Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo cambaa...

SJS oo cambaareysay xarigga Radio Gedo iyo ammarka Somaliland ee ka dhanka ah Universal TV iyo Star TV

MUQDISHO, Soomaaliya 29 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Gobolka Gedo ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inay u ogolaadaan Idaacadda Radio Gedo inay howlaheedii dib u bilowdo ayna ciidankooda kala baxaan xarunta idaacadda, sidoo kalena ugu baaqayaa maamulka Somaliland inay joojiyaan beegsiga ka dhanka ah Telefsihinnada Universal TV iyo Star TV.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa Nabadsugidda (NISA) oo uu hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Kaniini ayaa galay xarunta Idaacadda Radio Gedo ee magaalada Doolow, gobolka Gedo maalinnimadii Axadda 28 Juun, iyagoo ku amray maamulka, suxufiyiinta iyo shaqaalaha idaacadda inay xarunta faarujiyaan, ayna ku wareejiyaan furayaasha Idaacadda, sida uu SJS u sheegay tifaftiraha idaacadda Maxamuud Cabdirashiid. Maamulka idaacadda ayaa sheegay in aan lagu wargelinin sababta loo xiray idaacadda.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka sharci darrada ah iyo hakinta howlihii idaacadda Radio Gedo ee magaalada Doolow. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Gedo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu oggolaadaan idaacadda inay dib u hawlgasho, lagana qaado ciidamada qabsaday idaacadda,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri.

Idaacadda Radio Gedo waxay noqoneysaa warbaahintii saddexaad ee la xiro muddo saddex cisho gudahood ah.

Magaalada Hargeysa ee Somaliland, Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa amray maanta oo Isniin ah 29 Juun in sii-baahiyaasha telefishannada guduhu ay ka saaraan Universal TV iyo Star TV liiska telefishanada laga fiirsado gudaha Somaliland, ka gadaal markii, sida uu qoraalku ku sheegay Wasiirka uu kala laabtay rukhsaddii ay labada telefishan kaga shaqeynayeen Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale ku amray shirkadaha ganacsiga inay joojiyaan dhammaan xayeysiinta ay siin jireen talefishinadaas. Ammarka Wasiirka ayaa dhaqan-galayay isla Maanta oo Isniin ah. Talefishinadan ayaa xafiisyadooda la xiray 25kii iyo 27kii bishan Juun.

“Ammarkan uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland ka soo saaray Telefishinnada Universal TV iyo Star TV waa weerar cad oo lagu qaaday xorriyadda Saxaafadda iyo xadgudub ka dhan ah qodobada aas-aasiga ah ee Dastuuriga ah ee xaqa helista xogta. Waxaan ugu baaqeynaa Maamulka Somaliland inay joojiyaan weerrarada ay ku hayaan warbaahinta madaxa-bannaan, xushmeeyaana Dastuurka Somaliland ee dammaanad qaadaya xorriyadda saxaafadda,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa intaa ku daray.

SJS waxa ay soo dhoweyneysaa xorriyad siinta weriye Jaabir Saciid Ducaale oo ka howlgala Horyaal24 TV oo maalinnimadii Axadda 28 Juun oo laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Ceerigaabo, laguna siidaayey cafis madaxweyne. Weriyaha ayaa xabsiga loo taxaabay maalinimadii Isniinta ee 22 Juun, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu tebinayay bannaanbax dhallinyarada deegaanka ah ay dhigeen.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada