Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinWarbaahinta m...

Warbaahinta madaxa-bannaan iyo Warfidiyeennada waa in loo ogolaadaa tebinta Kalfadhiga labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya 05 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka noqdaan go’aankooda ay kaga horjoogsadaan warbaahinta madaxa-bannaan iyo suxufiyiinta kalfadhiga 7aad ee wadajirka ay u yeelanayaan Labada Aqal oo loo qorsheeyay in uu qabsoomo Sabtida 6da Juun, 2020.

Suxufiyiinta wararka ka soo tebiya Baarlamaanka ayaa SJS u sheegay in lagu soo wargaliyay inaysan tebin karin furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo dhacaya 6-da bisha Juun iyadoo lagu marmarsiyoonayo cudurka COVID-19. Saraakiil ka tirsan waaxda Warbaahinta Baarlamaanka ayaa sidoo kale SJS u sheegay in iyagoo fulinaya awaamiirta madaxda Baarlamaanka ay go’aankaas gaarsiiyeen suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, iyadoo loo ogolaaday oo keliya warbaahinta afka Dowladda ku hadasha.

“Waxaanu cambaareyneynaa go’aanka lagaga horjoogsanayo tebinta madaxa-bannaan Kalfadhiga Baarlamaanka Labada Aqal ee loo qorsheeyay in uu dhaco Sabtida 6da Juun. Waxaanu ugu baaqeynaa saraakiisha baarlamaanka ee arrintan shaqada ku leh inay ixtiraamaan Qodobka 32aad ee Dastuurka Dalka oo damaanad qaadaya xaqa helista xogta ay Dowladdu heyso, isla markaana Baarlamaanka ay go’aankooda uga noqdaan si shuruud la’aan ah,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri.

“Waa in wariyaasha iyo warbaahinta madaxa-bannaan loo oggolaado inay ka qeybgasho, tebisana Kalfadhiga si carqalad la’aan ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xoghaye Mumin.

Qaar ka mid ah saraakiisha baarlamaanka ee la hadlay SJS ayaa u sheegay kalfadhiga labada aqal ee Baarlamaanka la qorsheynayo in looga hadlo doorashooyinka 2020/2021 si waafaqsan gooreynta Dastuurka, iyadoo la filayo in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu furo kalfadhigan 7aad.

SJS waxay ka soo horjeeddaa xayiraad walba oo la saaro warbaahinta madaxa-bannaan iyo warfidiyeennada tebinaya fadhiyada Baarlamaanka. Baarlamaanka waa hay’adda muhiim u ah la xisaabtanta hay’adaha dimuqraadiga ah ee Dowladda, warbaahintuna waa isha keliya ee ay Dadweynuhu kala socdaan sharciyada kala duwan ee Golaha Barlamaanku meel marinayo, gaar ahaan xiligan muhiimka ah oo dalku doorasho gelayo.

“Geeddi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya ayaa wiiqmi doona haddaan warfidiyeenada loo oggolaan inay kasoo waramaan dhammaan kulamada muhiimka ah ee Baarlamaanku yeelanayo- oo ay ku jiraan doodaha ku saabsan qorshayaasha doorashada iyadoo su’aalo adag la weydiinayo wakiiladda lasoo doortay,” Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa yiri.

Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa ka horjoogsaday warbaahinta madaxa-bannaan inay tebiyaan fadhiyadooda iyagoo marmarsiiyo uga dhigtay in aanay heynin goob ku filan oo ay suxufiyiintu joogaan gudaha Baarlamaanka. Go’aankaas oo markii dambe laga laabtay kadin markii SJS iyo xarumaha warbaahinta gudaha ay ka cabteen.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada