Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo taagee...

SJS oo taageereysa baaqa qaaraan ururinta caafimaadka wariye Ismaaciil Sheikh Khalifa

MOGADISHU, Soomaaliya,  20 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ku baaqayaa in taageero caafimaad oo deg deg ah loo helo weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye u dooda xuquuqda suxufiyiinta, kaasoo dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax baabuurkiisa loogu xiray uu kazoo daray kaddib muddo 10-bilood ah oo lala tacaalayey.

Weriye Ismaaciil, oo ahaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Xuquuqul Insaanka ayaa galay dhowr qalliin oo looga sameeyay dhabarka iyo murqaha barida kaddib dhaawac daran oo kaasoo gaaray qarax baabuurkiisa loogu xiray 4tii bishii Disembar, 2018 xilli uu kasoo baxay istuudiyaha telefishanka oo uu kulahaa barnaamij toddobaadle ah.  Ma jirto cid sheegatay weerarka, lagumana sameyn wax baaritaan ah.

Ismaaciil waxaa la geeyay isbitaalka Soomaali-Turkey (Digfeer). Kaddib labo jeer oo qalliimo waaweyn ah lagu sameeyay, waxaa laga saaray isbitaalka 29kii Disembar, laakiin nasiib darro xaaladda dhaawaciisa oo ka dartay awgeed ayaa sababta in dib loogu celiyo isbitaalka bishii Agoosto 2019.  Dhakhaatiirta ayaa markale qalliin ku sameeyay.

“Xaaladda walaalkeen Ismaaciil masoo hagaagin sababo la xiriira dhaawaciisa oo caabuq qaaday awgeed. Dhakhaatuurtu waxay ku taliyeen in si deg deg ah weriye Ismaaciil loogu qaado caafimaad dibedda ah si wax looga qabto xaaladda dhaawaciisa,” sidaasi waxaa SJS u sheegay weriye Cabdifataax Mocalim Nuur oo ka tirsan Guddi Weriyaal ah oo isu xilqaamay dhaqaale u ururinta Ismaaciil.

Bishii hore waxay Guddiga Weriyaashu ururiyeen lacag dhan $22,000 (labaatan iyo labo kun doollar) si weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa loogu raadiyo caafimaad dibedda ah, hase yeeshee lacagtaasi ayaa ah kala bar uun kharashka loogu baahan yahay in weriye Ismaaciil lagu soo daweeyo. Waxaa lagu qiyaasayaa lacag gaareysa $50,000 (konton kun doollar) in loogu baahan yahay daaweynta weriye Ismaaciil.

Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa ku soo biiray baaqa taageero-doonka ee ay sameeyeen weriyaasha Soomaaliyeed ee lagu codsanayo in daaweyn loogu raadiyo walaalkeen Ismaaciil Sheikh Khaliifa, iyadoo sidoo kale la muujiyay inuu Ismaaciil u baahan yahay badbaado amni maadaama tan iyo xitaa markuu isbitaalka galay uu helayey hanjabaado.

“Waxaan ka walaacsanahay xaaladda saaxiibkeen Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye sumcad ku leh difaaca xuquuqda bani’aadamka kaasoo si cadawtinimo leh loogu dhaawacay weerar qarax,” ayuu yiri Xoghaye Guud Cabdalle Mumin “Warbixinta caafimaad ee aan aragnay waxay muujineysaa in Ismaaciil ku tiirsan yahay dawooyin xannuun baabi’in ah. Mana uu taageeri karo qoyskiisa iyo carruurtiisa oo dhan 8, kuwaas u baahan caawintiisa aabenimo.”

“SJS waxay ku biirtay baaqa codsiga ah ee ay soo jeediyeen weriyaasha. Waxaana si naxariis leh uga codsaneynaa cid kasta oo awoodi karta inay ka qeybgasho qaaraanka lagu taageerayo caafimaadka walaalkeen Ismaaciil,” ayuu sii raaciyay Cabdalle Mumin.

SJS waxay u mahadcelineysaa shirkadaha iyo hay’adaha ka qeybqaatay bixinta qaaraanka la ururiyay illaa hadda.  Waxaan sidoo kale amaaneynaa Safaaradda Turkey ee Muqdisho oo fududeysay visa-ha Weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa si uu caafimaad ugu tago dalka Turkey.

Lacagaha la ururiyay illaa iyo hadda iyo samafayalaasha ku deeqay:

No. Magaca hay’adda Qaaraanka la bixiyay
1. Hormuud  Telecom   US$5,000
2. Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed   US$6,000
3. Dahabshil Bank   US$4,000
4. Bahda saxaafadda Soomaaliyeed US$4,000
5. BECO (shirkadda korontada)  US$3,000
WADAR: US$22,000

Cid kasta oo dooneysa inay ka qeyb qaadato qaaraanka caafimaad ee walaalkeen Ismaaciil Sheikh Khalifa, waxay kala xiriiri kartaa guddiga weriyaasha ee qaaraan ururinta wada, emailkan email; fitaaxqeys@gmail.com  ama telefoonka +252 615 561 892.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada