Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinWar-saxaafade...

War-saxaafadeed Wadajir ah: FCAEA and SJS oo si wadajir ah u cambaareeyay xadgudubyada ka dhanka Suxufiyiinta Soomaaliya

(19 JUNE 2019 – NAIROBI, Kenya/MOGADISHU, Somalia) The Foreign Correspondents’ Association of East Africa (FCAEA) iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa ay si wadajir ah u cambaareynayaan gaboodfallada ka dhanka Suxufiyiinta Soomaaliya.

Foreign Correspondents’ Association of East Africa (FCAEA) iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay si weyn uga walaacsan yihiin xaalada ka sii dareysa ee xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya, oo ay ku jirto is-hortaag tebinta wararka goobaha dhibaatada ka dhacdo iyo hanjaabadda loola jeedo in lagu caburiyo xorriyadda Saxaafadda.

15 Juun, Ciidamada Booliska ayaa xabbadu kor ugu riday weriyayaal, isla markaana ugu hanjabay dil haddii ay isku dayaan in ay warar ka tebiyaan goobaha qaraxyada. Sidoo kale, Ciidamada boolisku waxa ay saacado xireen xabsiga u taxaabeen labo saxafi oo u shaqeynayay telefishinka Shabelle xili ay ku jireen shaqo.

Dhacdooyinkan ayaa dhacaya xili gabood-falada ka dhanka suxufiyiinta sida xarig, caga-jugleyn ay sii kordhayaan.

Xorriyadda saxaafaddu waxa ay laf dhabar u tahay bulsho walba oo furfuran ama dimuqraadi ah, sidaa ay tahay suxufiyiinta Soomaaliya waxa ay nafsadooda qatar weyn u geliyaan sidii ay shacabka wararka ugu soo tebin lahaayeen.

Maalintii Talaadada, 18 Juun, Booliska Somaliland waxa ay xireen Telefishinada madaxa banaan ee Horyaal 24 iyo Eryal oo ka howlgala magaalada Hargeysa, arrimo la xiriira warar ay baahiyeen oo ku saabsan ciidamada amaanka Somaliland.

The FCAEA iyo SJS waxa ay welwel ka muujiyeen warbixinada cusub ee sheegaya in warfidiyeeno dhowr ah laga jabsaday barihii ay ku lahaayeen facebook, qaaarkoodna gebi ahaanba laga xiray.

Waxaan ugu baaqeynaa dowladda inay u ogolaato suxufiyiinta inay gutaan shaqooyinkooda baqdin iyo cagajugleyn la’aan.

Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay cadaadis ku saaraan dowladda Federalka iyo maamulka Somaliland inay difaacaan, isla markaana ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan gaboodfallada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda.

War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo wada saaray FCAEA and SJS

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada