Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinUrurka Suxufi...

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo Amaanay Maxkamaddii Burisay Eedeymihii loo heystay Wariye Cali Aadan Muumin

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 May, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ammaanay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku tirtirtay dhammaan eedeymihii loo heystay wariyaha Goobjoog Cali Aadan Muumin.

Xeer Ilaalinta Dowladda ayaa saaka oo Arbaco ah 29 May, 2019 hor keentay Maxkamadda Gobolka Banaadir illaa shan eedeyn oo ku suntan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kuwaasoo ku xusan Qodobadda 215, 219, 220, 267 iyo 268. Qodobadan ayaa ka hadlaya eedeymo isugu jira aflagaado, dacaayad, xushmad dareyn iyo carqaladeyn hawl xafiis dadweyne.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa gebi ahaan diiday eedeymaha ku xusan qodobadan, isagoo ku tilmaamay kuwo aan ku habooneyn eedeymaha la soo jeediyay.

Garsooraha ayaa faray booliska inay wariyaha siidaayaan marka uu dhammaado Imtixaanka Shahaadiga ee hadda socda kaasoo la sheegay in maalinta Khamiista ee berito 30 May, 2019 uu ku eg yahay.

Qareenka wariyaha Cabdiraxmaan X. Cismaan oo metelayey wariyaha isagoo ka wakiil ah Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa ku tilmaamay eedeymaha la soo oogay kuwo lala yaabo. Wuxuu qareenku ku sifeeyay sii xirnaanshaha wariye Cali Aadan Muumin mid sharciga hareer marsan,

“Maadaama Maxkamad sharci ah ay fartay in la sii daayo wariyaha waxay ahayd in deg deg loo sii daayo wariye Cali Aadan Muumin,” ayuu sii raaciyay Abuukaato Cabdiraxmaan hadalkiisa.

Waxaa xusid mudan in warqadda u yeeridda ee wariyaha loo diray ay soo baxday 25 May, 2019, halka eedeynta ah in wariyuhu wax ka qoray qishka imtixaanka la daabacay 26 May, 2019, taasoo muujineysa in xariiga wariye Cali Aadan Muumin uu ahaa mid horey u sii qorsheysnaa.

Ilo saxaafadeed ayaa u sheegay Somali Journalists Syndicate – SJS in xarigga wariyaha ay amartay Taliye ku Xigeenka Booliska, Gen. Zakiya Xuseen kaddib markii wariyuhu qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook 22 May, 2019 uu ku sheegay in Gen. Zakiya aysan aqoonin af Soomaali wanaagsan.

Agaasimaha Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud oo Somali Journalists Syndicate – SJS la hadlay ayaa caddeeyay in Maxkamadda ay ka filayeen in deg deg loo siiyo wariyaha xorriyadiisa.

“Waxaan filaynay in saaxiibkeen Cali Aadan Muumin uu heli doonno xorriyadiisa, maadaama sifaha lafu xiray aysan markii horeba sharci ahayn,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa agaasime Xasan.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay soo dhoweyneysaa go’aanka Maxkamadda ee baabi’inta eedeymaha, hase yeeshee waxaan ku baaqeynaa in deg deg loo sii daayo wariye Cali Aadan Muumin.

“Waa wax laga xumaado in eedeymo lagu soo oogo wariye qoray aragtidiisa oo kaliya.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay ugu baaqeysaa masuuliyiinta dowladda inay dulqaad u yeeshaan dhaliilaha, maadaama dadka haya xilalka dadweynaha aysan ka reebaneyn in la dhaliilo.

“Ma’ahan in wariyaashu ka cabsadaan in ay dhibaato uga timaado haddii ay xitaas u’alo weydiiyaan ama ay dhaliilaan masuuliyiinta- oo ay ku jiraan saraakiisha booliska oo ayna si adag u xisaabiyaan dhammaan masuuliyiinta dadweynaha,” ayuu sii raaciyay war saxaafadeedka SJS.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada