay xusaysaa muhiimada ay leedahay maamullada dowladda dhexe iyo tan dowlad gobolleedyada inay u ogolaadaan warbaahinta xorta ah ee madaxa-bannaan inay la socoto, kana warranto jawaabaha qaran iyo kuwa caalamiga ah ee laga bixinayo faafitaanka cudurka si sare loogu qaado daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Tifatirayaal warbaahinta gudaha, wariyeyaal, soo saareyaal iyo qorayaasha xogta madaxa bannaan oo ay wareysatay SJS ayaa shaaca ka qaaday sida masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka ah ay uga dhigeen xogta caafimaadka dadweynaha mid sir ah si ay u qariyaan dhaleeceynta ka dhanka ah go’aan qaadashadooda liidatay ee dedaalka lagu xadeynayo cudurka Covid19, ama si loo qariyo eedeymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay.

“Aad ayey u adkeyd in la helo macluumaadka sida jawaabta dowladda ee cudurka Covid19. Maaddaama waddanku uu galay mowjaddii labaad ee musiibada Coronavirus, waxaan isku daynay in ka badan 20 jeer in aan la hadalno mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee heer federaal. Waxaan sidoo kale la xiriirnay Wasiirka Caafimaadka dhowr jeer laakiin dhammaan codsiyadeenii ku saabsanaa inaan helno wareysiyo waa naloo diiday,” sidaa waxaa SJS u sheegaytifaftiraha wararka Goobjoog, Hanad Guuleed, “Intii ay nooga jawaabi lahaayeen su’aalaheena, masuuliyiinta caafimaadka waxay noo tilmaameen inaan xogta ka qaadanno baraha bulshada ay ku leeyihiin. ”

Bilowgii faafitaanka cudurka Covid19, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliyeed waxay si ula kac ah u bartilmaameedsadeen suxufiyiinta ka soo waramayey faafitaanka Covid19. Intii u dhaxeysay bilihii Abriil ilaa Juun 2020, saddex weriye ayaa lagu xiray Muqdisho iyo Kismaayo, ugu yaraanna mid ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga, laguna qaaday xukun dacwad ciqaabeed iyadoo sababtu ahayd ka waramidda Covid19. Somaliland ayaa digniin u dirtay warfidiyeenka soo tebiya Covid19 ee aanay marka hore xaqiijin ka helin dowladda, in loo aqoonsan doono “dambiilayaal qaran”.

Warbixinnadu waxay muujinayaan in wacyiga bulshada ee ku saabsan Covid19 uu hooseeyay taasoo sababtay in dadweynuhu ka laba-labeeyo qaadashada tallaalka looga hortagayo cudurka Covid19. Xogta tallaalka ee qarsoodiga ah oo ay SJS aragtay ayaa muujineysa in ka yar 1% bulshada Soomaaliyeed ay qaateen tallaalka Covid19 halka bartilmaameedku uu ahaa 20% oo ka mid ah 15 milyan ee dadweynaha. Tani waxaa loo aaneyn karaa la’aanta xog sax ah oo bulshada loo soo bandhigay iyo xaddid-naanta ama aan jiritaan la’aanta wacyigelin ku filan bulshada oo ay dowladdu bixisay, tiiyoo ay dheer tahay in suxufiyiinta aysan helin macluumaad sugan oo ay u baahnaayeen inay dadweynaha u tebiyaan.

“Idaacadda Risaala ayaa safka hore uga jirtay sidii loo xakameyn lahaa aafada Covid19. Laga bilaabo bishii Maarso 2020, waxaan baahin jirnay barnaamij todobaadle ah iyo bille ah oo loogu tala galay in aan dadweynaha ka caawinno in ay fahmaan caabuqa Corona waqtiga saxda ah, sikastaba ha noqotee, waa nala xanibay oo waa naloo diiday in aan helno macluumaadkii aan u baahneyn,” Xasan Cabdi oo soo saare sare iyo maamule ku xigeenka ka ah Warbaahinta Risaala ayaa u sheegay SJS “Waxay u egtahay saraakiisha Wasaaradda Caafimaadku inay wax qarinayaan. Kaliya dhakhaatiirta isbitaalada gaarka loo leeyahay ayaa nala hadli jiray oo xog nasiin jiray.”

Xaaladdaas oo kale waxay qabsatay weriye qoraa iyo falanqeeye xogta ah oo u sheegay SJS bishii Juun ee sannadkan, in isagoo doonayey inuu xaqiijiyo xog uu soo ururiyey uu la xiriiray saraakiisha Isbitaalka Martini— oo ahaa isbitaalka ugu weyn ee loo adeegsan jiray xakameynta iyo daaweynta bukaannada Covid19— hase ahaatee maamulka isbitaalka, oo ku dhaqmay amarro ka yimid dhanka Wasaaradda Caafimaadka, uu diiday inuu bixiyo wax macluumaad ah.

“Waxaan rumeysanahay in dad badan la badbaadin lahaa haddii macluumaad ku habboon oo sax ah loo bandhigo dadweynaha. Nasiib darrose, taasi ma dhicin markii ay saraakiisha caafimaadku si ula kac ah u qariyeen macluumaadkan si ay uga badbaadaan cambaareynta kaga imaaneysay dadweynaha ee ku saabsanayd dadaallada gaabiska ah ee Wasaaradda Caafimaadka,” ayuu yiri weriyahaasi.

Cudurkan safmarka ee Covid19 ma’aha oo kaliya inuu caqabado waa weyn u horseeday nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya oo markii horeba liitay, laakiin sidoo kale wuxuu sii kordhiyay faafida wararka xanta, been abuurka iyo wararka khaldan ee ku saabsan cudurka. Sida uu sheegay Yuusuf Cabdi Shire, oo ah tifaftiraha sare ee TV-ga RTN, haddii dadku aysan helin macluumaadka saxda ah, “markaa waxay samayn doonaan fasiraad iyaga u gaar ah oo sidoo kale abuuri karta warar xan ah oo been ah.”

“Markii talaalku bilaabmay waxaa jiray su’aalo badan iyo xog aan suggeyn oo si xawli ah ku faafay, welina way socotaa. Waxaan isku daynay inaan kala hadalno saraakiisha Wasaarada Caafimaadka oo uu ka mid yahay Wasiirka si aan wax uga ogaanno tallaalka. Waxay noo sheegeen inaysan nala hadli karin. Xogta tallaalka ama dhimashada Covid19 ayaa ah sir aan cidina heli karin,” ayuu Yusuf u sheegay SJS, “Waxaan qabaa in macluumaadka saxda ah uu gacan ka geysan lahaa xallinta dhibaatada, la dagaallanka wararka beenta ah, isla markaana gacan ka geysan lahaa in tallaalku gaaro dadweynaha, laakiin dowladda ayaa si taa ka duwan u dhaqantay.”

Suxufiyiinta ku sugan Jubbaland iyo Hirshabeelle, oo ah labada ka mid ah goobaha uu aadka u aafeeyay Covid19 ee Soomaaliya, ayaa u sheegay SJS in daahfurnaan la’aanta macluumaadka caafimaadka ay horseedday qaadashada dadweynaha ee tallaalka oo hooseeysa. Dabayaaqadii Juun 2021, labada dowlad-goboleedba waxay isticmaaleen in ka yar 50% tirada guud ee goojooyinka tallaalka AstraZeneca (25,000 goojo oo loogu talagalay Hirshabeelle) iyo (30,000 goojo oo loogu talagalay Jubbaland) oo loo qaybiyay, sida ku cad xogta ay aragtay SJS.

“Macluumaadka waqtiyeysan ee caddaynta ku saleysan ayaa ah tallaalka ugu fiican ee kahortaga wararka beenta ah iyo wararka khaldan. Nasiib darrose, mas’uuliyiinta ayaa wali ka cagajiidaya inay ka hadlaan tirada dhimashada. Wacyigu dadweynaha aad ayuu u hooseeyaa. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka kama jawaabaan su’aalaha aan ka weydiinno Covid19,” ayuu yiri tifaftiraha raadiye maxalliga ah oo ku yaalla Beledweyne.

Iyadoo la tixgelinayo dhacdooyinka, SJS waxay ku celcelineysaa inay lama huraan tahay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyaduba inay bixiyaan xog sax ah oo ku saabsan halista Covid19. Sida ku cad Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, waxaa ku waajibaya Dowladda inay bixiso macluumaad lagu kalsoonaan karo oo ay wada heli karaan dadka oo dhan, iyadoo si gaar ah diiradda la saarayayo in macluumaadka uu wada gaaro dhammaan dadweynaha, iyadoo ay ku jiraan kuwa aan heli karin internet-ka ama kuwa baahiyaha gaarka qaba ee u baahan in macluumaadka u gaaro sida ku habboon ee ay ku fahmi karaan.

“Xuquuqda helitaanka macluumaadka suxufiyiinta ayaa muhiim u ah xaqiijinta wacyiga bulshada iyo kalsoonida, la dagaalanka war-xumo tashiilka ka dhanka ah cudurka iyo tallaalka iyo hubinta isla xisaabtan inuu jiro. Xogta saxda ah waxay gacan ka geysan kartaa badbaadinta nolosha,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), “Waxaan ugu baaqeynaa wasaaradaha caafimaadka ee heer gobol iyo heer federaal inay aqoonsadaan doorka warbaahinta madaxa-bannaan oo ah inay la socdaan, ayna baaraan saraakiisha dowladda ee ku saabsan sida loo meelmarinayo siyaasadaha guud ee looga gol leeyahay in lagu xalliyo dhibaatada caafimaafka. Aad ayey muhiim u tahay in xuquuqda helitaanka macluumaadka la illaaliyo inta lagu jiro xaaladaha deg-degga ah sida ugu macquulsan.”

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Kubiir X-keenna

Digniinaha

Warbixinnada