Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS waxay cam...

SJS waxay cambaareyneysaa beegsiga iyo xarigga rabshadda wata ee suxufiyiinta Galmudug, Puntland, Hirshabeelle iyo Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Febraayo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada, handadaadaha, faaf-reebka ku saleysan cabdi gelin, tacadiyada gacan-qaadka ee loo geystay warfidiyeennada, ayna geysteen ciidamada amniga iyo saraakiil ka tirsan Galmudug, Puntland, Hirshabeelle iyo Muqdisho.

11 Febraayo, 2021, ciidanka nabadsugidda ee NISA ee dharcadka ee degmada Hodan ayaa xabsiga u taxaabay sawirqaade madax-bannaan Saadaq Maxamed Maxamuud oo u shaqeeya wakaaladda wararka ee Anadolu. Saxafigan ayaa xilligii la qabanayey aragtiyo ku saabsan saameynta cudurka Covid-19 ka ururinayay dadweynaha. Muddo kooban ayaa lagu hayey saldhigga booliska ee degmada Hodan, waxaana la sii daayay isla maalintaas isagoo aan wax eed ah lagu soo oogin.

Barqanimadii Isniintii ee 8da Febraayo 2021, Labo sarkaal oo ka tirsan ciidanka Nabadsugidda ee NISA, kuna hubeysan bastoolado ayaa weeraray xarunta telefishinka Somali Cable TV ee Muqdisho, waxayna xireen labo ka mid ah shaqaalaha telefishinka oo kala ah: sawirqaade Sayid Cali Cabdi iyo wade baabuur Cali Malaaq oo xiligaa isku diyaarinayay inay shaqo warbaahineed bannaanka ka soo qabtaan. Sida saxafiyiin jooga telefishinka u sheegeen SJS, labada saxafi waxaa lagu xiray xabsiga Godka Jilacow iyadoo lagu eedeeyay inay muuqaal ka duubeen Godka Jilacow, oo u dhow xarunta TV-ga. Labada saxafi waxaa la sii daayay iyagoo wax eed ah loo heynin, wax tafaasiil dheeri ahna lagama bixinin xariggaasi. Weerarkani wuxuu noqonayaa kii labaad ee ay ciidamo ka tirsan NISA ay ku qaadaan xarunta Somali Cable TV tan iyo bishii May 2020.

8-dii Febraayo 2021, sarkaal ka tirsan Rugta Ganacsiga Shabeellaha Dhexe ayaa u gacan-qaad qori loo adeegsaday ugu geystay weriye Liibaan Cabdulle Maxamed oo magaalada Jowhar uga soo warama Somali Cable TV. Sarkaalka waxa u uku hanjabay in uu dilayo weriyaha, isagoo ka carooday warbixin weriyuhu ka diyaariyay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar taasoo uu ku dhintay qof ka ganacsada jaadka (qaadka) iyo mid kalena lagu dhaawacay. Weriye Liibaan ayaa dacwad ka dhan ah sarkaalka u gacan-qaaday geeyay saldhigga booliska ee Jowhar, balse boolisku wax tallaabo ah oo ay qaadeen ma jirto illaa iyo hadda sida uu Liibaan iyo weriyayaal oo la socday maalintaas ay u sheegeen SJS.

4-tii Febraayo 2021, Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland Abdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa ul ku garaacay ka hor inta uusan xirin weriye Yuusuf Maxamuud Yuusuf oo u shaqeeya warbaahinta SBC TV, tacadigaas oo ka dhacay bar kontorool boolis oo ku taalla Boosaaso. Weriye Yuusuf oo sidoo kale si madax-bannaan ula shaqeeya Warbaahinta VOA ayaa xiliga tacadigu ku dhacay ku howlanaa tebinta soo dhoweynta Sheekh Mustafe Ismaaciil lagu soo dhoweynayay magaalada Boosaaso. Sida uu SJS u sheegay agaasimaha SBC TV Maxamed Deeq Cabdalla, illaalada guddoomiyaha ayaa qori ku handaday suxufiga, xabbadna ku riday xiliga sida laga daawaday muuqaal uu weriye Yuusuf duubay maalinkaas.

3-dii Febraayo 2021, ciidanka Booliska Galmudug ee fadhigoodu yahay degmada Wisil ayaa muddo kooban xiray weriye Saadaq Siciid Nuur oo u soo warama CBA TV isagoo xiligaa tebinayay kulan ay dadka deegaanka kaga cabanayeen is-baddal maamul oo maamulka Galmudug ka sameeyeen deegaanka Xero Dhagaxley oo ku taalla Bariga gobolka Mudug. Sida uu Nuur u sheegay SJS, ciidamo boolis ah oo hubeysan ayaa goobta yimid isla markaana xiray xilli uu wareysiyo duubayey. Suxufiga ayaa la sii daayey kaddib markii si Khasab ah loogaga tiray dhammaan waxyaabihii uu duubay oo ay ku jiraan wareysiyadii uu qaaday.

31-kii Jannaayo 2021, saraakiil ka tirsan NISA ayaa xabsiga u taxaabtay weriye madax-bannaan Nuune Cali Xasan isagoo ku sugnaa agagaarka isgoyska KM4 xiligaas oo isaga iyo warfidiyeenno kale ay kasoo warramayeen weerar qarax iyo rasaas ahaa oo lagu qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho. Weriyaha waxaa lagu hayay guri aan la aqoonin oo ku yaalla degmada Wardhiigley illaa fiidkii 1-da Febraayo, xiligaas oo ay soo kexeeyeen kuna dejiyeen waddo bannaan oo ay kaga tageen.

29-kii Jannaayo 2021, ciidanka Booliska Galmudug ee jooga Caabudwaaq, gobolka Galgaduud ayaa muddo kooban xiray weriye Mahad Bashiir Cusmaan, aas-aasaha iyo tifaf-tiraha Sooyaal TV oo ah telefishan dhanka internetka ku hawlgala. Xarigga weriyaha ayaa yimid kadib markuu soo tebiyay cabasho ka timid qoys gabadhooda oo uur leh la kufsaday laguna dilay duleedka degmada Caabudwaaq dhammaadkii bishii Disembar 2020. Warbixinta Cismaan ayaa soo xigatay hooyada gabadha la dilay oo dalbaneysa caddaalad xilli ay soo baxeen warar sheegaya in odayaal dhaqameed ay ka wada hadleen kuna heshiiyeen in 50 neef oo geel ah diyo ahaan loo siiyo qoyska dhibbanaha. Suxufiga ayaa la sii daayay isla maalintaas isagoo aan wax eed ah lagu soo oogin.

6-dii iyo 8-dii Febraayo 2021, siddeed suxufi oo kasoo waramayey xarunta Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa saraakiil NISA oo baarlamaanka lagu soo daadiyay kala kulmay handadaad, cabsi gelin iyo sawirro aysan raali ka ahayn oo laga qaaday. Afar ka mid ah siddeeda suxufi oo la hadlay SJS ayaa sheegay in ciidanka dharcadka NISA oo ku hubeysan bastoolado ay u soo dhowaadeen, uguna hanjabeen cawaaqib adag inay la kulmi doonaan haddii ay wareystaan xildhibaannada mucaaradka. Waxay kaloo sheegeen in askartaasi NISA ka tirsan ay telefoonnadooda gacanta sawirro uga qaadayeen suxufiyiinta goobta joogtay.

“Waxaan cambaareyneynaa weeraradan cusub, xarigga sharci darrida ah, iyo beegsiga suxufiyiinta ku sugan Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Muqdisho. Runtii waxay xaaladda u tahay mid walwal badan u leh warfidiyeenka Soomaaliyeed. Beegsiga, xarigga iyo hanjabaadaha rabshadda wata – ee ay geysanayaan badankood saraakiisha amniga iyo masuuliyiin iyagoo aanan haba yaraatee lala xisaabtameyn- ayaa noqday wax iska caadi ah,” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin.

“Iyadoo shaqada suxufiyiinta ay waqtigan muhimad weyn u leedahay dadweynaha Soomaaliyeed kahor waqtiga doorashada lagu muransan yahay, ayaa haddana waxaa walwal leh in maamullada kala duwan ee dalka aysan wax xushmad u heyn xuquuqda suxufiyiinta, iyagoo weliba sii wada beegsiga iyo khatar gelinta nafta warfidiyeenka. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan masuuliyiinta dalka inay badbaadiyaan suxufiyiinta, ayna ixtiraamaan xorriyaadka aas aasiga ee Dastuurka lagu dhowray, oo ay ku jirto xorriyadda hadalka,” ayuu sii raaciyay Xoghaye Mumin.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada