Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo soo dh...

SJS oo soo dhoweysay baaqa Midowga Yurub ee dhameynta tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 20 May 2020 – Ururka Warfidiyeenka Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa bayaanka maalintii Talaadadii ee 19ka bisha May kasoo baxay Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Midowga Yurub, Maria Arena, kaasoo looga hadlay weerarada joogtada noqday ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hor-istaagista ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda.

Warfidiyeenka Soomaaliyeed oo runtii safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka cudurka Korona ayaa hadda ku jira labo dhib dhexdood. Sannadkan kaliya waxaa la dilay labo weriye oo kala ah: Cabdiwali Cali Xasan iyo Siciid Yuusuf Cali, iyadoo 26 suxufi oo kale lagu sameeyay weerar gacan-qaad ah iyo ishortaag shaqadooda ka dhan ah tan iyo bilowgii sannadkan 2020.

SJS waxay soo dhoweyneysaa baaqa Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Yurub ee ku aaddan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay baaritaan madax-bannaan, caddaalad ah oo dhameystiran ku sameyso dilalka suxufiyiinta iyo in kuwa dilalka geysta la horkeeno caddaaladda. Waxaan sidoo kale soo dhoweyneynaa qaddarinta Midowga Yurub u muujiyeen suxufiyiinta Soomaaliyeed ee halista u gelinaya naftooda halganka ay ku difaacayaan sidii ay shaqadooda si xor ah ugu qabsan lahaayeen iyo sida ay u difaacayaan xorriyadda warbaahinta gaar ahaan xilligan adag ee uu jiro Cudurka Korona.

“War saxaafadeedka Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Midowga Yurub, Maria Arena ee muujinaya halista ay wajahayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo baaqeeda ay u jeedisay Dowladda Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilalka loo geysto warfidiyeennada waxay rajo dhab ah u abuurtay suxufiyiinta geesiyaasha ah ee markasta khatarta u galiya naftooda sidii ay dadweynaha war u siin lahaayeenoo kaliya,” Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa sidaas yiri.

Xoghaye Mumin ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Muqdisho iyo Hargeysa inay siidaayaan wariyaasha u xiran ee kala ah: Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja), tifaftiraha Radio Hiigsi oo xarig sharci darro ah oo go’doomin ah lagu hayo tan iyo 7dii Maarso iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah wariye madax-bannaan oo xiran tan iyo 17kii Abriil, 2019.

Isniintii toddobaadkan, suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo wakiilada hay’adaha warbaahinta ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay shir saxaafadeed ay kaga cabanayaan tacadiyada joogtada noqday ee isugu jira hanjabaadaha, cagajugleynta iyo khalkhal-gelinta ee ay suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta kala kulmayaan saraakiisha Dowladda xilli uu dalku ku wajahan yahay doorashooyinka qaran ee guud.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada