Luuqadaha:

Luuqadaha:

HomeWarbixinnada

Warbixinnada

Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2020: Hanjabaadaha iyo tacadiyada lagula kaco wa...

MUQDISHO, Soomaaliya, 3 Febraayo, 2021 – Intii lagu guda jiray sannadkii 2020, xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta ka shaqeeya Soomaaliya waxay wajahayeen hanjabaado.

SJS waxay cambaareyneysaa xarigga wariyayaasha ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Somaliland; g...

MUQDISHO, Soomaaliya, 24 Janaayo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xadgudubyada saxaafadeed ee ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan Galmudug, Hirshabelle Puntland iyo Somaliland, xadgudubyadaas oo isugu jiray xarig sharci darro ah, handadaado, xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ka dhanka ah saxaafadda.

Kaddib labo toddobaad oo lagu hayey xabsi qarsoodi ah ayey Puntland ku eedeysay weriye Kil...

MUQDISHO, Soomaaliya 15 Jannaayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si weyn uga walaacsan yahay eedeynta siyaasadeysan ee ah 'isku day dil' ee Maxkamadda militariga Puntland ku soo oogay weriye madax-bannaan Kilwe Aadan Faarax oo lagu hayey xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Garowe, tan iyo 27kii Disembar 2020.

Booliska degmada Baraawe oo demiyay Radio Baraawe, xabsigana dhigay weriye Cismaan Baxar

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka ciidanka booliska Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ku demiyeen Radio Baraawe isla markaana xabsiga ugu taxaabeen weriye Cismaan Aweys Baxar oo ka tirsanaa idaacaddaasi subaxnimadii Sabtida 2 Jannaayo, 2021. Ururka SJS wuxuu dalbanayaa in weriyaha shuruud la'aan lagu siidaayo, loona oggolaado Radio Baraawe inuu shaqadiisa sii wato.

SJS iyo UNSOM oo weriyayaasha Soomaaliyeed ku tababaray Xorriyatul Qawlka

MUQDISHO, SOOMAALIYA, 03 Jannaayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo kaashanaya Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa soo gebagebeeyay tababar saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Xorriyadda Hadalka: Waajibaadka iyo Masuuliyadda Weriyayaasha looguna qabtay in ka badan 30 suxufi magaalada Muqdisho.

Booliska Puntland oo weriye ku xiray goob aan la ogeyn iyo labo kale oo laga siidaayey xab...

MUQDISHO, Somalia, 31 Disembar, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa isaga oo soo dhoweynaya siideynta labo warfidiyeen oo kala ah: Mahad Axmed Calasow iyo Faarax Maxamed Khaliif oo maamuladda Hirshabelle iyo Puntland ku kala xireen dhowaan magaalooyinka Jowhar iyo Garowe, sidoo kale Ururku waxa uu walaac ka muujinayaa xarigga daba dheeraaday ee lagu hayo weriye Kilwe Adan oo ilaa maalinimadii Axaddii la soo dhaafay ee 27ka Disembar ku xiran magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Xorriyadda Warbaahinta oo sii xumaaneysa ka hor doorashada Soomaaliya: Weriyayaal lagu xir...

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa tacadiyadda warfidiyeen iyo agaasimayaal loogu kala geystay magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Muqdisho, taasoo caddeyneysa sida xorriyadda saxaafadda u sii xumaaneyso ka hor doorashooyinka guud ee dalka.

Warfidiyeenno kasoo waramayey mudaaharaadka oo la garaacay, lana xiray; Wasiirka Warfaafin...

MUQDISHO, Soomaaliya, 17 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac weyn ka muujinayaa falalka xarigga sharci darrada, xayiraadda iyo hanjabaadaha kale ee ay ciidamada ammaanku ku beegsanayaan weriyayaasha madaxa-bannaaniyo warbaahinta ee kasoo waramayey mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar, 2020.

Xeer Ilaaliyaha Guud oo maxkamad ugu goodiyay warbaahinta, iyadoo xayiraadda lagu hayo war...

MUQDIUSHO, Soomaaliya, 12 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa hanjabadaha cusub ee ka dhanka warbaahinta xorta ah iyo warfidiyeenka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto digniinta adeegsiga maxkamadaha ee kasoo yeertay Xeer Ilaaliyaha Guud kahor xilliga doorashooyinka guud.

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada