Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS waxay cam...

SJS waxay cambaareyneysaa xukunka lasoo dhoodhoobay ee Maxkamadda Ciidamada Puntland ku riday weriye Kilwe

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Maarso 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xukunka saddexda bilood ee xarigga ah ee Maxkamadda Ciidamada Puntland ku ridey weriye madax-bannaan Kilwe Adan Faarax intii lagu guda jiray wax SJS iyo qareennadu ku tilmaameen “maxkamad been abuur ah” oo ka dhacdey magaalada Garowe Arbacadii 03 March 2021.

Fadhi maxkamadeed oo xiran oo maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, ayaa qaadiga Maxkamada Ciidamada wuxuu ku xukumay weriye Kilwe, kaas oo xirnaa tan iyo 27-kii Diseembar 2020, saddex bilood oo xabsi ah. Garsooruhu ma helin wax caddayn ah dhammaan shanta eedood ee uu soo oogay dacwad oogaha Maxkamadda Milateriga.

“Ilaa iyo 11kii Janaayo, dacwad oogeyaashu waxay sii wadeen inay badalaan xaashidayda dacwad oogaha macmiilkayga Kilwe markasta oo ay garsoorayaashu dalbadaan caddaymo. Way cadahay in maxkamada iyo dacwad oogeyaashu ay is burinayaan, waana xukun caddaalad darro ah, ”ayuu yiri qareenka difaacaya weriyaha, Mustafe Maxamed Jaamac.

Kilwe waxaa xiray Hay’ada Sirdoonka Puntland ee PISA 27-kii Diseembar 2020 maalin kaddib markuu ka warbixiyay mudaaharaad looga soo horjeedo sicir bararka oo ka dhacay magaalada Garowe kaasoo ka careysiisay Madaxweynaha Puntland.

Toddobaadkii hore, SJS, iyada oo kaashaneysa qareennadeeda, waxay ka mudaaharaadeen oo ay ka soo horjeesteen adeegsiga Maxkamadda Militariga si loogu soo oogo weriye Kilwe. Sharciga Soomaaliya wuxuu si cad u sheegayaa in maxkamadaha militariga aysan awood u lahayn, si kastoo ay ahaatoba, inay dacwad ku soo oogaan dadka rayidka ah. SJS waxay sii wadi doontaa inay u dagaallanto xorriyadda weriye Kilwe.

“Maxkamadeynta saaxiibkeen Kilwe ee loo adeegsaday Maxkamadda Ciidamada waxay ku xadgudbaysaa Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland. Waxay sidoo kale jebineysaa qawaaniinta caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Xeerka Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Tan Dadyowga, Mabaadi’da iyo Tilmaamaha oo sheegaya in maxkamadaha militarigu aysan awood u lahayn inay xukumaan dadka rayidka ah,” sidaasi waxaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

Garyaqaanka caalamiga ah Michael Polak, oo ka mid ahaa kooxdii caawineysay kiiska Kilwe ayaa yiri “Dhibaatadii foosha xumayd ee lagu hayo weriye Kilwe oo ay ka mid tahay xariggii qarsoodiga ahaa ee sharci darrada ahaa iyo hab-dhaqanka mas’uuliyiinta waa in la cambaareeyaa. In weriyaha loo ciqaabo shaqadiisa darteed, in lagu soo oogo denbiyo culus, kaddibna la beddelo eedeymaha si loogu helo denbi kale iyadoo aan lahayn nidaam sax ah waa mid ay ku dhaqmaan maamulada dulmiga ku saleysan ee ka jira adduunka oo dhan. Beesha caalamku waa inay wax ka qabataa illaalinta xorriyadda saxaafadda ee guud ahaan Soomaaliya.”

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada