Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo ka wal...

SJS oo ka walaacsan weerarada internet-ka ee sii kordhaya ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed

MUQDISHO, Soomaaliya, 25 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu welwel xoog leh ka qabaa hanjabaadaha iyo weerarada dhinaca online-ka ah ee lagu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka hawlgala Muqdisho iyo Puntland taasoo abuurtay walaac dhanka bedqabka suxufiyiinta.

Bartamihii bishii la soo dhaafay, ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu diiwaan-geliyay in ka 15 dhacdo oo hanjabaad dhanka internetka oo lagu qaaday weriyaal. Kiisaska la diiwaan-geliyay waxaa ku jira gabdho saxafiyiin ah oo lagu dhibaateeyay xilli ay gudanayeen waajibkoodii shaqo oo ay kaga soo waramayeen Xarunta Golaha Shacabka 09 Oktoobar, 2019.

Tusaale kale, weriye ka shaqeeya mid ka mid ah warbaahinta caalamiga oo ka hawlgala Muqdisho ayaa toddobaad ka hor lagu weeraray internet-ka kaddib markii magaciisa lagu daabacay baraha bulshada.

Suxufiyiinta ka howlgala Puntland ayaa sidoo kale ka cabanaya weeraro lagula beegsaday bogaga arrimaha bulshada. Muddadii u dhexeysay 14-kii – 25-kii Oktoobar, SJS waxay wareysatay sagaal (9) kiis oo ay ku jiraan weeraro la doonayay in lagu jabsado baraha ay Facebook ku leeyihiin suxufiyiin madax-bannaan.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu aad uga welwel qabaa in gabdhaha suxufiyiinta ah ee ay dhibaatooyinkan soo wajahday, iyagoo weliba aan si wanaagsan u garaneyn qaabkii looga hortagi lahaa ayna ku yeelatay saameyn aan wanaagsaneyn.

“Ma aanan hurdin dhowr habeen. Waxaana ka baqay haddii aan soo galo Facebook ama aan warar soo geliyo in ay kooxahan weerar igu soo qaadaan,” sidaa waxaa SJS u sheegtay gabar saxafiyad ah oo ka mid ah kuwa la kulmay weerarada internet-ka.

“Waxaan ka welwelsanahay in weerarada iyo hanjabaadaha ka dhaca baraha bulshada ay khatar amni ku yeelaneyso warfidiyeenada,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin, waxa uuna cambaareeyay weerarada noocan oo kale ah. “Waxaan ugu baaqeynaa maamullada heer goboleed iyo heer federaal inay xaqiijiyaan amniga suxufiyiinta dhibaatadu soo gaartay, isla markaana baaraan shakhsiyaadka ka dambeeya weeraradan.”

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu sidoo kale ka welwelsan yahay in suxufiyiintu dhibaatada gaartay qaarkood aaney aqoon fiican u lahayn bedqabka warbaahinta danabeysan.

“Waa muhiim ah in suxufiyiinta ay ahaadaan kuwo bedqaba dhanka internet-ka. Waxaan ku boorineynaa dowladda inay baarto weeraradan ka dhanka ah suxufiyiinta. SJS waxay ugu baaqeysaa tifaftirayaasha inay qaadaan tallaabooyin ay ku xaqiijinayaan bedqabka suxufiyiintooda ay saameysay dhacdooyinkan handadaadaha ah.”

Dhanka Somaliland, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xaaladda aan wanaagsaneyn ee xorriyadda saxaafadda Somaliland iyadoo qaar ka mid ah weriyaal ka shaqeynayey warbaahinta ay ka carareen hanjabaado xarig iyo cabsi-gelin oo lala damacsanaa.

Illaa saddex weriye oo ka soo cararay Hargeysa ayaa SJS u sheegay inay naftooda u baqeen kaddib markii ay ka warheleen falal xarig iyo dhibaatooyin kale oo lala damacsanaa sababo la xiriira warar ay qoreen ama ay baahiyeen warbaahintii ay ka shaqeynayeen.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada