Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo xusuus...

SJS oo xusuusineysa wariyaasha inay muujiyaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xusuusinayaa wariyaasha Soomaaliyeed inay ku dedaalaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona, ayna ka baaqsadaan hawlaha waxyeeli kara bed-qabka wariyaasha.

Ka hor qabsoomidda doorashada Galmudug oo dhowaan la rajeynayo, iyo doorashooyinka guud ee dalka oo la filayo inay dhacaan 2020/2021, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ku waaninayaa wariyaasha, tifaftirayaasha iyo soo saareyaasha inay ku sifoobaan dhex-dhexaadnimo ayna ku dhegganaadaan xirfad-yahannimo saxaafadeed inta ay shaqo-maalmeedkooda gudanayaan.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu dareensan yahay in qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala Galmudug ay si toos ah iyo si aan toos ahaynba ugu lug yeesheen arrimo ol’ole doorasho, taasoo waxyeeli karta amniga suxufiyiinta, Xeerka Anshaxa Saxaafadda iyo dhex-dhexaadnimada xirfadeed ee laga doonayo suxufiyiinta.

“Saxaafad masuul ah, madax-bannaan, oo xirfadyahan ah waxay laf-dhabar u tahay bulsho kasta oo dimuqraadi ah. Wariyuhu waa in uu marwalba xusuusnaadaa in doorkiisa/keeda Wariyanimo ay tahay in dadweynaha usoo gudbiyo/gudbiso dhacdooyinka wareed- ma’ahan in wariyuhu dhinac la safto,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururuka SJS, Abdalle Mumin  “Wariyaashu waa in ay ka fogaadaan dhaqdhaqaaq walba ay kaga qeybqaadanayaan ol’olaha doorashooyinka, taa badalkeedna ay wararka u soo tabiyaan si dhex-dhexaad ah.”

“Bulshada guud waxay kaliya isku halleyn doontaa war-tebinta warbaahinta, waana in muhiimad sare la siiyaa soo gudbinta warar sugan oo dhex-dhexaad ah, duruuf kasta oo jirta,” ayuu yiri Xoghaye Abdalle Mumin.

Dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay hogaanka SJS iyo wariyaasha xubnaha ka ah Ururka waxay ka doodayeen sidii loo hagaajin lahaa habka bed-qabka suxufiyiinta gudaha ka howlgala. Arrinta sida weyn hoosta looga xariiqay ayaa ahayd baahida loo qabo saxaafad war-tebinteedu tahay mid daacad ah oo madax-bannaan.

Ururka SJS wuxuu ku dhiirigelinayaa warfidiyeenka inay soo sheegaan khataraha ay la kulmayaan muddada lagu jiro ol’olaha iyo waqtiga doorashada intuba.

“Suxufigu waa inuu soo tebiyaa wararka la xiriira xisbiyada iyo musharixiinta, si ay cod-bixiyaashu u sameeyaan isbarbardhigga ku saabsan iyaga. Laakiin suxufiga xirfadyahanka ah ma’ahan inuu lakala safto musharrixiinta,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Xoghaye Mumin.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada