Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSuxufiyiin Ta...

Suxufiyiin Tacaddiyo kala duwan loogu geystay gobolo kala duwan

Muqdisho, Soomaaliya, 11 Disembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa tacaddiyada kala duwan ee loo geystay suxufiyiin kala jooga magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Laascaanood kuwaasoo laga hor istaagay shaqadooda, lagana qaatay qalabkii ay ku shaqeeynayeen maalinimadii Isniinta 9 Disember iyo Arbacadii 11 Disembar.

Ciidamada dowladda ayaa hor istaagay, isla markaana u hanjabay suxufiyiin u kala shaqeeya warbaahinta gudaha iyo dibadda, kuwaasoo doonayay inay warar ka tebiyaan Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo habeenimada Talaadada weear argagixiso lagu qaaday. Suxufiiyiintan oo la hadlay SJS waxay sheegeen in iyagoo bannaanka hotelka jooga ay si qasab ah ay u ceyriyeen ciidamada madaxtooyada.

Magaalada Jowhar ayaa iyadana saddex saxafi oo kala ah Xamdi Abukar Xasan oo u shaqeysa RTN TV, Maxamed Yasin Mahdi oo Dalsan TV u shaqeeya iyo Cabdidishakuur Cabdullahi Axmed (Shaashaa) oo CNA TV u shaqeeya laga hor istaagay inay soo tebiyaan shir ka dhacayay garoonka diyaaradaha ee Jowhar, halkaas oo madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu kula kulmayay wakiilada Qaramada Miboodey, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika. Madaxa amniga madaxtooyada Hirshabelle oo lagu magacaabo Cabdi Cali ayaa si qasab ah uga qaaday kaamirooyinka suxufiyiinta isagoo u sheegay in uu fulinayay amar ka soo baxay Madaxweyne Waare.

Magaalada Laascaanood ayaa booliska Somaliland waxa ay hor istaag, hanajabaad iyo qalab ka qaadis ku sameeyeen suxufiyiin warar ka soo tebinayay hotel cusub oo halkaas laga furayay, isla markaana calanka Soomaaliya lagu daray calamamada wadamada gobolka qaarkood oo laga taagay Hotelka. Suxufiyinta ayaa kala ah Cabdishakuur Cali Ducaale (Horyaal24 TV); Maxamed Shaqalle Canshuur (Somnews TV); Farxaan Maxamed Caydiid (RTN TV); Cali Dhegjar (SBC TV); Cabdiraxmaan Axmed Olol (Horn Cable TV); Faarax Maxamuud Dubbad (Goobjoog TV) iyo Mowlid Ismaaciil Dige (Eryal TV).

Suxufiyiinta ayaa sheegay in markii qalabkoodii loo celiyay laga reebtay cajaladihii (memory cards) taasoo ku kaliftay in warbixintii maalintaas ay diri waayaan.

Weriye Cabdiraxmaan Olol oo ka tirsan Horn Cable TV ayaa lagu xiray sifo sharci darro ah muddo 3 saacadood ah kadib markii uu bartiisa facebook-ga toos uga tebinayay dhacdada hotelka.

“Waxaanu cambaareyneynaa dhammaan tacaddiyada ka dhanka suxufiyiinta oo ay jiraan qalab ka qaadashada iyo ka hor istaagista shaqadooda,” Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa yiri isagoo intaa ku daray in tacaddiyada noocaan ah aanay keliya ku koobneyn xadgudub lagu sameeyay xorriyadda saxaafadda balse ku ah xadgudub dastuurka KMG ee Soomaaliya kaasoo damaanad qaadaya xorriyadda saxaafadda iyo helista xogaha.

“Waxaan ka dalbaneynaa maamulada inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan tacaddiyadan, isla markaana xaqiijiyaan in suxufiyiintu waajibaadkooda shaqo u gutaan cabsi la’aan,” Xoghayaha Guud ee SJS ayaa intaa ku daray.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada