Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo talo j...

SJS oo talo jeedin sharciyeed ka sameysay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 24 Nofember, 2019 – Kaddib wada-tashiyo ballaaran oo ay xubnaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo suxufiyiin kale ka qeybgaleen, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu talo sharciyeed oo ku saabsan Xeerka Saxaafadda Soomaaliya u gudbiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya- halkaas oo uu hadda horyaallo sharciga saxaafadda.

Sida ku xusan talooyinka sharciyeed ee Ururka Suxufiyiinta SJS uu gudbiyay, 26 qodob oo ka mid ah 40-ka qodob oo uu sharcigu ka kooban yahay ayaa waxaa talooyin sharciyeed ka gudbiyay sharci-yaqaannada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), suxufiyiinta iyo tifaftirayaasha xubnaha ka ah ururka. Qodobada ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mid ah sharciyadda iyo madax-bannaanida Golaha Saxaafadda Soomaaliyeed ee ku xusan Xeerka, diiwaan-gelinta suxufiyiinta, ganaaxa lacageed ee tifaftirayaasha iyo mulkiilayaasha warbaahinta iyo diiwaan-gelinta dhowr heer kala ah oo warbaahinta gaarka loo leeyahay shardi looga dhigay marka sharciga la ansixiyo.

Qeybaha sharciga ayaa waxaa ku jira ereyo maldahan oo aan caddeyn waxa loola jeedo sida tebinta war been abuur ah, faafinta baro-bagaando, ku xadgudubka dhaqanka suubban iyo diinta, ka hor imaanshaha danaha qaranka iyo amniga qaranka ayaa gebi ahaanba dib loo eegay, isla markaana laga sameeyay soo jeedino ku saleysan talooyin sharci ah, iyadoo maanka lagu hayo xuquuqda xorriyadda saxaafadda, xorriyadda ra’yiga iyo helista xogta inay yihiin kuwo dastuuri ah.

“Waa hal tallaabo oo horumar ah in Xildhibaannada Aqalka Sare ay hadda garowsadeen in Xeerka Saxaafadda ee horyaalla uu yahay mid caburin iyo xadgudub inuu ku saleysan yahay, waxaan sidaa darteed uga mahadcelineynaa in Xildhibaanadu ay diideen in Xeerkan uu sii socdo, ayna xaqiijiyeen in dhammaan codka suxufiyiinteenna la maqlo oo la xisaabiyo,” waxaa sidaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin.

“Halgankeennu ma dhammaanayo xitaa haddii aan gudbinnay talooyinkeenna,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin “Soomaaliya kama reebana in xeerarkeeda ay sal uga dhigto xeerarka ugu fiican ee dunida looga dhaqmo, waana sababta aanu u rajeyneyno inaan aragto Xeerkan Saxaafadda uu sidoo kale noqdo.”

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu bogaadinayaa Xubnaha Aqalka Sare ee dareemay walaaca ay suxufiyiinta ka muujiyeen Xeerkan Saxaafadda.

Xeerkan Saxaafadda ee hadda wax-ka-beddelkiisu soco ayaa markii ugu horreysay la dhaqan-geliyey 10kii Jannaayo, 2016. Bishii Maarso 2017, Wasiirkii xilligaas ee Warfaafinta, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ballanqaaday in dib-u-eegis lagu sameyn doono Xeerka kahor intaan Golaha Wasiiradu meelmarin bishii Luulyo 2017.

Xeerka ayaa Baarlamaanka si boobsiis ah loogu diray laguna ansixiyay bishii 8dii Luulyo, 2019 iyadoo aan wax wadatash ku filan laga siin suxufiyiinta.

*****
Daawo muuqaal ku saabsan talo soo jeedinta SJS (Af-Soomaali).
Akhri talo soo jeedinta dhan (PDF).

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada